Baaq: Ka qayb qaata tirokoobka ka dhacaya dalkan Ingiriiska oo muujiya Somalilander-nimadiina

 



Muwaadiniinta reer Somaliland ee bahda saxaafada waxaanu fadlan idinka codsanaynaa inaad baa qan website-yadiina kusoo daabacdaan oo aad ku haysiin meel joogto ah ilaa iyo bishan 27-keeda. Waad mahadsantiin, ilaahay-na ha idinka jasaa'i siiyo.



Sida dalal badan oo dunida ka mida, waxa dalkan Ingiriiska ka qabsooma tirokoob lagu ogaanayo  tir ada dadka ku nool dalkan. Tirokoobka Ingiriisku wuxu dhaca 10-kii sanadood-ba mar oo ku beegan bishan March ee aynu ku jirno. Tirokoobku wuxu daawladaha u suura galiya qorshaynta, qaabaynta iyo horumarinta adeegyada bulshada. Sidoo kale waxa waraaqaha tirokoobka (census form) ee  dal kan Ingiriiska ku jira su’aalo ku saabsan qof-ka ahaan-shihiisa amma halkuu kasoo jeedo si markaa loola socdo hirgalinta qorshaha sin-naanta (Equal Opportunity Policy) iyo la dagaalanka cunsuri-ni mada (Anti-discrimination policy). Waxa kaloo su’aalahan la xidhiidha ahaan-shuhu (identity) ka turj umayaan umadaha kala duwan ee ku nool dalkan Ingiriiska.



Hadaba wuxu urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community olole xoogan ugu jiraa, isagoo la kaashanaya ururada iyo umadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska, sidii dadka reer Somaliland uga faa’idaysan lahaayeen fursadan qaaligaa oo ay markaa su’aalaha ku saabsan ahaan-shaha ku muujiyaan Somaliland-nimadooda.



Waxaan dadka reer Somaliland ka jaahil tiraynaa oo aanu ilaahay ugu dhaaranaynaa in  macluumaa dka shaqsiga ah ee waraaqaha tirokoobka ay ku qoraan ee ah: magacooda, address-kooda iyo  da’d ooda aan marnaba la shaacin doonin oo hay’yadaha amma wasaaradaha kalee dawlada Ingiriisku  ar ki karin. Macluumaadka shaqsiga ah waxa xafidaysa hay’yada tirokoobka Ingiriiska (Office of  Nation al Statistics) oo muddo 100 sanadood ah meel sir ah ku haynaysa, waana ka xaaraan hay’yadaha kalee dawlada iyo cid walboo kale inay macluumaadka shaqsiga ah isticmaalaan oo xeer Baarlamaan ayaa damaanad qaaday sir-nimadooda.



Sidaa daraadeed waxaanu umadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska ugu baaqaynaa inay si kalsooni ku jirto uga qayb qaataan tirokoobkan oo ay ku muujiyaan Somaliland-nimadooda. Waxa maanta gacanteena inoogu jirta, hadii aynu nahay dadka reer Somaliland ee daggan Ingiriiska inaynu Jamhuuriyada Somaliland u aqoonsano dalkeena hooyo iyo inaynu ku gacan saydhno oo aynu ku hoos jirno dalka Somalia. Haddii dhab ay inaga tahay taageerida iyo u tafa xaydnaanta qadiyada Somaliland ee hadaynu nahay reer Ingiriis aynu sheegano, waa inaynu inagu horta aqoonsano  dalk eena oo aynu sharciyayno ahaan-shaha Somaliland-nimmo, taasoo ka qayb qaadan doonta  adkayn ta tiirka qaranimo ee dalkeena, una quus goyn doonta cid walboo rajo ka qabta inay Jamhuuriyda Somaliland saqiirto.



Hadaba waxaad ku muujin kartiin Somaliland-nimadiina idinkoo sida-tan uga jawaaba su’aalaha kala ah:



* Su’aasha 9-aad oo ku waydiinaysa dalkaad ku dhalatay, jawaabteedu waa inay noqoto  SOMALILA ND, haddii meel kale aad dhab ahaan ugu dhalatay waad qoran kartaa oo qof-ku meeshu ku dhashay iyo ahaan-shihiisu dalnimo (national identity) way kala duwanaan karaan.



* Su’aasha 15-naad oo ku waydiinaysa ahaan-shahaaga dalnimo (National identity) waxaad xariiqay sa kalmada “other” dabadeed waxaad ku qoraysaa meesha loo baneeyay SOMALILANDER (fadlan u fiirsada siday u qormayso)



* Su’aasha 16-naad
oo ku waydiinaysa qoomiyada amma dadka aad ka midka tahay (ethnic group) waxaad iyadana xariiqaysa “other” dabadeed waxaad ku qoraysa meesha loo baneeyay SOMALILAN DER. Kalmada ethnic amma ethnicity micno badan ayeey leedahay sidaa daraadeed haddii aynu nidh ahdno ethnic group-kayagu waa SOMALILANDER khalad maaha oo qof-ka Pakistan ka yimid-ba wuxu ethnic group-kiisa ku qoranayaa Pakistani.



Ugu dambayn waxaanu umadda reer Somaliland ee daggan dalkan Ingiriiska u sheegaynaa in  waraa qihii tirokoobku weegii hore soo dhaceen, waxaanaanu mar labaad kula dar-daarmaynaa inay  dalk ooda iyagu horta aqoonsadaan intaanay cid kale aqoonsi uga raadin. Haddii ay fursadani maanta ina dhaafto, ficil walboo aynu isku daynaa sidii hore-ba u dhacday, oo ku aadan ka midho dhalinta himiladeena qaranimo, wuxu noqonayaa biyo col dhaanshay.



Wixi faahfaahin dheeraad ah waxaad kala xidhiidha talafoonada kala ah:



London: 0208 848 1180 / 0787 051 5334 / 0790 371 2949 / 0795 101 6681 /

Birmingham: 0795 128 7424 / 0798 414 0957

Bristol: 0758 407 4183

Cardiff: 0797 412 0862

Liverpool: 0786 652 5685

Manchester/Bolton: 0793 065 5099

Milton Keynes: 0791 263 9319

Sheffield: 0753 352 2729 / 0793 266 8012 / 0795 858 2299