|
April 17,2008
KU: Dahir Riyale Kaahin,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed Yuusuf Yaasin, Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Guddomiyaha Xisbika Kulmiye Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Golaha Wakiilada Golaha Guurtida UJEEDO: BAAQ Sidaan wada ogsoon nahay ,Somaliland waxay ku caan baxday nabad,xasilooni iyo deganaansho.Waana waxa keliya ee maanta umadda caalamku Inoo qirsan tahay, Inooguna soo joogsanayaan.Isla markaana xuddunta u ah himiladeena Inaan gaadhno aqoonsi caalami ah haddii Ilaahay qadaro. Heerka ay maanta Soomaaliland soo gaadhayna , waa mid aynu u soo marnay halgan qadhaadh oo aan naf iyo maalba u soo hurnay.Shacbiga Soomaalilandna Idiin kumay dooran Inaad burbur iyo xasilooni darro u horseedaan .
Haddaba, Anigoo ku hadlaya magacayga, Maxamed Cali Muse iyo magaca dhammaan hawl wadeenada ardaagan wararka ee WWW.LONGLIVESOMALILAND.COM , oo ku kala sugan adduunayada dacaladeeda, waxaan ugu baaqaynaa dhamaantiinba ,Inaad wax walba ka horey siisaan nabadda iyo Jiritaanka Somaliland, khilaaf walbana lagu xaliyo dariiqa nabadda , distoorka iyo sharciga waddanka u yaalla.
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Maxamed Cali Muse
|