BAAQ TAAGEERO GO\AANKA GEESINIMO EE U GAADHAY MUJ. ALI GURAY

 

Waxa shalaytoole ayuu shirjar'aaiid ku qabtay hoteel ka mid ah hoteelada ugu caansan magaalada Hargeysa Muj. ALI GURAY oo runtii ka mid ahaa mujhindiintii waaweyneyd ee hormoodka u ahaa ururkii SNM kana soo horjeeday maamulkii digtaarooyiga ahaa General Maxamed Siyad Bare.

Ururkaaso aha mid hubiysan dagaalo badan la galay nidaamkaasi digtaaroyiga ahaa ee Siyad Bare, aakhrikiina si fiican uga guuleystay, waajibaadkoodina gutey mudadii u halganku socday ugu danbeyntiina dhidhibada u taagay qarannimada JSLand iyo nabad aynu maanta ku naalooyayno, Muj Cali wuxu ka mid aha ama ay taarikhdu inoo sheegaysa inuu aha ninkii labad ee xisbigan kulmiye ku biira, wuxu aha muj. Cali raggii guulaha maanta kumiye gaadhey hormoodka u ahaa islamarkan taageerayaal badan xisbiga u soo xero galiyay, wuxu ka mid aha maanta muj. Cali ragga fara ku tirisgaha ee maanta ka nool mujihiintii asal wafasal lugu tilmaani jiray daacadnimada, iyo geesinimada ururkii SNM, intii u halganka ku jiray maaha taarikhdiisu mujihdka.mid lagu soo koobi karo qoraalkan maanta.

Haddaba anagoo ah odayaasha iyo gudida isbadal doonka ee dalkan Norway dagan, waxanu soo dhaweynayna ama boqolkiiba boqol taageersanahey go'aankaasi geesinimada leh ee u gaadhay Muj. Cali Guray oo ah mujaahidintii nadifta aheyd ee ku sifoowday geesinimad iyo dacaadnimada iyo hawlkarinimada xilligii adkaa ee halganka lagu jiray, waxanu leenahay mujaahid Ali Guray caado la go'yaa cadho alle ayeey leedahay, waxad caado u laheyd ama lagugu yaqiinay inaad mar walba u hiilisid xaqa iyo qarannimada JSL, waxad daacad u aheyd halgankii SNM oo ay taarikhdu qoreysa islamarkaana ad baal dahab ku xardhan tahay, waxad daacad u aheyd sidii ad u toosin leeyda hogaanka qaloocan ee xisbiga qaran ee kulmiye, waxa markhaati ma doonta ah inaad geed dheer iyo mid gaabanba ad u fuushay sidii ad ugu hiilin laheyd xisbiga kulmiye laakin nasiib daro ad ku guuleysan weyday. Waxanu ku rajeynayaynaa inaad marwalba ad taageerto xaq iyo qaranimada JsL.

Gudida isbadal doonka qaranka JSL ee dagaanka Norway

Omar Daarood Xassan / Gudoomiye
Ismail Aduur / Gudoomiye kuxigneen
Sh. Maxamoud Abdillahi Ciise / Xogaheye

odayaasha dagaanka Oslo ee beelaha waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa

Oday Jama Ali Cisman
Oday Maxamed Yussuf Guuleed
Oday Ahmed Abdillahi Obsiye
Oday Ali Xassan Xoore
Oday Ali M. Noor
Oday Issa Faarax
Oday Abdikadir Awale
Oday Maxamed Difow


Waxannu leenahay go\aankaasi ad ku badbaadinayso dalkaaga iyo dadkaagaba waanu kula wadaagna Mujaahid Ali Guray.


Gudida isbadal doonka ee dagaankan Norway
iyo Odayaasha Oslo ee dagaamada Waqooyi iyo gableed Hargeysa
 

 


Norway