Baanka Ganacsiga Faransiiska ee BCIRM oo Laga Furayo Somaliland Iyo Wefti dalka yimid





Hargeysa (TNN)-Waxa maanta soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa wefti uu hogaa minayo Ould Camaar Yahya oo ah Agaasimaha Guud ee Geeska Africa(Djibouti, Kenya, Somalilan d, South Sudan, Yemen iyo Ethiopia) u qaabilsan bangiga caalamiga ah ee laga leeyahay wadan ka faransiiska ee BCIRM.

Weftigan oo ay ka mid yihiin Madaxa bangiga ee Djibouti iyo Somaliland Mr. Cawil Muuse Jaam ac, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan bangiga.

Weftigan oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Egal Aiportwaxa ka hortagay masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Bangiga Somaliland, Mudane Cabdi Dirir C abdi, iyo Sarkaal ka tirsan xafiiska baratakoolka madaxtooyada.

Weftiga oo qolka nasashada ugu waramay saxaafada ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedooyinka socdaalkooda “Waxa aanu u nimid bishii labaad ee 2009 wakhtigaasi oo aanu furnay xafiis wakiil u ah bangiga, balse maanta waxa aanu u soconaa in aanu si rasmi ah u furno bangiga BCIRM,” O uld Camaar Yahya.

Weftigan ayaa mudada ay joogaan kulamo la yeelan doona masuuliyiin sare sare oo ka tirsan x ukuumada kana mid yihiin Wasiirka Maaliyada, Gudoomiyaha Bangiga iyo Wasiirka Ganacsiga.

Dhinaca kale, i weftigan ku degay Huteelka Maansoor ayaa waxa ay halkaasi kula kulmeen gana csata Somaliland oo ay la yeesheen kulan qado ah.

Bangigan caalamiga ah oo muddo ka badan laba sano xafiis ku meel gaadh ahi uga furnaa maga alada Hargeysa ayaa wax badan ka taraya ganacsiga Somaliland iyaga oo uu furay LC isla mark aasina maal gaalin ku sameeyay warshado badan oo ay ka mid yihiin warshada Coca colla, wars hada bacaha iyo ganacsiyo badan oo kale.

Dhawaaqa masuuliyiinta bangigan ee ah in ay si rasmi ah u furayaan bangiga ayaa waxa ay noq onaysaa guul taariikhi madaama oo arrintan ay waxbadan ka tarayso in maal gashi shisheeye lagu sameeyo Somaliland.

Waxa kale oo ila wareedyo ay tibaaxeen in ay soo dagi doonaan Somaliland shirkado caymis oo caalami ah taasi oo iyana dhiiri galin doonta horumarka ganacsi oo ka taaba qaada Somaliland.

Dhinaca kale, golaha wakiilada ee Somaliland ayaa laga filayaa inay ansixiyaan sharciga bangiya da ganacsiga madaama oo bangigan in Somaliland uu ka hawl galo ay ku xidhantahay dhamayst irka sharcigan. Agendaha kalfadhiga 16-aad golaha wakiilada ayaa waxa ku jira xeerar ay ka mid yihiin xeerka bangiga dhexe, xeerka bangiyada Islaamiga ah iyo xeerka bangiyada ganacsi taasi oo saacidi karta in baankani ka shaqeeyo gudaha Somaliland.



Source:Somaliland.Org