Baaq Cambaarayn ah oo ku waajahan Xukuumadda Somaliland

 



 


Haddaanu nahay jaaliyadda reer Gabiley ee deggan waqooyiga Ameerika,Europe iyo Australia waxanu marka hore tacsiyadaynaynaa gaar ahaan qoysaskii ay ka dhinteen labadii sarkaal ee lagu dilay Qorilugad.dilka lagu dilay seddex xidigle Maxamed Yusuf aw Rabaax oo u dhashay g obolka Gabiley iyo sarkaal kale oo xidigle ah oo ka soo jeeda degmada Dila.

Nasiib-darro dilkaasi wuxu ahaa dil qorsheysan oo raadkeedu galay Qasriga Madaxtooyada So maliland,waana markii ugu horeysay ee arrin noocan oo kale ka dhacdo gayiga Somaliland.
Marka labaad waxanu cambaaraynaynaa Xukuumadda aan waxba ka qaban gacanku-dhiiglay aashii dilka qorsheysan ku khaarajiyay saraakiishii qaranka ee jiida hore heeganka kaga jiray.

Marka seddexaad waxanu cambaaraynaynaa Xukuumadda aan ka hadal ,isla markaana waxba ka soo qaaadin dilkaa qorsheysnaa ee lagu khaarajiyay halyayadii qaranka.
Mar afaraad waxanu cambaaraynaynaa xukuumadda dilkii hore dil kale noogu dartay iyo dhaa waac fara-badan oo ka dhashay markii dadweynaha reer Gabiley ee dhibaatadu soo gaadhay sameeyeen mudaharaad salmi ah oo ay ku muujinayaa dhibkii soo gaadhay.
 

 


Jaaliyadda reer Gabiley ee
deggan Waqooyiga Ameerika ,Europe
iyo Australia