Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Axmed Siilaanyoo oo ka qay bgalay Xaflada qalin jebinta ee Jaamacada Golis

 


 


Hargeysa (TNN) :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta ka qayb galay xaflada qalinjebinta dufcadii 16aad ee Jaamacadda golis ee magaalada hargaysa, xafladani oo ahayd mid si weyn loo maamuusay ayaa waxa madaxweynaha ku wahelinayay wasiiro kamida xukuumada, guddomiyeyaasha hay'adaha dawladda, guddomiyaha maxkamada sare, madaxda axsaabta qaranka iyo aqoonyahano tirro badan oo munaasibada goob joog ka ahaa.

Guddomiyaha guud ee jaamacadda golis Dr Siciid ayaa faa-faahin ka bixiyay kordhka ardayda jaam acadda ku yimi iyo sidoo kale halka ay gaadhsiiyeen aqoonta ardayda jaamacadda waxaanu  shee gay Guddomiyuhu in waxbarashada Somaliland marayso halkii ugu saraysay isagoo si weyna ugu mahad celiyay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo.

Guddomiyaha Maxkamada sare, guddomiyaha hay'adda shaqaalaha iyo masuuliyiiin badan oo xafla dda hadalo kasoo jeediyay ayaa dhamaantoodba ka sheekeeyay muhiimada ay aqoontu u leedah ay aadamaha iyagoo ardaydana ku waaniyay inay waxbarashada sii wataan.

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo khudbad dheer ka jeediyay madasha qalin-jebinta ardayda jaamacada golis ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland itaalkeedii dul dhig tay tayaynta iyo kor u qaadida waxbarshada dalka, wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne silaan yo wax weyn ka qabtay horumarinta cilmiga iyo tayanta ardayada iyo gunayanta macalimiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo oo khudb ad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay guud ahaan ardayada sanadkan ka qalin jebis ay jaamacadaha kala duwan ee dalka gaar ahaana jaamacada golis ayaa ku hambalyeeyay dadaa lka dheer ee ay usoo galeen inay wax bartaan isagoo madaxweynuhu ALLE uga baryay inay noqd aan kuwii dalkooda, dadkooda,iyo diintoodaba anfaca waxaanu yidhi Madaxweynuhu"

Bismilaahi raxmaani raxiim...

Dhamaan marti sharafta,masuuliyiinta kala duwan, madaxda jaamacadda, macalimiinta iyo ardayada Aslaamu calaykum waraxamatulaahi wabaarkaatuh.

Mudanayaal iyo marwooyin

Waxa sharaf weyn bay ii tahay in aan idinkala soo qyab-galo xafladda qalin-jebinta dufcadii 16aad ee jaamacadda golis waxaan hambalyaynayaa ardayda maanta ka qalin jebisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Golis Hargeysa, sidoo kale waxaan ammaan iyo hambalyo u dirayaa waalidiinta da'yartan kusoo tacabtay iyadoo cidkasta oo gacan ka gaysatay ay guushan gaadheen.

Dhinaca kale anigoo ka faa'idaysanaya munaasibadan qiimaha badan, waxaan jecelahay in aan halkan bogaadin uga jeediyo guddomiyaha, guddomiye-kuxigeenka madaxda iyo macalimiinta jaamacadda golis dadaalka iyo horumarka ay ku talaabsadeen mudadii ay jaamacaddu jirtay.

Mudanayaal iyo Marwooyin.

Waxaan hogaamiye ahaan qirayaa in jaamacadda golis ay door weyn ka qaadatay tayaynta waxb arshada dalka islamarkaana ay xaqiijisay is-bedel mug iyo miisaan leh mudadii ay jirtay waxa muuq ata inaad gaadheen in badan oo kamida himilooyinkiini aad hiigsanayseen

ugu danbayn waxaan leeyahay ardayada qalin-jebisay inkasta oo aad shahaadooyin maanta qaad ateen hadana waxa xaqiiq ah inaad badweyntii cilimiga aad bilawdeen .

Ducaqabayaal .

Cilmigu waa bad bilaa deked ah oo aan lahayn bar uu ku dhamaado sidaa darteed waxa idinla gudb oon inaad dadaalka waxbarshada halkaa kasii wadaan oo aydaan ka daalin. Waxaan idinku dardaar ayaa, in aad u yeelataan halganka aqoon raadinta sabir iyo adkaysi, si aad u gaadhaan maqaam aad u sareeya.

Waxaan ku Kal-soonahay, in aad hibo u leedihin hal-abuur iyo himilo fiican, oo aad ku gaadhi karta an horumar weyn, isla markaana aad dalkiina hooyo wax tari kartaan.

Duca-qabayaal,

Guntii iyo geba-gebadii, waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun-xun, e e afeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshooyinka caafimaadka qaba, sida: kala-qaybsanaanta, q abyaaladda, taariibta, dal nacaybka iyo bal-wadaha.

Dhammaanteen, ummad ahaan, waxa inala gudboon, in aynu gacmaha is-qabsano, una midowno il aalinta nabadgelyada iyo danta guud ee qarankeena, si aynu u gaadhno bash-bash iyo barwaaqo.



Eebaa Gallad Leh, Gobannimana shacbigaygaa Leh,

Guuleysta,, Guuleysta,, Guuleysta,