TACSI MADAXWEYNE

 

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isag oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxa abtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05-June-2017, Magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu door muhiima ka soo qaatay dib u xorayntii iyo dib u dhiskii dal ka Somaliland, isagoo ka mid ahaa mujaahidiintii wakhtigooda u huray in shacbiga So maliland u maanta ku naloodo xasilooni iyo nabadgelyo taam ah.

Madaxweynuhu waxa uu marxuum ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka wara abiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 



Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna
Ku simaha Af-hayeenka.