WAR-SAXAAFADEED

 



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa aqoo nyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga s omaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaashi Ismaaciil Aadan oo ku gee riyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/02/2017, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin hawlkar ah oo kaalin muuqata ku lahaa dib u dhiska dalka, in muddo ahna qaranimada Somaliland uga ololayn jiray dalka Maraykanka, bilihii u danbeeyeyna waxa uu ku sugnaa gudaha dalka, maantana tii Alle ay aa ku timid isagoo ku sugan cidiisa hooyo.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabi yo aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guu d ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL