WAREEGTO MADAXWEYNE
Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaalada
Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Guddida
Cadaaladda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Og: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Og: Xubnaha Guddida Cadaaladda
Og: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
Ujeeddo: Wareegto Madaxwayne Wareejinta Maamulka iyo Miisaaniyadda
Maxkamadaha Hoose
Mudanayaal iyo Marwo,
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay:Qodobbada 37aad, 97aad, 99aad, 106aad, 107aad iyo
108aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka
Garsoorka Xeer Lr. 24/2003;
Markaan Arkay:Qodobka 97aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo dhigaya in Waaxda Garsoorku ay
hawlaheeda u fuliso si waafaqsan Dastuurka, iyada oo ka
madax-bannaan Waaxaha kale ee Qaranka;
Markaan Arkay: Qoraalka summadiisu tahay MS/GMS/G-7/69/2016 ee ku
taariikhaysan 27/01/2016, ujeeddadiisuna ahayd codsi ka soo wareejin
Wasaaradda Cadaaladda Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose,
qoraalkaas oo ka soo baxay Xafiiska Guddida Cadaaladda 27/01/2016;
Markaan Arkay: Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ee
summadiisu tahay MS/GMJ/G-18/27/2016, ee ku taariikhaysan
21/02/2016, ujeeddadiisuna ahayd in lagu soo wareejiyo Maxkamadda
Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaniyada Maxkamadaha Hoose;
Markaan Ogaaday:In Wasaaradda Cadaaladdu ay Miisaniyadda Maxkamadaha
Hoose ku maamuleysey Digreeto Madaxweyne Lr. 47/1996 kaas oo ka
horreeyay Dhaqan-gelkii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay:Qoraalka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee summadiisu
tahay TIX/XGGQ/X/H/138/2016, kuna taariikhaysan 20/12/2016,
ujeeddadiisuna ahayd Talo-bixin Sharci ee Maamulka Maaliyadda
Maxkamadaha Hoose ee Dalka;
Markaan Tix-geliyey:Qoraalka ka soo baxay dhammaanaba
Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanada Gobollada Dalka, kuwaas oo
ku caddeeyey qoraalaadaasi tabasho ay ka qabaan Maamulka iyo
Miisaniyadda Maxkmadaha Hoose ee ay Wasaaradda Cadaaladdu gacanta ku
hayso;
Waxaan soo saaray;
1.In laga bilaabo Sannad Miisaaniyadeedka 2017-ka, waxaa Wasaaradda
Cadaaladda laga soo wareejiyey Maamulka iyo Miisanayada Maxkamadaha
Hoose ee Dalka.
2. In lagu wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo
Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka, si loo kala madax
bannaaneeyo Waaxaha Qaranka, sida ay dhigayaan Qodobka 37aad,
Faqraddiisa 2aad iyo Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland.
3. In Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl
gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka, la hoos geeyo Maxkamadda Sare,
nidaamka shaqaalayntoodana iyada oo loo raacayo Qodobka 108aad,
Faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka
Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr. 24/2003.
4. In magaca Wasaraaduna uu noqdo “Wasaarada Cadaaladda JSL”, sida
uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba, waxaan farayaa Wasiirka Wasaarada Cadaaladda in uu si
dhamaystiran ugu Wareejiyo Maxkamadda Sare Maamulka Shaqaalaha iyo
Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka.
Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo
Hay’addaha kale ee ay khusayso in ay dhaqan geliyaan Wareegtadan,
isla markaana ay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
|