Baadi kugu Raagtay Xoolahaagaad Mooddaa

 

Waxa horta nasiib darro ah in aanay dalkii laysku odhan jiray soomaaliya hore uga jirin ilaa iyo wakhtigan aynu joogno in loo aqoonsado sida aduunyada kale ka jirta midhaha ama fikrada uu qof curiskeeda nasiib u yeeshaa inay tahay   h a nti uu qofkaasi si gaara u leeyahay, sida guryaha, baloodhada, beeraha, ad uu nka mood iyo noolba ay hanti u yihiin loo sharciyeyn karo qofka leh .


Dhibaatada ay arrintaasi keentaana waxa weeyaan in hantida kale ee lagu  m urmo ay maxkamaduha ama golayaasha kale ee dhaqan ee dalka ka jiraa  arrin kooda lafa guraan , maaara loo helyaa iyo looma helinaaba , ugu yaraan waxa loo qirsan yahay ama loo aqoon sanyahay inay yihiin hanti lagu murmi karo shay dhara oo qof xidhan yahay kol ay ku tahay .

Laakiin midhaha laxanka iyo fikradda cusubee kasoo maaxada ama ku  yimaad da maan axadhasho qof u hawl galay oo uu dareen ama baahiyi ka keentay, looma qirsana, ama looma aqoonsana inay yihiin hanti uu qof gaaru leeyahay oo ciddii kale ee si uun u manaafacadsanaysaa ay tahay inay u daba  fadhiis taan kana fassax qaattaan.

Waxa kale oo qalad ah in qofka heesta qaaday ama laxanka saaray lagu  maga caabo inuu heestaa leeyahay, sharciga aduunka uga yaalla baadisoocidda  ci dda leh heesaha, ama fikradaha cusub iska leh , heesta waxa iska leh qofka midhaha leh cidi lama laha marka ay midho qudha tahay , hadii heestaa cidi laxan saarayso waa inay ka fasax qaadataa cidda heesta midhaheeda iska leh, qofka midhaha lehna waxa waajib ku ah inuu markuu ka faraxasho ee uu  dham maystiro midhahacurintooda iyo isku tub ridkooda uu u sharciyeeysto hanti ahaan, marka uu qof kale u fasaxo una xil saaro laxan saaridda heesta qofkaa kale heesta ma laha e wuxuu leeyahay laxanka oo ay isna tahay inuu u  shar ciyeysto inuu hantidiisa yahay laxankaasi, hadii ay murmaanna nink laxanka lihina laxankiisuu la hadhayaa ka heesta midhaheeda lihina midhihii heesta iyo lahaansheheedii hore ayuu ku hadhayaa, sidaasaanay maxkamadaha aduunku ku kala saaraan dadka ku murma lahaanshaha hees la tumay .

Waxa kale oo layaab leh sida ay umadda soomaaliyeed u badantahay inay  fan naanka heesta qaada ee ku luuqeeya ku tilmaamaan inuu yahay ninka heesta lahaa ,oo waxannnu la kulannay fannaaniin waaweyn oo fikraddaa qaldanee soomaaliyi ka simantahay iyaguna biyo la aan ku liqay oo isa siiyay heesihii ay mudada dheer soo qaadi jireen, waxanay nagu yidhaahdeen heesahaygiibay inama yaryari iska qaadayaan isagoo aan ogayn inuu hanti aanuu lahayn isa siiyay .

soomaalidu waxay tidhahdaa ( baadi kugu raagtay xoolahaagaad mooddaa ) markii dalkii soomaaliya la isku odhan jiray uu burburyna fannaaniintii caanka ahaydoo dhami waxay ku takri faleen hantidii uu ragga kale lahaa, oo waxay qabanqaabiyaan xaflado waaweyn oo dhaqaale farabadani kasoo galo oo aanay biyo ka waraabin raggii ama abwaanadii ku tabcay heesahan ee lahaa midhaha ama laxanka.

Markii heesaha xafladaha sida weyn loo agaasimo loo arkay in dadka dhaqaale kasoo galana waxa iyagiina ka hoos kacay fac dhalin yaro ah oo muusigii  toba nka qof, toban qalab oo kala duwan ay tumi jireen gabi ahaanba kusoo koobay oorgan ,biano ama kybord , kolba codkii loo baahdo laga tumo lana duubo oo bedela tobankii qalab ee ay tumi lahaayeen ama y tumi jireen toban farshaxan oo mid waliba leeyahay farshaxankiisa gaarka ah iyo dhadhankiisa gaarka ah .

Facaa danbe ee fannaaniinta ah iyo organ qudha ku dagaal galayaashaasi  ay aa fankii soomaaliyeed ka dhigay madhalays , kuwaasaa iyaguna biyo  wara abin waayay fannaaniintii hore ee heesaha qaarkood ku caanbaxay sida qaldanna isku siiyay lahaanshaha heeshaa ay qaadi jireen uun , kuwaasaa god madoow biyo ugu shubay fannaaniintaa waaweynaa ee isa siiyay hanti aanay lahayn kuna wacad furay hal abuurkii heesaha lahaa iyo raggii laxanka saarayba oo intooda badani ku tabaalaysan daafaha aduunyada ninba meel waayuhu dhigayba, hadayse haba yaraatee wuxuun ku leexin lahaayeen ama saaftinna alla ha ka yeelee carra ugu tuuri lahaayee hal abuurkii soo saaray iyo mulaxiniintii ku dhibtooday heesaha waxay, ila tahay iyagana kumay dheceen waxa ku dhacay, dibna way ugu godlan lahaayeen hore u markii fankuna wuu sii tukubi lahaa oo afweynta umuu dheceen sida uu maanta yahay .
hadaan soo ururiyo hadalkayga ayaan darradaa iyo dacdarradaa guud ee ku habsattay welina ay umaddii laysku odhan jiray soomaali ay meelaha qaarkood weli la lug dhabayaan ,inkastoo ay meelaha qaar kasoo miiraabeen burburkaa iyo baaba aa, ayaa keentay in maanta hees lagu murmay lagu kala bixi kari waayo oo uu ilaahaybaa runta oge aynu odhan karno inuu xattaa ninkii heesta dhab ahaan u lahaa ee ay maskaxdiisa kasoo maaxattay uu loogo, isagoo og inuu leeyahay, ( waayo been fakattay runi ma gaadho ).

Laba ninoo waa ku murmay lahaanshaha hal qiima badnayd ayaa ninkii aan lahayn ee ku murmayay lahaanshaha hashan aanu lahayn, ayaa si hoose ula heshiiyay nimankii garta waday mu aamaradbaana loo sameeyey ninkii hasha dhab ahaan u lahaa , qabri nin la sii galiyaybaa la yidhi gacanta galiya kiinna beenta sheegaya qabrigaasaa qaban doonee, ninkii murmayay ee aan hasha lahayn qabrigii muu qaban in waa mu aamaradoo sidaasa lagu ballamaye, wu xuuse qabtay ninkii dhab ahaan hasha u lahaa, illayn qabriga nibnbaa loo  gure eyoo ku jira e sidaasaana lagu qoray inuu been sheegayo , oo aanu hasha lahayn , isna wuu is ogyahay in hashu hebladii ka luntay tahay , markaasuu ku calaacalay hadal danbaab u muuqda laakiin cabiraya sida ay isugu qaban  laa dahay lahaanshihiisa dhabta ahee uu hasha leeyahay iyo qabriga beenaalaha ku shaabbadeeyey ee isaga gacanta qabtay ninkii beenaalaha ahaana aan qaban waxuuna yidhi ( yax aar waxa ilaahayna aamuskaan ku nacay ).

Imika hawraartaasi Hal abuur cawilbaa iila muuqda sida uu dareenkaygu i siin ayo inay haysato kol hadaan sharci dadka kala saaraa jirin sidaa uu u  samr ayee uu u loogay midhihii uu lahaa wax dhaamaa ilama aha inay jirto, faras dabadiina nin ka degay wax u dhaamuu waayay .

Maamullada siyaasadeed ee soomaaliyeedee jirana waxa ila habboon inay sam eeyaan sharciyo kala saara dadka, gaar ahaan golayaashooda sharci dejinta ee ay kaga dheggantahay uun mooshin maaliddu, illayn mar kasta nin samra la heli maayee dhibaataa iman kartoo nimaan samrinbaa iman karee .

Hal abuur Cawilla waxan si gaara u leeyahay saaxiib ninka heesta kugu haysta naanaystiisu waa ( gabyow ) e maaha( gabyaaye ) sida uu halmaan hadal  ku ma jiree uu carrabku idiinka xaday adiga iyo qaar ka mida weriyayaashii  wara ysiga iyo doodda galbinayay ee hadhwanaaagnews radio waa iga kaftane ha u qaadan inaan anigu hees kugu haysto.
 

 



waa: Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Maaray
( Gabyaaye ) Norway
mxmud-gabyaye@hotmail.com
004799851127
oo idin leh ilaahaybaa mahad iyo maamuusba iska leh