Axmed-siilaanyo muxuu
ka yidhi haddii dib-u-dhac ku yimaado
doorashada?
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka
ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Ma xamuud (Siilaanyo), ayaa
sheegay inay Golaha Wakiilladu shalay mareen jidkii saxa ahaa oo ay
kala mid noqdeen dunida iyo dadka intooda badan, ka dib markii ay
ansixiyeen go’aan ay ku burinayaan laalistii Komishanka iyo
aqbal aadii Madaxweynaha ee diiwaangelin la’aan in doorashada lagu
galo.
Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-siilaanyo oo shalay waraysi khaas ah uu
la y e eshay Cabdiraxmaan Muuse Cumar oo ka tirsan
Taleefishanka Space Chanel isaga oo ku sugan gurigiisa, ayaa
waraysigaasi oo dhinacyo kala duwan taabanaya waxa uu u dhacay sidan:
SLSC: Waxa jira muran dhinaca siyaasadda doorashooyinka dalka ah,
markaa waxaan jeclaan lahaa bal inaad marka hore ka warbixiso
xaaladda dalka iyo mawqifkaad ka taagan tihiin?
J: Waxaan u malaynayaa arrintaa inuu Xisbigu inbadan buu cadeeyay
mawq ifta uu ka taagan yahay, waana mid aan muran ku jirin. Axsaabta
mucaar adka ahina meel cad bay iska taageen iyo ummadda inta badan
iyo deeq-bixiyeyaashu go’aankii ay qaateen Komishanka iyo Dawladu ee
ay yidhaahd een keligayo ayaa ku dhaqmayna bilaa-diiwaangelina
doorasho ku gelayna. Taa xisbi ahaan, annagu waanu diidnay, labada
xisbi-mucaaradbana anaga oo ka midaysan, dunida inala shaqaynaysay
ee inaga caawinaysay, waxna inaga taraysay diiwaangelintii oo adduun
fara badan ku bixisay oo ah caala mkii aynu ka sugaynay inay
ina ictiraafaan, wax inala qabtaan ee aynu wa da-shaqaynaynay
iyana meel bay iska wada tageen. Waxaad moodaa taa inay maamulka
dawladda Rayaale yo xisbigiisu ay cidla ka taagan yihiin oo keligood
ay yihiin iyo intii kale.
Maanta waynu arkaynaayoo waa tan
baarlam aankii uu gudbiyay qaraarka uu ku muujinayo isaguna (golaha
wakiillada) inuu diidan yahay arrintaa ee uu la saftay ummadda intii
kale, markaa waa ummadda intii kale, deeq bixiyeyaa shii, dunidii
iyo sharciyaddii oo dhinac ah iyo Ina Rayaale iyo Komishankii oo
dhinac ah ayaad moodaa inay maanta arrintaasi tahay. Markaa taana
waynu ognahayoo annagu markii aanu berigii dhawayd dibadda joognay,
annagiyo Faysal Cali Waraabe waxaanu adduun ada qaybo badan oo
ka mid ah, waxa anu la kulanay cid ka socota Qaramada Midoobay,
EU-da, Ameerikaanka, dha maan waxaanu ka dhaadhicinaynay ama iyaguba
aad ula socdeen wadciga dalku marayo. Wadciga dalku maanta marayaana
maaha mid lagu farxo, waa mid aan u arko, dee inuu dhibaato iyo
khatar aanu ka baqno inagu keeno, Illaahay waxaan ka baryayaa inaanu
nagu keenin, waxaananu rajaynaynaa in maanta halkay mareen danta iyo
maslaxadda ummadu ay ku jirto. Kaas ayaanu taaganahay, kaas ayaanu
ku adkaysanaynaa, kaa ayaanu ku socon aynaa annagu.
SLSC: Madaxweynuhu wuxuu sheegay in liiska diiwaangelintu aanay kala
shaandhaysnayn, isla markaana uu mustaqbalka keeni karo
iska-horimaad, markaa lexejecladaa u muuqata Madaxweynaha, adiga ka-guddoomiye
ahaan miyaanay kuu muuqan?
J: Madaxweynuhu hadii uu dalka lexejeclo ka qabo toddoba sannadood
isagu iskumuu cel-cesheen, Madaxweynuhu hadii uu dalka lexejeclo ka
qabo wax walba aniga keligay iyo anigaa sidaa gartay ma yidhaahdeen,
Madaxwey nuhu hadii uu dadka lexejeclo ka qabo doorashuu qaban lahaa,
Madaxwey nuhu hadii uu dalka lexejeclo ka qabo xoolaheedii iyo
ummadeedii wixii baab a’ay buu u ilaalin lahaa, Madaxweynuhu
hadii dalka lexejeclo ka qabo musuq maasuqa xadhkaha goostay,
cadaalad-darrada, xabsiga, xadhiga, Adeer waxaasuu wax ka qaban
lahaa. Madaxweynuhu waa maanta dunuubta qar anka ka dhacday
ninka loo haysto, wixii dalka ka dhacay ninka loo hayst aa waa
isaga, ninka dimuquraadiyadii lumiyay waa isaga, ninka cadalaadii
lumi yay waa isaga, ninkii dhaqaalihii burburiyay waa isaga, markaa
taa isaga waxaasuu ka qabaa yaan la odhanin. Wuxuu ka qabo, wax ka
duwan baanu anagu dalka ka qabnaa maanta. Markaa hadii cidi
lexejeclo u hayso anagaa dalka lexejeclo naga haysaa, anagaa isu
aragna in dadkii maanta nabadgelin karayay, ilaalin karayay, toosin
karayay inaanu nahay, waana ka ummadda iyo shacbigu u badan yahay.
Hadii uu lexejeclo ka qabo waxa ummadda iyo shacbigu halkay
doonayaan ee ay iyagu rabaan ee wakiillaooda, waxga rakeediyo,
axsaabtii kale iyo dunidii aynu maanta u baahnayn, inagaa u baahan
in nayla gacan-siiyo, inagaa u baahan in ictiraaf nayla siiyo’e ha u
hogaansamo wixii danta mmadu ku jirto.
SLSC: Guddoomiye Somaliland mudo dheer ayay soo dhisnayd iyada oo
aanay beesha caalamka taageero ka helin, markaa hadii uu
Madaxweynuhu yidhaahdo wixii burburinaya dalka beesha caalamka ka
ogolaanmaayo, Somaliland-na horay u dhaqaaqday oo iyada isku
xisaabtantay, arrintaasi miyaanay idinka qudhiina idiin muuqan?
J: Horta, marka ugu horaysa ummadu waxay qabsatay, iyagaa inteeda
badan qabsatay, waynu ognahoo lama odhan karo xukuumadu iyadaa
qabatay. Waynagaa dariiqyadii magaalada gudeheedii aragna, waynagaa
cusbataaladeenii aragna, haday jaamacado tahay haday wadooyin tahay,
haday wax la qabtay tahay, Illaahay ka sokow waa shacbiga reer
Somaliland ee wax maanta dawladu ku aano-sheeganayso maaha. Dawladu
siaa aan sheegayo waa ta cadaalada burburisay, dawladu waa ta maanta
dekedeh eedii iyo xooleheedii burburisay, dawladu maanta waxay ku
faanto may qaban oo taas ummadda ayaa ka markhaati-kacaya oo hadii
uu aaminsan yahay (Madaxweynaha) inuu shacbigiisa wax u qabtay,
maanta sidaa ay doorasho u dhacdo ee cadaalad ah ee lagu soo
shaqaynayay ee laysku ogaa ee ballanka iyo sharcigu ahaa buu ku
dhaqmi lahaa. Markaa ha u soo noqdo danta iyo maslaxadda ummada.
SLSC: Waxa jiray 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay warar sheegayay
inay shaqsiyaad ka odayaynaya khilaafka siyaasadeed ay guriga kuugu
yimaadeen, markaa ma jiraan?
J: Maya, maya, shaqsiyaad iila yimi gorgortan iyo hawlo noocaas ahi
haba ya raatee ma jiraan……..laakiin odayaal booqasho iigu yimi
oo caafimaadkayga I waydiinayay way jireen, laakiin siday ummadduba
iigu imanaysay bay iigu yimaadeen.
SLSC: Guddoomiye waxa jiray warar sheegayay in mawqifkii aad ka
taagnayd arrintu diiwaangelintu uu markii hore ahaa mid ka duwan
kaad immika ka taagan tahay, balse markii deeq-bixiyeyaashu ay ku
adkaysteen, cadadis badana Somaliland lagu saaray KULMIYE markaa
isbedelay, markaa bal taa ka waran?
J: Markii diiwaangelinta aan soo qaadanaynay, mar walba mawqifkaan
taagnaa wuxuu ahaa ‘diiwaangelintu shaqo fara badan bay u baahan
tahay, diiwaangelintu wax inagu cusub bay inagu noqonaysaa, way
wanaagsan tahay baan odhan jiray, waayo waa qurxin, wayna fiican
tahay baan weligay odhan jiray; laakiin bay’adeena iyo dhaqankeena
iyo bulshadeena dhibaatooyin fara badan ayay la iman kartaa baan
odhan jiray.’ Waa tii ummadu ka ada-shaqaysay, waxaynu gelinay
kharash fara badan, waxaynu gelinay hawl fara badan, waana ku
guulaysanay. Markaynu ku guulaysanay ee waxaasoo dhan gelinay ee
aynu dhamaystiranay hawshii in maanta la yidhaahdo aan tuurno immika
hadaynu markii hore ka joogi kari waynay, maaha wax maskaxdu qaado.
Waynu ka hawlgalay…..waynu ku heshiinay…midhaa ka dhashay, heshiis
baa laga gaadhay….laakiin hadii laga guurayo natiijadii ka soo
baxday waxay ahayd in laga heshiiyo, balse inay komishankii iyo
dawladii yidhaahdaan anagaa keligayo ka guurayna war caqligagala
maaha. Komishanku axsaabta dhex-buu u yahay, maaha inay iska
sheegaan oo ay yidhaahdaan anagaa ka guuray. Hadii ay ka guureen,
anagu kamaanaan guurin, shacbigii, dunidii iyo baarlamaankiina waa
nagu raacsan yihiin, halkaas waxaanu u aragnaa inaanu xaqii iyo
gartii anagu ku taaganahay.
SLSC: Maanta (shalay) waatanoo golihii wakiilladu go’aan bay soo
saare en,markii hadiiba wadahadalo yimaadaan oo laga heshiiyo in
diiwaangelintii natiijadeeda lagu dhaqmo, waxa muuqata in dib-u-dhac
ku yimaado waqtigii doorashada loo mudeeyay axsaabtiina mucaaradka
ahi sidaad u arkaysaan ama taas diyaar ma u tihiin taas?
J: Hadii doorashadu dib u dhacdo, anagu dib bay u dhacaysaa
odhanmaynee, doorashada waqti baa loo qabtay, arrinta doorashada
hadii dib u dhac ku yimaado, doorashadu qudha dib-u-dhacaasi ku iman
maayee waxa soo baxaysa arrin horeba u taagnayd baa imanaysa. Waxa
imanaysa arrintii taagnayd ee ahayd ciddii dalka doorasho gaadhsiin
lahayd, waqtigii Madaxe ynuhu wuu dhacayaa, waanu ka
dhamaanayaa waqtigii lagu heshiiyay, isagu na ballanqaaday,
axdina lagu galay, qarankuna uu la ogaa, inaanu kordhis dambe soo
dalban ayaa laysku ogaa. Heshiis bay ahayd, caalamku ka markh
a ati ahaa, bulshadu ka markhaati ahayd, markaa arrinta ka
darnaanaysa taa doorashadu waxay noqonaysaa, dalka yaa doorasho
gaadhsiinaya.
Source: ogaal
|