BAAQ IYO DIGNIIN KU WAJAHAN XUKUUMADDA SOMALILAND

 



Dhammaan qurbajooga Beelaha Subeer Awal ee ku dhaqan dalka Canada waxay halkan dig niin iyo cambaareyn ah halkan uga gudbinyaan xukuumadda Somaliland ee uu hoggaanka ka yihiin Md. Axmed Maxamed Maxamuud Saleebaan Maxamuud Aaden "Saleebaan Gaal" Guddo omiyaha Guurtida oo hadda u xuubsiibatay dagaal Beeleed qaawan oo ku wajahan Beesha Subeel.

Waxan dhawaaq dheer iyo mid gaabanba ugu sheegeynaa cisaabada talada dalka ku amar ku taaglaynaysa in aan ciidan beeleed RRU la yidhaa iyo hantida qaranka oo la xalaalaystaa midkoodna kursiga nina ku negeyndoonin ee taa ha la ogaadu. Waxanu toos ugu sheegayna a madaxweynaha iyo beeshiisa oon marwalba ku barbar taagan gefka iyo kibirka xukuumada ni caadeysatay. Madaxweyne adiga iyo xerta durbaanada kuu tumaysaa ku abshira dagaal ka aad bilowdeen in dambarkiisa ka durduuran doontaan. Kursi la isku dhejiyo iyo tayda moo ye tu kale soconmayso halkay ku dambayso sooyaalka taariikhda ayaa ka marag kaca.

Mudane Madaxweyne halkan ka dheeho dhacdooyinka aad Bewesha Subeer Awal kula kacday intaad xilka heysay:-

1- Xilka xayuubintii Wasiir Axmed Xaashi Nuur "Oday"
2- Xilka xayuubintii Taliyihii Ciidanka Qaranka Jan. Nuux Ismail Taani
3- Xilka xayuubintii Taliyihii Ciidanka Qaranka Jan. Maxamed Cabdillahi Jidhif
4-Xadigii dhalinyaradii Gabiley iyo Caaqil Aw Yuusuf Magan oo 97 jir ah
5-Xilka xayuubintii Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi
6- Xilka xayuubintii Guddoomiyihii Gobolka Saaxil Maxmed Cali "Ramaax"
7-Xil ka xayuubintii Wasiir Maxamed Cabidllaahi Cumar
8- Xilka xayuubinta iyo xadhiga Wasiir-ku-xigeenkii amniga Cabdillahi Abokor

Intaas oo godob ah iyo qaar kaloo badan iyo tan raadkeedu qoyanyahay ee Mj. Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyihii Xisbiga Kulmye aad madaxweyne adiga, Saleebaan Gaal, iyo Xasan mac alin isugu bahaysateen Xisbigii Kulmiyena ka dhigteen urur beeleed aad mulkiyadiisa leedah ay. Ha la ogosoonaado abaal nin guda iyo nin gadaba waa la arki jiray oo xaajo ugub ah ma aha!! Xeerbeegtidii caddaalada looga fadhiyey hadday iyana sidaa u dhaqantay waa arrin taariikhda gelidoonta.


Guntii iyo gebogebadii waxa maanta bilaabmay xisbigii kulmiye oo lagu kala hayaamay iyo xabaal iyo ninkeed loo kala tegye cidday khusaysaaye ha u daymo la'aan


Dhegihii Allah waaniyaa weedha ka maqla

Guddiga Beelaha Subeer Awal EE Canada

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse