TACSI MADAXWEYNE

 



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isag oo ku ha dlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waaye elka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaa btii iyo Shacbiga Soma liland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Ambass ador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday Boorama maanta oo ay taa riikhdu tahay25/10/2016.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo door muhiima ka soo qaa tay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland, xilal kala duwa na ka soo qabtay qaranka, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiinta muxtarim ka ah ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka wa raabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaa btii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 


Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.