Axmed-Siilaanyo oo Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda ku Eedeeyey in ay ka Dambeeyeen Warbixin Laga Qoray Xisbigiisa

 

Waa warbixin mar hore soo baxday oo ay Somaliland gudaheeda ka diyaariyeen dad cadow ku ah KULMIYE oo la garanayo, kana mid yihiin Cawil, Cabdillaahi Ducaale iyo ….  ”


Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay caddeeyey mowqifka xisbigiisa ee ku wajahan xidhiidhka dalka ay Itoobiya deriska yihiin ee Eritrea iyo aragtidiisa ku saabsan warbixin si qarsoodi ah uga soo baxday xafiiska Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sal raad toona lahayn oo ay sameeyeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo cadow u ah xisbiga.

Warbixinta sirta ah ee ka soo baxday xafiiska Mr. Meles Zenawi, ayaa lagu caddeeyey mowqifka siyaasadeed ee dawladda Itoobiya ka taagan tahay midnimada dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya iyo in Madaxweyne Rayaale ku qanciyey Itoobiya haddii xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada Madaxtinimada Somaliland uu la xidhan doono Eritrea oo cadow u ah dalka Itoobiya.

Guddoomiye Axmed-Siilaanyo oo xalay khadka telefoonka ugu warramayey Jamhuuriya, ayaa waxba kama jiraan iyo been-abuur ku sifeeyey warbixinta sirta ah ee la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska Meles Zewawi, isla markaana xisbi ahaan hore arrintaas ugala xidhiidheen masuuliyiinta dawladda Itoobiya, una caddeeyeen in aanay jirin wax warbixin oo ay ka soo saareen arrimaha Soomaaliya oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisal-wasaaraha.

Md. Siilaanyo waxa uu warbixintaas ku tilmaamay mid aan sal raad toona lahayn, arrintaasna hore ugala xidhiidheen madaxda xukuumadda Addis Ababa, sidoo kalena warbixintaasi tahay mid ay Somaliland gudaheeda ka diyaariyeen dad cadow u ah xisbiga KULMIYE, isla markaana aannu jirin haba yaraatee wax xidhiidh ah oo xisbigiisu la leeyahay dawladda Eritrea iyo kooxaha Al-shabaab iyo ONLF toona.

Waxa kale oo Guddoomiyaha KULMIYE sheegay in aannu jirin wax xidhiidh ah oo xisbigiisu la leeyahay dawladda Eritrea iyo ururrada Al-shabaab iyo ONLF toona, arrintaasina tahay shirqool xisbigiisa loo maleegayo oo ay ka dambeeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

“Waxaan u arkaa warbixinta la isku xidhiidhinayo KULMIYE iyo Eritrea mid aan sal raad toona lahayn oo aan waxba ka jirin, waana warbixin mar hore soo baxday oo ah qiimayn ay Somaliland gudaheeda ka diyaariyeen dad cadow ku ah KULMIYE oo la garanayo, kana mid yihiin Cawil Cali Ducaale, Cabdillaahi Ducaale iyo xisbigooda UDUB, dawladda Itoobiyana hore ayaannu uga wadahadalnay arrintaas, waxayna noo sheegeen in warbixintaasi aanay ahayn mid sal iyo raad toona leh, KULMIYE-na wax xidhiidh ah oo haba yaraatee ka dhexeeya Eritrea ma jiro, weligayana xidhiidh maanu yeelan Al-shabaab iyo ONLF, waxan sheeg-sheegayana xisbigayagu waa ka nadiif, wax xidhiidh ahna lama lihin, waana barobagaando ay xukuumaddu faafisay oo xisbiga lagu waxyeellayo, hadal la iska yidhina KULMIYE maaha mid wax kaga xumaanayaan,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

“Tan la leeyahay Gobolka Togdheer baa laga taageeraa ONLF oo guddoomiyuhu [Guddoomiyaha KULMIYE] halkaasuu ka soo jeedaa waa arrin mala-awaal ah, xisbiguna Togdheer, Somaliland oo dhan iyo qurbo-jooggaba taageerayaal badan buu ku leeyahay, cid kastaana way ogtahay, KULMIYE-na ma aha xisbi gobol gaar ah loo nisbayn karo, balse waa xisbi qaran oo ah ka ugu taageerada badan xisbiyada Somaliland,” ayuu ku daray Guddoomiyaha KULMIYE.



 



Jamhuuriya Online