WAR-SAXAAFADEED

 



“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer M adaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1772/062013, uu waaxda Dayactirka Waddooyinka oo hore uga mid ahayd Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryey nta laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan uu madaxweynuhu hoos-geeyey Wakaa llada Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency-RDA).

MADAXWEYNUHU:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;


Markuu Dersay: Baahida loo qabo horumarinta, dhisidda, dayactirka iyo qorshaynta Wadooyinka cusub ee isku xidha Magaalooyinka.

Markuu Tix-geliyay: Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha dalka JSL;


Isagoo Maanka Ku Haya: Dib-u-habaynta, Horumarinta Hay’adda Wadooyinku in ay Qaranka muhiim u tahay;


Wuxuu soo Saaray: Xeerkan oo laga bilaabo taariikhda maanta uu ku hoos-geeyey Dayactirka Waddooyinka, Wakaallada Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency-RDA).”



ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland