Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Madaxda Udub Ee Uu Madaxwayne Siilaanyo Xilka U Magacaabay

 

Hargeysa (TNN):-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka ha dlay sicir bararka oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka jiray dalka iyo masuuliyiinta ka tirsanaa xisbigii UDUB ee uu Madaxweyne Siilaanyo xilalka u magacaabay.

Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu heegay in sicir bararka ay sabab u noqon karto isticmaal la'aanta lacagta Somaliland oo uu tilmaamay in isticmaalkeedii soo yaraanayo.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa soo jeediyay in la sameeyo guddi uu wasiirul khaarajigu guddoomiye u yahay oo ka hadasha siyaasadda dibadda Somaliland, si aan la isu barbar yaacin. Ugu horayn isagoo Axmed Yuusuf Yaasiin ka hadlaya sicir bararka dalka

ka taagan wuxuu yidhi "Adduunka meel kasta hadaad marto Wadan kasta waxa uu isticmaala lacagtiisa, inaga Wadankeena wax walba dollar ayaa lagu iibsadaa, markaas waxa la mooda inaynu noqonay Gobol ka mid ah Mareykanka, isticmaalka lacagta dollarku waxa uu keenayaa inay lacagteenu dhulka gasho, oo ay daciifto,markaas waxa weeye in Dawladdu qaran ahaan ka soo saarto qaabkii loo xakamayn lahaa lacagaha kale oo Shilinka Somaliland wax lagu iibsan lahaa,oo waxaad mooda inay hadda wax walba doolar uu noqday, caqabada ugu weyn ee maanta ina haysta ee kama kacaanka ahi waa isticmaal la'aanta lacagteena, waxa aynu isticmaalnaa lacago kale, arintana waa arinta ugu horeeysa ee ay tahay in wax laga qabto, Qarankuna waa inuu arintaas meel adag iska taagaa, ta labaadna waa inay Dawladdu cashuuraha ku qaado Shilinka Somaliland, taasina waxa ay keenaysa inay Ganacsatadu isticmaalaan lacagta dalka, ta kale waa inay muwaadiniinta Somaliland ku dadaalan inay isticmaalan lacagtooda si qarankoodu u dhismo".

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko xilka Madaxweynuhu u magacaabay masuuliyiin ka tirsanaa Xisbigii UDUB, gaar ahaan Cawil oo uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay la taliye, wuxuu ku jawaabay "Muwaadiniintu Wadanka wey u siman yihiin, oo marka shaqo la qabanaayo ee Wadanka loo shaqaynaayo lama odhan karo hebel Xisbigaas ayuu ahaa, hebelna Xisbigaas kale ayuu ahaa, Qarankana waa la wada leeyahay, marka la tartamaayo waxa loo tartamayaa madaxtinimada, laakiin marka nin meel looga maarmi waayo meesha ay doontaba ha ahaate wuu ka shaqaynayaa, Ninkii meel looga maarmi waayana waa la geynayaa, maxa yeelay Wadanka ayuu wax ku leeyahay, waxaana loo baahan yahay in Umadda loo wada shaqeeyo".

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka digaya khilaafka Xisbiyada ayaa yidhi "Xisbiyada Qaranku waxa ay ka mid yihiin haykalka Qaranka, Xisbigii kowaad ee Wadanka ka hanaqaaday ee UDUB sidii uu ku burburay waa la ogaa, markaas ma jecli inuu Xisbi kale inaga burburo, markaas waxa aan jecel ahay in la taageero oo la ilaaliyo Xisbiyada Qaranka, waana in la kobciyo oo la taageero si ay u noqdaan Xisbiyo Qaran, si aynu ugu baxno Qabyaalada, waxaana Xisbiyada loo sameeyey in meesha laga saaro Qabyaalada oo aynu noqono dal hanaqaada oo ka fogaada qabyaalada, waxaana leeyahay mar walba ha la badbaadiyo Xisbiyada Qaranka".

Dhinaca kale waxa uu soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin in la sameeyo Guddi ka kooban todoba xubnood oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadu si guddidaas mar walba uga hadasho qadiyada iyo aqoonsi raadinta Somaliland, isla markaana looga badbaado is dhex yaac iyo khilaaf dhinaca Siyaasada Arrimaha dibada ee Somaliland.
 

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika