WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu di greeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka.

Markuu Arkay: Qodobbada 90aad iyo 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobada 68aad iyo 75aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/2007;


Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Heer Qaran ee Bilicda Magaalooyinka;


Markuu Tixgeliyey: Xilka iyo Mas’uuliyadda Dawladda ka saaran ilaalinta fayo-dhawrka deegaanka, bilicda iyo nadaafadda guud ee Magaalooyinka Somaliland;



Markuu Garawsaday: In jaangooynta kormeerka iyo wax-ka-qabadka bulaacadaha, Musq ulaha iyo goobaha qashin qubka iyo nadaafadda Goobaha Ganacsiga sida Sariibadaha iyo Goobaha Cuntada ay aas-aas u tahay kor u qaadida iyo ilaalinta fayo-dhawrka;


Markuu Arkay: Dhibaatada ay Bacdu ku hayso Dhirta, Xoolaha, caafimaadka guud ee Bul shada iyo Bilicda Magaalooyinka Somaliland;


Wuxuu Go’aamiyey:


In ay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada Bacda ee kala duwan sida Ba c-miikada, Bacda ila-qabada, bacaha Shirkadaha iyo Dukaamada ee Xayaysiiska Ganacsig a.


In Dawladaha Hoose iyaga oo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan Goobaha Ganacsiga iyo Warshadaha in Bacaha u yaalla ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood, muddadaa wixii ka danbeeyana ay ku dedaalaan wixii beddeli lahaa Bacaha.


In Wasaaradaha ku Shaqada lehi iyaga oo u maraya Maamulka Gobollada ku kormeeraan Dawladaha Hoose ilaalinta iyo kor u qaadida heerka fayo-dhawrka Deegaanka iyo Caafi maadka Bulshada.



In la joogteeyo Wacyigelinta Dadweynaha ee faya-dhawrka deegaanka.



ALLAA MAHAD LEH

 



Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL