BAAQ KU WAJAHAN BULSHADA REER SOMALILAND

 

 


Marka hore waxan hambalyo halkan uga direynaa Gudoomiyaha xisbiga caddaalada iyo daryeelka{UCID}Ing FAYSAL CALI XUSSEN,labada
musharax waa Aqoonyahan JAMAAL CALI XUSSEN iyo AqoonyahanCABDIRASHIID XASSAN MATAAN iyo taageerayaashooda oo maanta
oo bishu tahay 30/10/2012 ka muujiyey dhammaan Gobolalda iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland wacdaro iyo iskusoobax
ballaadhan oo fajac geliyey bulshada caalamka oo kala socotay dhammaan TVyada ku hadla afka somaliga taasoo muujineysa inay bulshada
reer somaliland u oomantahay isbedel dhab ah oo ay helaan iyo jiil cusub oo caalamka lajaanqaadi kara
BAAQ KU WAJAHAN BULSHO WEYNTA REER SOMALILAND GUDO IYI DIBADBA
waxan shacabka reer somaliland ugu baaqeynaa haddaanunahay Jahliyada reer somaliland ee xisbiga caddaalada iyo daryeelka{UCID}ee
Dalka Netherlands in ay u diyaargaroobaan doorashada golayaasha degaanka oo dhicidoonta 28/11/2012 waxananleenahay muwaadin
codkaagu yuuku ciilin ee u codee xisbiga caddaalada iyo daryeelka{UCID} waxaynu u bugnay u boholyawnay caddaalad iyo daryeel bulshadeenu hesho nasiib wanaag magaca xisbigani ku suntanyahay ayaa ah caddaalad iyo daryeel{UCID}SIdaa darteed siloo rumeeyo
loogana midha dhaliyo magacan isaga ah Gudoomiyaha xisbigani wuxuu baadigoob dheer u galay raggii ka midha dhlinlahaa
waxaanu dadaalkii iyo juhli badan uu ku bixiyey kadib kuguuleystay innuu soohelo raglagu aaminikaro masuuliyadaa culus siday wadaqirayaan
shacbiga reer somaliland labada musharax {JAMAAL IYO ABDIRASHIID}waa rag wata haybad wacan iyo haykal dawladnimo{LEADERSHIP}
waxay wataan aqoon ay innagu hagikaraan waa labo aan baalmadaw kagajirin ummada waa labo aan boogo siyaasadeed lahayn waa rag aan inoosoo shaqatagin ee innoo shaqeynaya waa rag aan wexeena cunayn ee wax inoogu daraya waa rag lagayaqaan caalamka oo dhan
waa rag dunidu u dhagonugushahay kana dhaadhicin kara qadiyada somaliland keenina kara aqoonsiga aynu u haraadsanahay
waa rag isukeenikara shacbiga reer somaliland bari iyo galbeedba maadaama ayna waxgodob ah lahayn sidaadarteed waafursad dahabiyee
yeyna maanta idindhaafin hawcodeynina mid qabiil kugu beerlaxawsada hadhawna bannaan kaaga taga waxanu idiinrajeynaynaa inaad u
dhagonuglaataan baaqayagan Allaa mahadleh
GUDOOMIYAHA JAHLIYADA DALKA NETHERLAND EE
XISBIGA CADDAALADA IYO DARYEELKA {UCID}
MOHAMED MUHUMED ELEYE {SUWEYS}