BAAQ KA SOO BAXAY DHALLINYARADA
GOBOLKA GABILEY

 



 

DHALINYARADA GOBOLKA GABILEY OO BAAQ U DIRAYA BEELAHA  WALA ALA AH EE KU DAGALAAMAYA DEEGAANADA U DHEXEEYA DILA IYO CEEL BARDAALE.

Qodobta labaad waxay ku xuseen in ay muhiim u tahay labada beeloodba naba da iyo wada daganaashaha iyo markasta sidii looga wada shaqayn lahaa.............


Gabiley (Longlivesomaliland News)- Dhalinyarada gobolka Gabiley ayaa maanta galinkii danbe kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen ku soo saaray baaq na badadeed ay kusoo ururiyeen labadan qodob ee hoos ku qoran.

Ka koowaad waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin falkii foosha xumaa ee wuxuushnimada ahayd ee ka dhacay Wadada u dhaxaysa Dila iyo  Kal abaydh. Dhalinyaradaasi oo ayaa usoo jeediyay dadka ku dagaalamaya deegaanadaasi inay si nabad ah oo walaaltinimo ku jirto u dhameeyaan murankan mudada dheer soo jiitamayay.

Qodobta labaad waxay ku xuseen in ay muhiim u tahay labada beeloodba nabada iyo wada daganaashaha iyo markasta sidii looga wada shaqayn lahaa xal u helida khilaafaadka dhex yimaada mujtamaca. Waxay  sheege en iyagu dhalinyar ahaan inay markasta diyaar u yihiin inay kala  shaqee yaan mujtamacooda daganaasha iyo waxwada qabsiga.

Dhalinyarada kulankaasi iskugu yimid waxay balanqaadeen inay door  m uhiim ah ka qaybqaadan doonaan. Waxaa kale oo ay intaas sii raaciyeen in beelaha walaalaha ah ee kala dagan labada Gobol aanay kala maarmi Karin isla markaana ay ku wada noolaadaan nabadgalyo sugan, lagana wadaqaybta qaato sidii qoryahaasi loogu badali lahaa tartan  horumar ineed oo ka dhex dhaca labada gobol.

Dhalinyarada Gobolka Gabiley waxay dhamaantood tacsi u direen alle ha u naxariistee dadkii ku geeriyooday oo ay uga tacsiyadaynayaan  bulsha da reer Somaliland iyo qoysaskii iyo qaraabadii ay ka bexeen waxay  leey ihiin ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Dhalinyaradii kulankaasi ka qayb gashay waxaa ka mid ahaa:

1. Axmed C/laahi Xuseen
2. Aadan Maxamed Aadan
3. Shucayb Maxamed Muuse
4. Axmed Maxamed Bookh(isha boorame)
5. C/risaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi)
6. Mustafe Nuur Xirsi
7. Farxaan Maxamed Cabdi
8. Maxamed Caydiid Cumar
9. Mowliid Cali Guuleed
10. Caydiid Maxamuud Ahmed
11. Siciid Gaydh Khayre
12. Jaamac Maxamed Axmed
13. Maxamed Axmed Ali
14. C/raxmaan Axmed Faahiye
15. Maxamed Sheikh Cilmi Nuur
16. C/laahi Cumar Sheikh Muuse
17. Xuseen Saalax Cilmi
18. C/risaaq Cabdi Faarax
19.Axmed Aw Daahir Diiriye
20.Maxamed Xasan Waqooyi
 

 

Weriye Nimcaan Dheeg Ibraahin
Longlivesomaliland News Desk  Gabiley Office  Somaliland