BAAQII KA SOO BAXAY SHIRKII LONDON UGA SOCDAY QURBO JOOGTA BEESHA AYUUB WAYNE, MAGAALADA LONDON EE CARIGA INGIRIISKA

 

 

London (TNN)-Sida horeba loogu shaaciyay warbaahinta ayaa waxa shir ugasocday magaalada London ee cariga ingilriiska qurbo joogta Jaaliyada Beeshs Ayuub lagasoo bilaabo 26/06/2011 ilaa iyo mido sa dex cisho ah ayuu shirkasi ka socday magaalada London. shirkaasi oo beeshu kaga arinsanaysay dana heeda gaarka ah haday tahay mid bulsho iyo mid siyaasadeedba, shirkan oo aykasoo qaybgaleen dha maanba qurba joogta beesha ayuub qaybaheeda kala duwan haday tahay siyaasiin, aqoonyahano, dh alinyarada iyo dhamaanba waxgaradka beesha kuwaasi oo kaga soo qaybgalay siyaabo kala duwan sida goobjoogayaal iyo aaladaha kale ee warfidinada sida Internetka iyo khadadka telefoonada iyaga oo kasookala hadlaayay meelo kala duwan oo dunida dacaladeeda kamid ah sida Europe, North Ameriac Carabaha iyo Austerelia . Shirkan oo daba socday shirarkale oo gaar gaar ahaa oo kadhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Ayaa ujeedada shirkan ugu wayn waxa aytahay inay beeshu isaga timaado oo ay kawada tashato talaabada iyo go'aamada ay ka qaadi doonto qaanbka ay dawlada cusubi ula dhaqantay beesha, kaasi oo ay kasoo sareen waxgaradka beeshu go'aamo wax ku oola oo ay ugu horayso inay lagama maarmaan tahay Shirwayne balaadhan oo besha ah kana dhaca dalka gudihiisa dhawaan.



Beeshu waxay saluug wayn ka muujinaysaa saami qaybsiga golaha fulinta dawlada cusub ee uu hogaa minaayo Mudane Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (siilnaayo) taasi oo beeshu xad gudub way n iyo deelqaaf u aragto kamam nuucida (Band) golaha wasiirada, oo beesha laga mamnuucay inay ka mid noqoto golahaas wasiirada. Hadaba beeshani oo beelaha kale uga dedaal badnayd dedaalkii iyo hal gankii siyaasadeed ee la soo maray eeuu madaxwayne Siilaanyo ku kasbaday kursiga dalka ugu mudan, kaasi oo beeshu dhamaanba hoo iyo hiilba uhurtay sidii Madaxwayne siilaanyo talada talka ku hanan lahaa. dhamaanbana beeshu codkeedii 100/100 ay siisay madaxwayne siilaanyo, halka ay  beela ha ka le kukala qaybsanaayeen xusbiyadii kale ee kagarab tartamaayay Kulmiye. Taasoo beeshu ay codkeed ii hore usiisay doorashadii tanka horaysay. Balse markii Madaxwayne siilaanyo ku guul daraystay door ashadaa hore ayaa dawladii markaa jirtay beesha ay ku ganaaxday inay codkeeda siisay siilaanyo iyo xusbigii Kulmiye taasna ay ku mutaysatay inaan haba yaraatee loo fidinin wax gargaara oo ah dhicana adeegyaa bulshada. sida Schoolada, biyaha, nadaafada, dayactirka wadooyinka, caafimaadka iwm.

Wakaalada biyaha ayaa ah meesha ay siyaasiyiinta dalku ka cadaadiso beeshan oo mar walba biyaha ka hortaagan Xaafada Xaaji Cabdi Ismaaciil (X Isha boorame) tiiyoo xaafadu sugaysay Siilalyaa idiinku horeya biyo sacab lagu dhuro balse ay noqotay dhado roob noqon wayday, Si kastaba ha ahaatee be esha ayaa u dhabar adaygtay inta siilaayo uu ka qaban doono talada dalka taasoo beeshu ay lahayd maruun baad ka cabi doontaan sasabane marnaba may ka filanayn Madaxwaynaha hada talada hayaa ina uu ilaabi doono halganka dheeraa ee beeshu u gashay manay sugayn ina tacabkooda uu ka dhigi doono hal bacaad lagu lisay.


beeshu waxay cambaaraynaysaa oo ay diidantahay cadaalad xumada uu madaxwaynuhu kula kacay beesha Ayuub, beeshu waxay u aragtaa saamiqaybsiga golaha fulinta eelaga reebay ina laduudsiyay xaqoodii muwaadinimo kaasoo ufasaxaya qofkasta oo muwaadin reer Somaliland ah ina uu xaq u leyah ay kaqayb qaadasha haromrinta dalkiisa iyo dadkiisa waxna uu dooran karo lana dooran karo. Sidaa daraadeed beeshu waxay uturjumatay amaba aytahayba kamaqnaanshaha golaha wasiiradu ina Mada xwayne Siilaanyo ubadheedhay ina uusicad uxaqiro aqoonyahankii beesha kuna yidhaa hadaad tihiin beesha deegaanka Sayla malihidin aqoonyahan siyaasi iyo saaxibal caaqil kaqayb qaanan kara dibu dhiska dalka Jamhuuriya Somaliland taasi oo gef iyo meel kadhac ku ah beesha iyo wax garadkee da.

Hadaba shacbiwaynaha reer Somaliland hadiii aan dib ugu celiyo ama aynu milicsano waxaad xasuusat aan inay kamid ahayd ololihii doorashada ee Madaxwayne Siilaanyo ina hadii uu talada dalka qabto soo dhisi doono dawlad kooban oo tayo leh oo dad aqoon usaaxiiba ay hogaamiyaan beesha oo ka mid aha yd lafdhabarta xusbiga kulmiye lahaydna rag aqoon iyo khibarad siyaasadba kulansay ayaa Mawaxway na ha hada talada hayaa ugu jawabay beesha, malihidin aqoonyahan, malihidin waxgarad ma lihidin siyaasi ma lihidin dad xadarad abuuri kara kuwaasoo wax ka qaban kara harumarinta dalka kana qayb qaadan kara isbadalka siyaasadeed ama kobcinta dawladnimda ee loo baahanyahay ina Somaliland ka hana qaado, taasna maaha mid beeshu aqbashay aqbalina doonto. Gudntii iyo gabagabadii ayaa Qurbo joogta beesha Ayuub shirkii ay qabsatay waxay ka soo saartay go'aamadan hoos kuxusan ooka koob an dhawr Qodob oo muhiim ah.



Markii aanu eegnay xadgudubka wayn ee beesha kaga yimid dawlada cusub oo habayaraatee aanwaxb aba la iskaga tirin milgihii beeshu lahayd, markii aanu aragnay sida gardarada leh ee cadaalada kafog eeloola dhaqmay beesha oon marnaba laqadarin karaamadii ay lahayd lagana dhigay wax ololaha doorasho lagaga gudbo hadhoowna lagamaarmo, markii aanu falanqaynay sida madax waynuhu aanu dheg jalaq ugu siin cabashooyinkii isdabajooga ahaa ee kasoo yeedhaayay beesha qaybaheeda kala duwan markii aanu yaqiinsanay inaanay ahayn gefka beesha loogaystay mid udhacay siqalada balse uu ahaa ilaa hadana yahay mid loo badheedhay, markii aanu odorosnay waxa ay ku jirto danta beesha iyo tan wadankeena Somalilandba inay lagama maarmaan tahay ina aanu kasoo saarno qodobadan hoos kuxusan kuwaasoo u dhigan sida soo socota.




1: Beeshu waxay utaagantahay inay marwalba ilaaliso Midnimada , Qaranimda iyo Amniga jamhuuriyada Somaliland shirkanina aanu ahayn haba yaraatee mid lid ku ah qaranimadeena dalkeena iyo dadkeena

2: Waxay beeshu go'aan wadajira ku gaadhay inay dawlda kucambaaraynayso gardarada iyo cadaalad xumada ay kula kacday muwadiniinta reer Somaliland

3: Waxaa beeshu go'aansatay inay isugu timaado shirwayne balaadhan oo beesha ah kana dhici doona dalka gudihiisa kaasoo si qoto dheer oo balaadhan laagu lafa guri noono danta besha iyo ta qaranka Somalilandba

4: Ina beeshu cabasho kamuujinayso inta ay kamaqantahay golaha fulinta waxkasta oo herkaa golaha wasiirada kasokeeyaana aanu noqonayn mid qancinkara hamiga siyaasadeen iyo rabitaanka beesha

5: Inaanay beeshu udulqaadan doonin waxkasta oo deel qaafa ama gef iyo meelkadhaca oo kaga yimaad dawlada uuhogaaminayao Mudane Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xukuumad kasta oo talada dalka qabata

6: Inay beeshu dareen cadho leh ka muujinayso qaabka ama hanaanka ay dawladu ula dhaqantay beesha marka la eego habka saami qaybsiga golaha fulinta oo ah kan ugu heerka sareeya

8 waxaanu cambaaraynaynaa Wakaalada biyaha oobeesha kaxidhay biyihii biyaha oo ah nolosha aadamaha





XUBNAHA UGU MUHIIMSANAA EE KA SOO QAYB GALAY SHIRKA




Mudane Cabdixakiin Camuud Axmed Chairman Ahna Afhayeenka Shirka

Xildhibaan Cabdi daahir Camuud

Xildhibaan Faysal Axmed Kabadhe

Mudane Xuseen Xaashi Muuse Gudoomiyaha Qurbo joogta UK ee ayuub

Mudane Aadan Mahad Cumar Gudoomiyaha isku xidhka qurbojoogta beesha iyo ta Gudaha

Dr Maxamed Xaashi Faaraxa

Eng Axmed Xasan Yuusuf

Eng Xamse Maxamed Xasan

Dr Muuse Sheekh Muxumed (Denmark)

Colonel Xareed Maxamed Cumar

Mudane Faysal Cabdilaahi Muxumed ( Germenay)

Mudane Axmed Sugaal Gudoomiyaha Qurbo joogta Beesha ee USA

Mudane Aadan Cismaan Jaamac Gudoomiyaha Qurbo Joogta Beesha ee Canada

Mudane Xasan Cali Dalaqay Afhayeenka Beesha ee wadamada Khaliijka





GUDIGA QABAN QAABADA SHIRKA




Mudane Cumar Cabdilaahi Maadeeye

Mudane Axmed Ismaaciil Xuseen

Mudane Maxamed Xuseen (Nacnac)

Mudane C/salaam Mahad Cumar

Mudane Maxamed Axmed Cabdilaahi

Mudane C/salaan Maxamed Cumar

Mudane C/fataax Xasan Axmed

Mudane Siciid Axmed Kabadhe

Mudane Maxamed Cabdi Maxamed

Mudane Maxamed Cismaan Aadan

Mudane XasanKayd Xasan Abaar





Chairman ahna Afhayeenka Shirka

Cabdixakiin Camuud Axmed

London, UK