Axmed Yousuf Yaasiin oo ku Baaqay in la Taageero Kooxda Xa gjirka ah ee Dagaalka kula Jirta Putland ee Buuralayda GALGALA.





Galgala xadkeena waxay u jirtaa 4km, Puntland waxay ku hadaqaan Qolo Al-qaacida ah ayaa meesh a soo weerartay…. Dad baa la xaaqay beerahoodii iyada oo Macdan la doonayo.”-Axmed Y. Yaasiin
 


Hargeysa(TNN)- Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UDUB Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baa qay inay garab siiso jabhadda maamul goboleedka Puntland kula dagaalamaysa deegaanka Buuralay da Galgalla.

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in dadka ku dagaalamaya ama dagga Galgalla yihiin dad reer Somaliland oo maamul goboleedka Puntland ka baro-kicisay dhulkoodii si ay halkaasi uga gurato macdan uu sheegay inay ku jirto, isla-markaana d adkaasi difaacayaan.

Md Yaasiin oo shalay wareysi siiyey wargeyska Hargeisa Star ayaa sheegay in maamulka Puntland doonayo inuu wada laayo dhalinyaradda Galgalla kula dagaalamaysa, isaga oo intaa ku daray haddii garab la siin waayo in Somaliland oo indhaheedu shan yihiin la guran doono macdanteeda halkaa ku jirta.

Guddoomiye ku xigeenka UDUB, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya arimahaasna waxa uu yidhi “Galgalla xadkeena waxay u jirtaa (4KM), barigii ay meesha soo weerareena gudaheena way soo galeen nimankaasi, waxay ahayd in maalintaas jawaab cad la siiyo, Puntland waxay ku meeraysataa ama ay ku hadaqaan qolo Al-qaacida ah ayaa meesha soo weerartay, may soo weerarin ee Galgalla dadka dagan waala yaqaanaa, dad-baa la xaaqay oo la baa’biiyey oo beerahoodii la baa’biiyey oo la baro-kiciyey iyadda oo macdan la doonayo.”

Md Yaasiin waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay u jawaabtu wasiirka amniga Puntland oo sheegay in laga soo weeraray gudaha Somaliland “Hore anagu halkaa gaashaan ayaanu ka lahayn oo ciidanku wuu ka hawlgali jiray, wufuud ayaanu ku lahayn, xadkeena waxay u jirtaa afar kilo mitir, markaa waxaan leeyahay ninkaa iska dhawaaqaya wax dhaha, waxaanuna leenahay maxaa dhacay dawladeey markaanu joognay waanu ka hawlgali jiray oo taladayadu way cadayde, maanta in la yidhaahdo waxa laga soo duulay Beer waa arin ayaan-daro ah, waxay ahayd in wasiirka daakhiligu ka hadlo” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Laakiin waxaan leeyahay dadkan la leynayo ee la baa’biinayo waa dad reer Somaliland ah horena waa loo baa’biiyey, xadkeenana waxay ka shishaysaa afar 4KM markii dadka la xaaqayeyna 60KM ayaa la soo galay gudaha Somaliland, waxaan leeyahay Somaliland-ney arinkaa ka kaca, haddii inamada yaac-yaacaya haddii la doonayo in la dhameeyo idinka oo arkaya ayaa macdantiinii la guran doonaa, markaa waxaan leeyahay haddii ay dedaalayaan inamadii meesha (Galgalla) joogay ha lala hawl-gallo.”

Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay “Isku Soo baxa 18-ka May waxay cadaynaynaa oo aanu leenahay oo ay waji u saaraysaa shan milyan oo qof ayaa la dafiray xuquuqdoodii caalamow inan-yarna xuquuqdeeda ayaa laga hadlaa, ta anaga aanu taageernayna waa taa, waliba anaga oo xisbiga ugu wayn mucaaradka waxaanu u taageeraynaa oo aanu garanaynaa meeshii aanu ku jiraynay, laakiin taas KULMIYE manuu ogeyn mana garanayn oo waxay ahaayeen niman 30 sanadood oo jabhadnimo ah ka soo doogay oo dawlada may garanayn, laakiin anigu dawladnimada waan garanayaa, dawladu waxa weeyaan nin ceel todoba shub ah ka soo shubay oo guntiisa waxa ku jira og, kor waxa la keenayana og, markaa anagu odhan mayno sidoodii loo keeno (Martiqaadka) tagi-mayno ee anagu waanu tagaynaa oo waanu garab galaynaa, waxaanuna leenahay dadka wixii UDUB ku abtirsada ama Somaliland-ba maalintaas (18-ka May) waxaanu leenahay hala is-cadeeyo xuquuqdeenii ayaa la dafiray oo labataan sanadood maraysa, oo ambiil loo qoro qaramada midoobay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal Iyo Rayaale-ba UDUB-bay ahaayeen, sanadkaa mooyaane 19-kii kale anaga ayaa fadhinay, UDUB ha fadhido laakiin meel-bay keentay oo aasaas ayay samaysay koone ilaa koone ah, lacagtii ayay samaysay, ciidankii ayay samaysay, xadkii ayay riixday, waxaana naga gaadhay juhdi, juhdigaasina waa mid aanu u galnay dadkayaga.”

Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE wakhtigii uu mucaaradka ahaa aanu tagi jirin munaasinadaha qaranka ka dhaxeeya marka lagu soo casuumo “Kulmiye halkan oo kale muu iman jirin, markaa waxaan leeyahay may ahayn niman dawladnimadda u bislaaday ee waxay ahaayeen, waxay ahaayeen niman siday jabhadnimadii uga soo doogeen aan malaha dawladnimada aan garanayn, laakiin maanta malaha way garanayaan oo way ku balaadhatay, sababta oo ah shirari ayaanu la galnay ah sidii loo maamulayay iyo qaabkii looga midho-dhalinayey iyo sidii loo galayey, taladayadiina waanu ka dhiibanay, mid aanu kaba sugaynana maaha, mida kale nin wax cunaa wuu jiraa oo aakhiro loo qabsanayaa, waxayna islahaayeen (KULMIYE) qolada maamulka fadhidaa (UDUB) waxbay futaynayaan, laakiin maanta ayay garanayaan, waliba haddii mushaharkaa ay kordhiyeen ay dhamaystiraan sanadkaa waan salamayaa oo waan u sara-kacayaa oo waxaan leeyahay shaqo fiican ayaad qabateen, maxaa yeelay iyagga oo xamaysa oo is leh dawladii hore wax dhaafiya ayay kordhiyeen (100%) boqolkiiba boqol, waana arin adag, waxayna ku khasban yihiin inay mushahar kaliya soo reebaan si ay uga baxaan, markaa haddii ay taa ka baxaan waxaan leeyahay mushahar fiican ayaad qabateen.” Ayuu yidh, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay xisbiga UDUB aan dadka ka tirsani aanu iskaga dhawaaqi Karin musharaxnimo “Arinka musharixiinta waxaanu soo saarnay go’aan caam ah markii rag badani is-barbar yaaceen, waxaanuna ku nidhi shirwaynaha xisbiga UDUB waa bisha February 2014-ka, waa wakhti dheer, xisbigii ayaa la dhisayaa, golihii dhexe ayaa la sheegayaa dhawaan marka guddoomiyuhu yimaado, dabadeedna xeerka UDUB ayaa wax laga badali doonaa, waxa laga yaabaa in guddoomiyaha xisbiga iyo musharixiinta la kala qaado.”

Md Yaasiin waxa kale oo uu sheegay “Markaa waxaanu soo saarnay in aanu xidhno oo aanu nina musharax sheegan, laakiin waxaan kuu sheegayaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa nin habeen jiray maaha, waxaanan qabbaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa waa nin tuug ah oo doonaya inuu wax dhaco oo umadda dhacaya.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ninka isa soo taagayaa waa inaanu noqon nin inta uu lacag soo amaahday islaanta fadhida suuqa ee iibisa tamaandhada uu hadhow waxeeda xaddo, waa ninkaas ninka meesha ku cararayaa.”

Md Yaasiin waxa uu baaq u diray bulshada caalamka “Waxaan baaq u dirayaa bulshada caalamka oo aan leeyahay waxaad ka hadashaan xuquuq gabdheed, waxaad ka hadashaanb xuquuq qof, waxaad ka hadashaan xuquuq dad la hayb-sooco, laakiin ma ogtihiin inaad shan milyan oo qof aad xuquuqdoodii dafirteen, shan milyan oo qof ayaa xuquuqdoodii la tiray oo la yidhi ma jirtaan, waxa kale oo ka jiray in ilaa bilowgii siddeetamaadkii ilaa sagaashankii aanu adduunku wax ka qorin wixii halkan ka dhacay dagaal iyo mushkilad.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Intaa waxa inoo raacay muddo 20 sanadood ah oo aanu ku naaloonaynay dawladnimo iyo qaranimo oo wixii dawladi lahaydba aanu samaynay haddana xuquuqdayadii la dafirsan yahay, waxaana dafirsan caalamkii, qaramada midoobay ayaa dafirsan, cid waliba way dafirsan tahay, waxa la yidhaahdaa shaqo fiican ayaad qabateen, doorasho fiican ayaad qabateen, si fiican ayaad isugu wareejiseen, waahayee xuquuqdii dadkani halkay ku maqan tahay weeyaan.”



Source: Wargeyska Hargeysa Star