Baaq Taageero Ah Golaha Toosinta Iyo Wadatashiga

 



Markaanu Aragnay In Aanu Distuurkeenu Diidanayn Gole Wada Tashi , Markaanu Eegnay In Diinteenu Islaamku Dhiiri-galinayso

Anaga Oo Ah Dhalinyarada Ku Nool Caasimada J.S.L Ee Hargaysa , Gaar Ahaan Dagmooyinka 26 june Iyo Koodbuur , Gacanlibaax , Haddaanu Nahay Dhalinyarada Ku Nool Dagmooyinkaas Waxaanu Warbaahinta Madaxa-ba’naan U Marinaynaa Taageero Aaanu Taageersanahay Gol aha Toosinta Iyo Wadatashiga sabaabo awgeed hadaba aan tusale usoo qaato qodobo ka mida .

Markaanu Aragnay In Aanu Distuurkeenu Diidanayn Gole Wada Tashi , Markaanu Eegnay In Diinteenu Islaamku Dhiiri-galinayso Wada-tashiga . Markaanu Dib Eegnay In Somaliland Ku Soo Caano Maashay Wada-tashi , Isqancin , Is-sixid Iyo Isku-tanaasul . Markaanu Aragnay Raga Aas-aasay Golahani Ay Yihiin, Mujaahidiintii Dalkan U Soo Halgamay , Ee ka qayb qaatay Dib U Dhiska Dalkan , Dib-u-heshiisintii , Sodonkii Sanadood ee u danbeeyay-na ay ku hawlanaayeen dib u dhiska dalka , wax tar mooyaanee aan looga baran waxyeelo , waxaanu go’aansanay in aanu tageerno Golahan

Markaanu Eegnay marxaladan uu dalku maraayo , xag dhaqaaale iyo xag qabyaladeed iyo xag amni , Tan Iyo Intay Somaliland Jirtay Heerka ay qabyaaladu marayso waa halkii ugu xumayd , markaanu eegnay Qodobadan Hoos Ku Qoran

1-Markaan eegnay qaabka ay udhaqmayaan ciidanka RRUda oo ah sidii faqashtii oo kale oo saqda dhexe ku qafaalanay shicibka taas oo habeen dhawayd ay naxdin udhimatay wiilyar oo aabihii laqatay saqdhexe iyo dilkan dhibkayar ee gaystaan RRUDa

2-Cabudhinta saxaafada taasi oodhacdadii ugu layaabka badnayd ee lagula saxaafada ay ahayd niman ciidanka nilayska kamida ay dil qorshaysan kula kaceen wargayska hubaal halkii ragii hawshaasi fuliyay

Iyo cidii ka danbaysayba cadaalada lga horkeeni lahaa iyagii xadhig iyo ganaax iyo weliba xafiiskoo laga xidho jawaab looga dhigay taasi oo cadaynaysa in ay xukuumadu ay kadanbaysay

3-Mida kale waxan u arkaa in ay bulshadanuna ila qabto ragani oo ah rag mujaahidiina magacweyna kuleh waxa oo kujira xil.iyo aqoonyahano farabadan oo aanu uaragno in ay xaq uleeyihiin in wixii ay xal uarkaan in wadankan lagu toosin karo ummada usameeyaan kuna soo kordhiyaan

Hadaba hadan usoo noqdo sharciyada golahan saska ay xukuumadu kaqaaday waxan u aragnaa in aanu wax dhibaato ah ulahayan wadanka iyo bulshada ku dhaqan waayo wadankan waxa caado u ahayd wada tashi iyo istoosin takale madaxweynuhu sawkii jeclaa guddida muxuu kaga booday golaha

Guurtiduna yaan been loo sheegine wadanka idinkaa ah golaha usareeya balse waxa aad moodaaa inwadankii uu kadhaqaqi layahay yes man iyo nacamle

Midina waa iga suaale

SUAASHAYDA 1-ragani marag looga baqanayaa inay wadankan dumiyaan ama dhibaatooyin keenaan

SUAASHAYDA 2-goormaa wadankan lagu heshiiyay in laga soo afjaro wadatashigii is toosintii

Midina waa iga xasuusine miyaanu siilaanyo ahayn shalay ninkii lahaa waxaan tixgalinaya xoriyatalqawlka wadankana waxaan kudhaqayaa wada tashi talo wadaag iyo rabitaanka bulshda

Mida kale ee aan layaabnay waxa weeyi dawladu waxay isu haysataa 100% inay saxan tahay

Waxa kamuuqda saluug fara badan iyo danaysi gaara oo kabaxsan hawshoodii inay kuwada mashquuleen xukuumadu waxay kadhigantahay nin sacab gacan kaliyaata kutumanaaya

Waxaana aan usheegaynaa xukuumada in wadanku yahay dimuqraadi ragana ay yihiin mujaahidiintii usoo dibjiray usoo dhaawacmay kuna guulaystay xoraynta dalkawaxaan

Gudoomiyaha xisbiga muxaafidkana muuse biixi waxaan leenahay madaxweynaha waxaad usheegtaa

In lagu ducaysto ilaahow ceebtayda walaalkay tus si uu iigo sheego ana aan usaxo

Talana adigaa kunoole iyadu kuguma noola maqalkaygan waxaan kusoo koobayaa manta ragani looga biqi mayo aqoondari iyo dalbaabiin waa toosin wax qaldan oo ay arkeen

MAHDI C/LAAHI FAARXA [ADHIBADANE]

ILYAAS AXMAD CUMAR

FUAAD CABDI MAXAMAD

ISMAACIIL CALI NUUR

MAXAMAD JAAMAC QUULE

SAHRA JIBRIIL

IBRAAHI CABDI FAARAX

HODAN AADAN NUUX

SULEEKHA DHAMAC

YAASIIN BARE WEERAR
 


C.casiis ismaaciil
hargeysa somaliland