Axsabta mucaaradku waa inay ogaadaan haddii ko mishanka labedelo in xagal daac yo dib udhac markale iman karo

marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba websiteyada maxaliga ah ee somaliland iyo hawlwadeenadooda iyo guud ahaanba shacabka reer somalilnd mee kasta oo ay joogaanba intaas kadib


sida lawada ogsoonyahay waxa dib udhac kuyimid doorashooyinkii madaxtooyada & golayaasha dagaanada somaliland oo ay ahayd in laqabto doo rashada madaxweynaha iyo kuigeenka 29 march 2009 halka aan ilaa iyo hadda lahadal ahayn wakhtiga laqaban doono , balse sababo jira awgood waxa markale dib udhac kuyimid doorashooyinkii lafilayay inay dalka ka qabsoomaan, waxaanay golaha guurtida jamhuuiyada somaliland u kordhiyeen xukuumada madxweyne rayaale inay xilka sii hayso muddo lixbilood ah oo ku eg 29 october 2009 sidoo kale waxay komishanka dorashooyinka qaranku cayimeen wakhtiga ay dhacayso doorashadu oo ay ku muddeeyeen 27 september 2009ka, waxa dib udhacaas iyo muddo kordhintaas qaadacay xisbiyada mucaaradka ah ee somaliland kulmiye iyo ucid waxana halkaas ka Aloosmay khilaaf siyaasadeed oo mawjado xoog weyn kiciyay,waxaanu xisbiga kulmiye kubaaqay inaanu aqoonsanayn dawladda uu madaxda kayahay madaxweyne rayaale oo aanu sharciyad meesha kufadhiyin,

inkasta oo uu khilaafkaasi saamayn weyn kuyeeshay wakhtigaas guud ahaanba dalka somaliland oo ay dadbadani isweydiinayeen waxa kaiman kara haddii uu sidaas kusoo socdo, waxa guntiga u xidhay oo soo dhexgalay dhinacayadii siyaasada isku hayay guddiga anshaxa doorashooyinka ah runtii is xilqaamay wadaniyadna muujiyay Aakhirkii waxa lagu guulaystay in alasoo afjaro khilaafkii taagnaa. oo lagu dhameeyay in muddo kordhinta guurtida sideedaa loo daayo distoorkana laxaq dhawro taas oo ay mucaaradku kuqanceen oo aan odhan karo tanaasul ayay muujiyeen waanay kumahadsanyihiin


haddaba waxa aad moodaa in xisbiyada mucaaradku waa kulmiye iyo ucide ay soo cusboonaysiinayaan tabashooyin hor leh waxaanay soo jeediyeen dhawaan in labedelo guddiga doorashooyinka qaranka, maba xuma laakiin arrinkaasi laakiin waxa uu umuuqdaa maadaamoo doorashoyinkii ay kahadhay muddo afarbilood iyo wax yar ahi inuu yahay mid keeni kara xagaldaac iyo dib udhac markale kuyimaada wakhtiga lafilayo inay doorashooyinku dhacaan , haddii meesha markale dib udhac yimaadaana waxa hubaal ah inaa lasaadaalin karin waxa kadambayn doona maadaama umaddu sugayso oo ay diyaar utahay in doorasho xor ah oo xalaal ahi dalka kadhacdo siloo gaadho himilooyinka aynu hiigsanayno , bal aynu eegno waxa uu sababi karo badalkakomishanku


1, komishanka cusub ee hadda lakeenaa waxa wakhti kuqaadanaysa inta uu laqabsanayo xilka loo igmaday iyo waajibaadkooda ah waxaana muuqata wakhtiga oo yar awgeed in dib udhac markale iman karo

2,komishanka hadda jira ee shaqeeyaa waa niman muddo badan hawshan soo hayay waanay soo saxl baxeen oo khibrad badan ayay maanta uleeyihiin hawsha ay gacanta kuhayaan mana aha komishan dhinac kaliya kasoo jeedaa waa komishan loo dhan yahay xataa xisbiyada mucaaradku ay qaarkood soo magacaabeen


haddaba hadii xisbiyada kulmiye iyo ucid ay rabaan in doorasho dalka kadhacda waxa haboon inay kanoqdaan go,aanmada ay wada jirka usoo saareen ee ku aadan bedelka komishanka , haddii kale waxay noqonayaan niman doonaya dalka inaan doorasho kadhicin oo markasta iyagu sababya dib uhac iyo khilaaf siyaasadeed oo aan dhamaan


waxan kusoo gunaanadayaa waxay danta dalka iyo danta xisbiyada iyo danta guud ee shacabka somalilandba kujirtaa doorashooyin xor ah oo dalka kadhaca silooga dhabeeya himiladeena dimuqraadiyadeed oo ah waxa aynu dheernahay dawladaha geeska iyo kuwo badan oo aduunka ahba ,waa in laga tanaasulaa wax kasta oo keeni kara dib udhac kale, waxaaay axsaabta mucaaradka ugu baaqayaa inay komishankan hadda shaqeeyaa sidiisaas udaayaan oo ay kanoqdaan baaqa ay soo saareen






Allaa Mahad Leh




Waa Qalinkii. Axmed Aw Cabdilaahi khaliif

khaliiff05@hotmail.com