Madaxweynaha
JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo Qasriga Madaxtooyada casho sharaf ku qaabilay xubno ka socday Ururka Jaamacada Carabta

 

 

 

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa xalay (11.02.2016) Qasriga Madaxtooya da casho sharaf ku qaabilay xubno ka socday Ururka Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayey Am bassador Zayd Al Sabaan oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Ururuka Jaamacada Car abta oo ay wehelinayeen Ambassador Cabdimuncim Cabdilcadiim oo ah Agaasinka Waxbarashada Sare, Ambassador Maxamed Cabdala Idiris oo ah Safiirka Jaamacada Carabta u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaliya iyo Mudane Axmed Naaji Bakaal oo ah Xubin sare oo ka socday Xafiiska Xid hiidhka Jaamacada Carabta iyo Africa.

Dhanka Xukuumadda waxa kulankan Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mud. Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka

Mud. Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe). Intii uu kulankani socday waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Ururka Jaamacada Carabta iyo doorka ay Jaam acada Carabtu ka qaadan karto bernaamijyada horumarineed ee ka socda Jam. Somaliland. Dhinaca kale waxa iyana la isla soo qaaday sidii Ururka Jaamacadda Carabtu ay u ixtiraami lahaayeen qadiy ada Somaliland.

Kulankan uu Madaxweynuhu la yeeshay weftigii ka socday Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xukuumaddu si weyn u dar-dar galisay isla markaana dedaalo dheeraad ah galisay tayaynta xidhiidhka ay Jam. Somaliland la leedahay Dunida Carabta. Xukuumaddu waxay daruuri iyo lagama maarmaanba u aragtaa inay la timaado qorshe iyo weji siyaasadeed oo fur-furan oo ka duw an kii ay Somaliland hore ugula dhaqmi jirtay Dunida Carabta. Qorshahani wuxuu hagayaa oo uu si c ad uga tarjumayaa baahiyaha uu leeyahay Qaranka Jam. Somaliland ee ku wajahan xidhiidhka dhina cyada badan leh ee uu dalkeenu la leeyahay Dunida Carabta.

Guntii iyo gebagabadii, kulankani wuxuu ku soo dhamaaday is faham, isu soo dhawaansho iyo balanq aadyo hor leh halkaasoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu waftiga ku guddoonsiiyey ha diyad ka Turjumaysa Astaanta Qarannimada Jam. Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu weftigii ka soc day Ururka Jaamacadda Carabta ku baraarujiyey sida ay Somaliland uga baahan tahay hagar-bax i yo hiilba, gaar ahaan dhinacyada mashaariicda horumarinta, iskaashiga aqoonta iyo deeqaha Waxb arashada iyo ka qayb qaadashada adeegyada guud ee lagama maarmaanka u ah tayaynta Nolosha Bulshada.

 



ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.