Axsaabta Mucaaradka oo Walaac ka Muujiyey Dhexdhexaadnimada Komishanka Doorashooyinka

 

“Waxa marag-ma-doonto ah in aan Komishanku madaxbannaanayn oo rajiimkan Ina Rayaale wixii dantiisa ah marsado”
Axmed-Siilaanyo



“Guddoomiyaha Komishanka horaan uga dooday in aan loo dhiibin Komishanka, ilaa haddana guddoomiyenimadiisa anigu ma rumaysni…. waxaanuna arkaynay in waxaasi ka soo socdaan”
Faysal Cali-waraabe


Labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, ayaa walaac iyo kalsooni-darro weyn ka muujiyey dhexdhexaadnimada xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo ay sheegeen in si gaar ah ugu adeegaan Madaxweyne Rayaale.


Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaca ka qaaday in aanay in maalinta cusub ee Komishanka Doorashooyinku u cayimeen qabsoomidda doorashada Madaxtooyada ay tahay qorshe xukuumadda Madaxweyne Rayaale soo dhexmarsatay.


Axmed-Siilaanyo, ayaa waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya khadka telefoonka ku siiyey xalay, waxa uu ku sheegay in aan Guddiga Doorashooyinku u madaxbannaanayn hawlahooda, isla markaana xukuumaddu ku fushato danaheeda gaarka ah, isla markaana maalinta 27 September 2009 ee ay u muddeeyeen doorashada Madaxtooyadu tahay mid Madaxweyne Rayaale u yeedhiyey.


Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu waraysigaas kaga hadlay mowqifka xisbigiisa ee ku wajahan muddada cusub ee Komishanku u qoondeeyeen qabashada doorashada Madaxtooyada iyo waanwaanta lagu doonayo in lagu qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka aloosan.


“Komishanku in ay waqtiga doorashada qabtaan iyagaa leh, waxase marag-ma-doonto ah in aan Komishanka Doorashooyinku madaxbannaanayn oo rajiimkan Ina Rayaale wixii dantiisa ah marsado, waxana muuqata in waqtigii dawladdani doonaysay ee ay Golaha Guurtida jiidhsiiyeen, ee cid walba marsiiyeen inay Komishankana soo dhexmarsadeen, waxayna ahayd in labada maalmoodna aanay waxba ka dhicin ee sideedii hore isaga daystaan, maalintan cusubna waxba kama duwana tii ay ka fushadeen Guurtida, annagana mowqifkayagu waxa weeye muddadan cusub ee iyadoo aan waxba la eegin oo aan lala tashan axsaabta oo aan Ramadaanta la qiimayn, waxa marka hore nooga sokeeya in la helo dawladdii dalka gaadhsiin lahayd doorashada, waqtiga doorashadana kama aannu hadalba, mowqifkayaguna waa kaas,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo sharraxaad ka bixinayey mowqifka xisbigiisa KULMIYE ka taagan yahay xilliga cusub ee Guddiga Doorashooyinku u cayimeen in doorashadu dalka ka qabsoonto.


Md. Siilaanyo oo la weydiiyey su’aal ku saabsanayd, maadaama xisbigiisu hore u diiday 31kii May ee Komishanku u muddeeyeen doorashada, haddii aanay muddadan cusub ee 27 September saxeexin ay arrintaasi keenayso dib-u-dhacyo kale, waxa uu ku jawaabay; “Annagu hadda doorasho kama hadlayno, balse waxaannu ka hadlaynaa rajiimkan waqtigii ka dhammaaday iyo sidii loo dhisi lahaa dawlad ku-meel-gaadh ah.”


Axmed-Siilaanyo oo ka jawaabayey sida ay xisbi ahaan u arkaan waanwaanta lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo xukuumadda iyo KULMIYE si loo soo afjaro khilaafka cakiran u dhexeeya, waxa uu sheegay in aan xisbigoodu marna diiddanayn in muranka siyaasadeed lagu dhammeeyo wadahadal, “Wax waanwaan ah oo aannu ku gacan-saydhnay haba yaraatee ma jirin, waxa uun noo muuqata in meelaha qaarkood ay wax ka soo muuqan waayeen; waxa ka mid ahaa qolada UDHIS, waxa ka mid ah Guddiga Kormeerka Doorashooyinka, waxa ka mid ah odayaal salaadiin ah oo noo yimi, markastana annagu mabda’iyan wadahadalku wuu noo furnaa, wax aannu diidnayna ma jirto, mabaadii’ cad oo aannu meel ka dhiganay ayaa jirta oo wadahadalkayagu ku qotomo, waxase jirta in waxan oo dhan uu ka soo horjeedo dhinacii shalay [Isniintii] rasaasta nala dhacayey, waa dhinacii caqligiisu gartay in iyaguna hudheellada ku shiraan, amarna ku siiyaan hudheelladii KULMIYE shirarka ha u oggolaanina.


Marka kolley waxaasi dhacayaan ciddii wax dhexdhexaadinaysa iyo ciddii xilku saarnaa ayey ahayd inay caddeeyaan oo iyagu yidhaahdaan, ciddaasi way na diiday, ciddaasina way na yeeshay. Ciddii dhexdhexaadinta noola timi, mar haddii aanaan cidna diidin iyaga ayuu xilka iyo waajibku saarnaa, iyaga ayaanay tahay in wax la weydiiyo.”


Guddoomiyaha KULMIYE oo ka weydiiyey in rasaastii ciidammada boolisku ku rideen hoggaanka iyo taageerayaasha xisbigiisa ay jirto cid kala soo xidhiidhay falkaas, “Haba yaraatee cid nala soo xidhiidhay iyo cid raalligelin naga siisay midna ma jirto, mana filayo in arrintaasi dhacayso,” ayuu yidhi Siilaanyo.


Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga kalee mucaaradka Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna ka biyo-diiday maalinta cusub ee Komishanka Doorashooyinku u cayimeen qabashada doorashada Madaxtooyada.


“Waqtigan cusub ee doorashadu maaha kii Komishanka ee go’aankani waa kii uu soo saaray madaxweynuhu, balse kii Komishanku wadahadallo ayuu ka soo bixi doonaa. Guddoomiyaha Komishanka oo aan hore uga dooday in aan loo dhiibin Komishanka, ilaa haddana guddoomiyihiisa anigu ma rumaysni, markii loo dhiibayna waxaannu ku idhi, annagu ma oggolaanayno, waxaanuna arkaynay in waxaasi ka soo socdaan, waqtigan cusubna maaha tii Komishanka ee kii Madaxweyne Rayaale ayey soo wada saareen Jaamac (Guddomiyaha Komishanka), annaguna tallaabo ayaanu ka qaadi doonaa oo ilaa berri [maanta] ayaanu sheegi doonaa mowqifkaya aannu Komishanka gebigiisaba ka taaganahay,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.


 

 



Jamhuuriya Online