Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Xog-Waramay Kulankii Ugu Dambeeyey Ee Uu La Yeeshay Madaxwayne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi, Qaadacay-Na In Isaga Iyo Garabkiisu Ay Isku Shubeen Kulmiye

 


“Nin Iyo Laba Nin Way Dhici Kartaa Inay Wax U Doontaan Xukuumadda, Laakiin Aniga Iyo Inta Ila Socotaa Hadii Aanu Meel U Digo-Rogonayno Waxaanu Raaci Lahayn Jamaal Cali Xuseen”


Hargeysa (TNN) - Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland, isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa si adag u Qaadacay inuu la kulmay Madaxwayne Siilaanyo iyo Muuse Biixi, kaas oo sheegay inay labadaa Masuul iskugu danb aysay Xafladii 26-ka June ee ugu danbaysay.

Axmed Yuusuf waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo Hargeysa jooga, kaas oo uu ku beeniyey in isaga iyo garabkiisa ay isku shubeen xisbul Xaakimka Kulmiye, isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay wararkaas ay ka baahiy een Wargeysyo Caasimada ka soo baxa, kuwaas oo uu ku sifeeyey kuwo been abuur ah.

Guddoomiye ku xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu sheegay in hadii isaga iyo garabkiisu ay go’aansadaan inay Xisbi kale ku biiraan inay Cududooda ku biirin doonaan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo uu tibaaxay inuu hogaaminayo Musharaxii xisbigooda ee Carqalada kala kulmay UDUB Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Ugu horayna Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayey Warar ay shalay iyo doraad ka baahiyeen qaar ka mid ah Wargeysyada dalka ayaa waxa uu yidhi “Wargeysyada Waaheen iyo Ogaal waxay shalay iyo maanta kala qoreen warar ay leeyihiin Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu la kulmay Mada xwaynaha oo waxa uu u digo-rogtay xisbiga Kulmiye, waxaan bahwaynta UDUB iyo bulshadda Somaliland-ba u sheegayaa inaanu warkaasi jirin oo uu yahay war aan sal iyo raad toona lahayn. Odayga iyo Muuse Biixi-ba waxa iigu danbaysay Xafladii 26-kii June ee xafladeeda lagu qabtay Madaxtooyada”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ka mid ahaa Lixdii Xildhibaan ee ugu horeeyey ee Marxuum Cigaal Xisbiga UDUB ku aas-aasay, isla markaana matala yey oo laga soo aas-aasay lixda gobol ee Somaliland, Anigu waxa aan noqonayaa Ka ugu danbe ya ee UDUB u dhimanaya ama soo saara oo noqon maayo ninwayn oo kolba meel u guurguura, maadaama oo aan gaadhay Kursiga 2-aad ee ugu sareeya dalka waxa aan u guuraa waxay noqonaysaa hadii uu Odaygu Kursigiisa iiga kacayo. Mida kale dadku way kala fikir duwanaan karaan oo way dhici kartaa in Madaxwaynaha ay la kulmaan Masuuliyiin xisbiga ka tirsan laakiin aniga iyo inta ila fikirka ahiba arintaas waanu deedefeynaynaa, qofkii ku biiraya Kulmiye-na xor ayuu u yahay oo meesha la isma khasbayo, markaa waxaan mar labaad Cadaynayaa in aniga iyo inta ila fikirka ahiba aanay la kulmay Madaxwaynaha iyo Muuse Biixi midna”.

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf mar uu ka hadlayey Xoriyada xisbig ooda dhexdiisa waxa uu yidhi “Nin iyo Laba Nin way dhici kartaa inay Wax u doontaan Xukuuma dda laakiin aniga iyo inta ila socotaa hadii aanu meel u digo-rogonayno waxaanu u guuri lahayn Xisbiga Jamaal Cali Xuseen oo aanu soo sharaxnay oo Xisbigaygii UDUB Carqalad kala kulmay ay aan inta aan Kaxeeyo aanu u tagi lahayn”.


Source:Haatuf