Baarlamaanka Ingiriiska Oo Su’aalo Somaliland Ku Saab san Lagu
Weydiiyay Wasiirul Dawlaha UK Ee Afrika
London (TNN) :--Fadhigii aqalka baarlamaanka Ingiriiska 17 Oktoobar,
ayaa waxa su’aalo k u saabsan Somaliland lagu weydiiyay wasiirul
dawlaha Afrika iyo bariga dhexe u qaabilsan was aasaradda arrimaha
dibadda Ingiriiska Md. Tobias Ellwood.
Xildhibaan Stephen Doughty oo ka
tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo aad u taageera qad diyadda
Somaliland, ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan wada hadalada
Somalil and iyo Somaliya iyo weliba shirka nabadeed ee Madaxweyne
Siilaanyo u fidiyay beelaha gobalada Sool iyo Sanaag-bari.
Su’aalaha iyo jawaabaha oo aanu
idiin soo turjunay waxa u dhignaayeen sidan
Stephen D oughty: Waxaan Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda iyo
barwaaqo sooranka weydiin lah aa, door noocee ah ayaa ay xukuumaddu
qorshaysay in ay ka qaadato, gac an ka geysas hada fududaynta dib u
bilowga wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya doorashooy inka
madaxweynaha ee bisha March 2017 kadib.?
Tobias Ellwood: Dawladu waxay ogtahay ahmiyada wada hadalka
Somaliland iyo Somaliy a oo ay hadda fududaynayso dawladda Turkigu,
waxaanan rajaynaynaa in dib loo bilaabo marka doorshada Somaliland
ee madaxtooyada iyo Baarlamanka laga gudbo, isla markaa na
geeddi-socodka doorashada Soomaaliya la qabto.
Mawqifka dwaladda Ingiriiska ee Somaliland wuxuu muddo dheer ahaa
inay u taalo Somalil and iyo Somaliya inay go’aan ka gaadhaan
mustaqbalkooda iyo inay dalalka jaarku hogga amiyaan aqoonsiga qaab
kasta oo cusub.
Stephen Doughty: Waxaan wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda iyo
barwaaqo sooranka, weydiin lahaa, maxaa qiimayn ah ee uu ku sameeyay
hawlaha dib-u-heshiisiinta ee ay dawladda Somaliland ka dhex waddo
bulshooyika gobalada Sool iyo sanaag ee Somaliland, maxaase’
taageero ah ee ay dawladdu ka gaysanaysaa gacan-qabashada
dadaalladaas.?
?Tobias Ellwood: Dawladda Ingiriisku way soo dhawaynaysaa wada
hadalka dhowaan u bilowday dawladda Somaliland iyo wakiillo ka socda
goballada bari ee Sool iyo Sanaag.
Waa hannaan ay Somalidu
hoggaaminayso oo ay Somalidu leedahay kaas oo aanu rajayn ayno inay
natiijadiisu noqoto, xal siyaasi ah oo loo dhan yahay, iyo
xasiloonida gobalka oo la xoojiyo. 16kii September, annaga oo
kaashanayna saaxiibadeena caalamiga ah, waa aanu soo saarnay war-murtiyeed
aanu madaxweynaha Somaliland ugu baaqayno in uu si degdeg ah u
dejiyo geeddi socod cad, oo waqtiyeysan oo arrintan lagaga
gungaadhayo.
Xigasho: Geeska |