BAAQ TAAGEERO AH OO KA SOCDA MUSHARAXA GARAADKA BEESHA SACAD MUUSE


 



ANIGOO AH MUSHARAXA GARAADKA BEELAHA SACAD MUUSE EE DHAWAAN CALEEMO SAARKII SU KA DHACAYO DEGMADA TOG-WAJAALEE , WAXAN SI BUUXDA U TAAGEERAYAA GOLAHA MA DAXA BANAAN EE WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA. HADABA

1. Markaan arkay halka uu marayo geedigii iyo hayaankii Qaranimada Somaliland iyo mad madowga ku gadaaman


2. Markaan arkey midnimaddii ummado oo sidii shamac la shiday, sii buburaysa ka dib markii Qabyaaladdii dib loo soo nooleeyey

3. Markaan ogaadey sida loo baabiiyey Golayaashii Geegaanka ee bulshadu ku garbo beeshay. sida Golaha Geegaanka ee Gobolka Gabiley oo maraya halkii ugu liidatay kadib markii loo diiday in ay u madax banaanaadaan fadhiyadoodii

4. Markaan la tashaday bulshada aan Garaadnimada ugu sharaxanahay

5.Markaan arkay dhallinyarada camal laantu hayso iyo tahriibta oo maraysa heerkii ugu sarr eeyey ,waxan si buuxda u taageerey Golaha Madaxa Manaan ee maanta lagu dhawaaqey, wa xanan ugu baaqayaa bulshada Somaliland in liibaanteena adduunyo iyo teena aakhiraba ku jiraan taageerista Golahan.



Waxan ku soo gunaanadayaa tixdan gabayga ah :

Dadku maaha kii hee, midho daray had iyo jeer, duuduub ku liqi jirey,

Dadku maaha kii hee, laba goor dan seegee, shaley iyo doraad jirey

Dadku maaha kii hee, iney daaf ka guuraan ,daacuun u raran jirey

Dadku maaha kii hee ,digo rogashadoodiyo, dalan doolka geediga,

Dalka oo cad ceediyo ,dayaxiiba joogaan, xiddigaha dagaariyo,

Duuqlaal ku guddi jirey.



RABADAAN KARIIM

 



By: GARAAD MUSTAFA SH. ABIIBAKER HUSIEN

TOG-WAJAALE

Telephone Number: 4466752HH

Email: shayma18@hotmail.com