Qoraal uu Madaxweynaha Somaliland u diray Dawladda Ingiriiska oo la gudoonsiiyay Raysal Wasaare David Cameron

 


London (TNN) :-Warqad Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo beesha caalamka oo la xidhiidha gar naqsiga aqoonsi beesha caalamka ay ka hesho Somaliland,ayaa la gaad hsiiyay Raysal Wasaaraha dalka Inrgiiska David Cameron maalintii Arbacadii ee ku  beegn ayd 25 guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18ka May,sidaana waxa xaqiijisay ha weenay ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingriiska oo magaceeda la yidhaah Kerry McCarthy oo soo saartay qoraal ay kaga hadashay arrintan,iyadoo ku dhiiri galisay beesha caalam ka inay qiraan guusha Somaliland samaysay 25 sanno ee ay madax banaanida haysatay.

Marwo Kerry McCarthy , oo ah xoghaya Deegaanka,Cuntada iyo Arrimaha reer miyiga ee xisbiga Mucaaridka ah ee Labour-ka oo qoraal ku baahisay Facebook-geeda oo warbaahin ta Toosh media soo xigatay.

‘Waxa loo gudbinayaa Raysal-wasaraha UK warqad ka timid Madaxwaynaha Somaliland,w axaan rajaynayaa inay ka soo bixi doonto jawaab dhab ahi iyo in laga caawiyo Somaliland inay hore u qaado tallaabo u dhawaynaysay in loo aqoonsado dal madax banana ,taasina way cadahay’ ayay tidhi Kerry McMarthy.Waxa kale oo ay sheegtay in la gaadhay wakhti gii laga garaabi lahaa guusha ay ka midho-dhalisay dawlada Somaliland.

‘Maanta(Arbacadii)18ka May waxay ku calaamadsantahay sannad guurada 25aad ee ma rkii Somaliland oo ah maxmiyaddii hore ee Ingriisku ay ka go’day Somalia oo ah maxmiyad dii hore ee Talyaaniga.Inkasta oo ay leedahay taariikhdeeda u gaarka ah ee inay ahayd dal madax banana ka hor intii aanay labada dal isku biirin,haddana 25 sanno ee ay gooni da u taagnayd oo ahayd mid xasilloon,nabadgalyo ah oo hirgalisay hanaan dimuqraadi ah, haddana Somaliland wali looma aqoonsana qaran madax banaan.Waxa kaliya ee Somalilan d gaadhsiin kara dadaalkeed oo buuxa waa aqoonsi,waxaanan rumaysanahay in ay tahay xilligii beesha caalamku qiri lahayd tan oo ay dhegaysan lahayd arrinta aqoonsigeeda’ ay ay ku tidhi qoraalkeda xildhibaan Kerry McCarthy.

Dhinac kale,xildhibaankani waxay xustay in bulshada reer Somaliland eek u nool Ingriisk a,gaar ahaan magaalada Biristol ay wax tar wayn u leeyihiin dalkasi oo ay ka qayb qaata an nolosha bulshada,sidaasi darteedna looga baahan yahay dawlada Ingriiska inay horm uud ka noqoto aqoonsiga maxmiyaddaa hore.

Xildhibaankani waxay ballanqaaday dadaal ku saabsan aqoonsiga Somaliland oo ay ka samayn doonaan baarlamaanka Inrgiiska.

‘Waxaan samayn doonaa wax allaale iyo wixii aan awoodo,anigoo la shaqayn doona asxaa btayda(Xildhibaannada) taageersan Somaliland(All-party parliamentary Group on Somalil and)inaanu ku dhiirrigelino dawlada inay sidaa samaysao(Aqoonsato),ayay hadalkeeda k u soo gabagabaysay haweenaydan xildhibaannada ahi.

Dalka Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii xoriyadiisa dib ugala soo noqday dalkii Somalia oo ay isku biireen sannadkii 1960-kii,kadib markii caddaallad daro soo waajahday maam ulkii markaa jiray.