Axmed-siilaanyo
oo Garabka Khilaafku ka Dhexeeyo ugu Baaqay inay Qaataan
Go,aamada Ergada Dhexdhexaadinta
"Waxaanu walaalahayo u soo
jeedinay inay go,aamadaa aqbalaan oo aannu hore ugu tallaabsano
wixii danta iyo maslaxadda ummadda iyo xisbigu ku jirto"
Axmed-siilaanyo
Hargeysa (Togdheernews26Sept)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee
KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa ugu baaqay
garabka kale ee xisbigooda khilaafku kala dhexeeyo inay aqbalaan oo
ay u hoggaansamaan go,aamadii ka soo baxay guddigii dhexdhexaadintu
xalka u arkeen.
Md. Axmed-siilaanyo oo xalay u warmayey Telefishanka Qaranka, waxa
uu ayaan-darro ku tilmaamay in garabka uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Aw
Cali Faarax ay qaadanwaayaan natiijadii ka soo baxday guddiga
dhexdhexaadinta oo labada dhinacba ay siiyeen kalsooni buuxda.
Waxaannnu ugu baaqay inay soo afjaraan khilaafkooda oo hawlaha
xisbiga iyo qarankaba u yaala ka qaybqaataan.
Guddoomiye Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa kale oo uu sheegay in aanay
habayaraatee jirin laba dhinac oo xisbiga KULMIYE u kala jabay, isla
markaana uu xisbigu si buuxda u dhisan yahay, hoggaankiisuna
shaqaynayo.
Ugu horreyn Guddoomiyuhu isaga oo ka hadlayey sida ay u ku
bilaabantay hawsha dhexdhexaadinta iyo aragtidooda go,aamada guddiga
waxa uu yidhi; "Guddigii dhexdhexaadinta ee hawsha ku jirtay ilaa
laga soo bilaabo shirkii Golaha Dhexe ee lagu qabtay Burco oo go’aamadii
ka soo baxay dadka qaar ka cawdeen, si kastaba ha ahaatee wadahadal
baanu xisbigayaga dhexdiisa ka galnay, guddi baanu ku heshiinay
labada dhinac isla qaateen inay isku kayo keenaan oo ay hawshaa
galaan, guddigaasi dhawr jeer way na kulimisay iyagana gooni bay ula
kulmeen annaga gooni bay noola kulmeen, kalsoonina waanu siinay in
wixii ay gartaan aannu ku dhaqano, sidaad maqasheen guddigii go’aamadoodii
way soo saareen waanay na maqashiiyeen labadayadii dhinacba.
Guddigaas oo ahaa dad masuuliyiin oo xilkas ah oo nooc kastaba leh,
annagu waanu aqbalnay go’aamadii ay soo saareen iyo wixii cannaan
ama soo jeedimo ahaa, talo dad xisbi ah baynu nahay, dad hawl badani
u yaalaan ayeynu nahay ha noqoto mid qaranka ama xisbiba oo
Diiwaangelinii leh oo Doorashooyinkii leh, markaa waxaannuna
walaalahayo u soo jeedinay iminka aannu ku guubaabinaynaa in
go,aamadaa la aqbalo oo aannu hore ugu tallaabsano wixii danta iyo
maslaxadda ummadda iyo xisbigu ku jirto."
Mar la weydiiyey Axmed-siilaanyo waxa ka dhalan kara haddii
khilaafka xisbigoodu sii jiro oo qolo waliba ku jiq sii adeegsato
waxa uu yidhi; "Xisbigu horta muu kala jabin oo laba garab maaha ee
sharci buu leeyahay oo wuu dhisan yahay oo hoggaankiisii uu dhisan
yahay, laakiin koox baa wax tirsanaysay, kadibna ergo ayaanu ugu
baaqnay inay na dhexgasho, ergadiina go,aan bay gaadhay annagu waanu
qaadanay dee waajibku waxa weeye iyaguna inay qaataan, waana
ayaan-darro inay qaadanwaayaan aad iyo aad baanuna waanu uga xunahay."
Togdheernews
|