BAAQDHEER OO XANBAARSAN JIDKA ISKU XIDHI DOONA BURCO IYO CEERIGAABO

 


SHACAB IYO DAWLADBA WAXAAN ISLA QAADANAY JIDKAA HADDI AYNU KU GUULAYSANO
IN AAN CITIRAAFKII ADUUNKUNA INAGA MAQNAYN ALLOW RUNKA DHIG AAMIIIIIIN

Marka ugu horaysa waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer somaliland debed iyo gudaba meelkastay kalajoogaan gaar ahaan waxaan si gaara usii salaamayyaa shebekedaha maqalka iyo muuqaalkaba inoo soo gudbiya anigo ugu hanbal yaynaha hawshabalaadhan ee dalka iyo dakba u hayaan iyagoo laga yaaba qaarkood inaanay wax mushaharo ahba qaadan in taa haddii aan halkaa kaga gudbo.



dhamaan shacabka reer soomalilaanoow sidaa wada ogsoon tihiin dalkani wuxuu soo maray marxalado aad u kala duwan oo qaarkood aad u qadhaadh yihiin amarada illaahay wuu ka soo gudbey.
Maanta wuxuu maraya meel aan wax ku kala doorankaro mar haddii arinku taagan yahay wax kala doorasho waxaad markiiba
kuu dhamaya nabad.waxaad dareemeysaa neecaw udgoon iyo wax lamid ah sidaaa awgeed waxaan lee yahay maansha allaah, laakiin weli wax badan inay inoo dhiman yihiin waxaynu nahay ku la socda taargidka iyo himiladdii aynu lahayna waa halkii iskusoo wada duub oo waxaa xaqiiqo ah oo aan la dafirikarin inuu dalkani hore iyo danbaytoba u baahan yahay dadkiisa oo isku duubani inay dhibaata horena ka soo gudbiyeen tandanbeetona ka gudbinkaraan haddii aan raacno sida dalkeenu ina leeyahay oh midnimo baa guul lagu gaadhaa iyo guri barwaaqo.


Marwooyin iyo mudanayaal idinkoo ila socda weli maan daaha ka rogin ujeedadadii aan u dul fuulay aaladan casriga ah ee illaahay inagu manaystay. balse waan iba furayaa haddii eebbe yedhaahdo walaalayaal sidaa ula socotaanbna waxay waxti badan iyo qarash farabadanba geliney habkii iyo ololayntii wada BURCO iyo CEERIGAABO arinkaas iyada ah dawladu wefti balaadhan bay inoo soo dirtay inaguna aad baan u soo dhoweyney laakiin wixii anu muuqalka faraha badan iyo sawaxanka awood oo dh an isugu geyney weli waxaad moodaa inaan wax weyn oo la taaban karaa ka soo naasacadayn,


marwooyin iyo mudanayaal arinkaas isaga waxaynu isla garowsanay in haddi aynu ku guulayso ictiraafkiinii kow ka yahay
hadaba walaalayaa waxaan si ay mawaadinimo ku dheehan tahay inka codsan lahaa in aan tamarayno dibna u cusboonayno sidii loodardar gelin lahaa hawshaa wadada BURCO iyo CEERIGAABO lagana daayo docadocaynta.

udanbay balan wuxuu inoo yahay wadada burco iyo ceerigaabo oo aan deg deg ugu gurmano inagoo mid ah oo gacmaha is haysana oo wax qabad ru ah muujinayna. waxaana leeyahay barbarkay ka baxdaa waa bakayla caleen.


ISHA,ALLAAH SOMAALILAND GUUL GUUL GUUL IYO RAJEYN DHOOW

GUDOOMIYAHA XUSBIGA KULMIYE


XASAN CADE