Axmed Siilanyo Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kulan Dhexmaray Wefti Ka Socda Safaaradda Ingiriiska Ee Addiss Ababa

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey kulan wadahadal ah oo maalintii shalay dhexmaray iyaga iyo wefti ka socday safaraada dalka ingiriiska ee magaalada Addis Ababa, weftigaas oo uu hogaaminayey safiirka ku xigeenka dalka ingiriiska ee safaaradaasi itoobiya.

Waxaanu guddoomiyuhu wada hadalka kulankoodaasi ku macneeyey mid la xidhiidha ogaanshaha marxalada uu dalka marayo, isaga oo xusay in ay shaki iyo walaac weyn ka qabaan sida ay wax u socdaan ee xaalada siyaasada dalka.

Guddoomiye Axmed Maxamed (Siillaanyo) ayaa xalay wargeyska Haatuf uga waramay khadka telefoonka waxa uu sheegay in wada hadalka kulankoodaasi ay ka dhadhan sadeen madaxdii weftigaasi in ay aad u danaynayaan in wada hadal iyo is afgarad degdeg ahi laga wada yeesho khilaafka siyaasadeed ee xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ee dalka, isagoo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “ waxa aanu ka wada hadalnay marxalada dalka iyo sida ay wax u socdaan, marxaladaas oo ay shaki weyn iyo walaac ka muujiyeen waxay noo soo jeediyeen khilaafka in wada hadal lagu dhameeyo, sidaana ay u sheegeen madaxweynaha, markaa intaas uun baa ujeedada socdaalkooda iyo wada hadalka markaa kulankayaga na dhex maray anaga iyo weftia”ayuu yidhi Siillaanyo

Weftigan ingiriiska ah oo booqasho 24 saacadood ah ku joogay dalka isla markana ujeedada socdaalkoodu ahaa sidii ay xog ogaal uga noqon lahaayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, ayaa maalinti shalay ka ambabaxay Madaarka Hargeysa, isla markaana dib ugu laabtay caasimadda Itoobiya ee ay markii ka yimaadeen.


Haatuf