BAAQ KU SOCDA DA'YARTA SOMALILAND EE DALKA

 

Ururka isku xidhka dhalinyarada somaliland ee dalka iyo debedda ee SAYNA wuxuu baaq  n abadeed gaadhsiinayaa dhammaan da'yarta somaliland gaar ahaan da'yarta somaliland ee ku sugan Gobolada Dalka.

Hadaba waxa uu ururka isku xidhka dhalinyarada somaliland ee dalka iyo dibadiisa kala  joo ga uu baaqan u soo saaray kadib markii uu arkay in dhalinta somaliland la kala durkinayo, la iskuna bacaynayo, loona adeegsanayo arrimo siyaasadeed, iyadoo dawladduna dhan ka soo afuufaysa, axsaabta mucaaradka ahina dhan ka soo afuufayaan, waxaan aad uga  xun ahay dhacdadii ka dhacday shalay hargaysa Stadium ee lagaga joojiyey dhalinyarada  wal aalaha ah ee kubbada halkaaas ku wada ciyaarayay, wax rabshad ah iyo dagaal ahna aan wadin, ee rasaasta iyo ciidanka lala dhex yimi, waxan kaloo ka xunnahay siyaasiinta  muca arad iyo muxaafadba leh ee ku adeeganaya da'yarta, una adeegsanaya danahooda  siyaa sadeed.

waxa naxdin leh, goormaa la gaadhay in dhalinta sida dugaaga iyo eyda lagu adeegto, qol obana wax ku afuufto, siyaasadda meelahaa kale iyadoo lala galo ayaa la ogaaye goormay idin la gashay siyaasadii dhalinyarada????? dhalinyaraan koob u dhigay oo aan ciyaarsiiyey iyo sidaad ugu dhigtaa oo u ciyaarsiisaa, ma wax lagu hadlaaba ilaahbaan idinku  dhaars hee???

waxan leeyahay dhalinyarada hadda ku sugan gudaha somaliland, ka shaqeeya  midnimad iina walaalnimadiina, xoojiya aqoontiina iyo garaadkiina, ka feejignaada cidda idinku   dana ys anaysa , dhalinyaro mid ahaada, dad magaca dhalinyaro wadaaga oo ku dagaalama  ma gacaas noqda ha noqonina dad qabaailo iyo danaysi loo kaxaysto, Noqda kuwo isku duuban oo dhalinyaro ah, magacaas(DHALINYARO) ha idinka dhexeeyo wixii kale quba.


Dhalinyaro, waxan ka dhalinyar ahaan ognahay in loolanka siyaasadeed ina soo gali doono, oo la ina kala xadi doono, lakin aan ka sii baaran dagno, oo aan ka sii wada tashano sidaan u waajnaa odayaasha loolanku ka dhexeeyo ee aan waxba inoo ogalayn, Dhalinyaro Loolan ka dhexeeyo waaba lagu dhex darmi karaa oo lala shaqqayn karaa lakin odayaal aan  dhali nta waxba u ogalayn imminkana jecel hadhowna nacaya maxaan ku samaynaa, ma ka  wad a tashanaa dhalinyaro?????? hadday jawabtu tahay haaaaaaa aan midowno dhexdeena, gacmahana is qabsano, innagoo isku duuban aynu raacno ciddii dhalinta iminka iyo  hadho wba jecel oo aynu ku dhaarsano inaanay hadhow ina sanifayn markay dantooda  gaadh aan.


gunaanadkii dhalinyahay iskaashada oo is taageera, isku xidhma ,oo iska ilaaliya in wax ka stoo dhaca la yidhaa dhalinyaraa ku jirtay waayo mar walba magaceeno dhalinyaro ahaa ayaa lagu sii tumanayaa, maxaa loo odhan waayay odayaal ba ku jiray, siyaasiin baa ku jiray, haween baa ku jiray, masuuliiyiinba ku jiray, waxasoo dhan waxa loo la'yahay,  kuwa asi waxan inaga la inagu sawirayo way iska ilaaliyeen markaa magac dil kuma dhacayo iyaga, lakin markaynu sidan nahay waxaynu gaadhayna heer aynu dhowaan ka xanaaqno dhalinyaro ayaan ahay, waayo dee sawtan dhalintii wax wal oo xun iyadii kow ka ah, max aa lagu faaana, hadaba imminka weli waxaynu haysana jaanis ay ku faani karno dhalinyaro ayaan ahay, ee yaan magaca la inagaga ciyaarin, aan wada ilaashano magaceena  DHALIN YARO ee inaga dhexeeya rag iyo dumarba wixii dhalinyaro ah.



waad mahadsantihiin dhalinyaro




By:
Guddomiyaha Ururka isku xidhka dhalinyarada
Somaliland ee debedda iyo Gudaha ee SAYNA..

Mustafe Osman A/rahman
Burao Somaliland
4411480 / 9300030
Email: sayn.org@hotmail.com