Baarlamaanka iyo saxaafada Somaliland oo isku waa fa qay in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada Somaliland



Hargysa (TNN):- Mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee saxaafada Somaliland oo ay hormood ka yahay ururka SOLJA ayaa isku waafaqay in xukuumada Somaliland dhaqan galiso xeerka saxaafada Somaliland ee xeer no 27/2004 sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen shan qodob oo uu ka mid yahay in la sameeyo gudi ka kooban labada dhinac ee wakiilada iyo saxaafada gudidaas oo daba gasha dhaqan galinta iyo ka shaqaysiinta xeerkaa saxaafada ee xeer no 27/2004.

Sidaana waxaa la iskula qaatay kulan maanta ka dhacay huteelka maansoor ee maga alada hargaysa kulankaas oo uu soo diyaariyay ururka SOLJA ayna maal galisay haya da horumarinta dimuqraadiyada ee NED kulankaa waxaa kasoo qayb galay 7 xilibaan oo ka kala socday gudi hoosaadyada golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha gudida arimaha bulshada xasan cawaale caynaan iyo 23 weriye oo ka kala socday xarumaha warbaahinta Somaliland ee madaxa banana iyo ta dawladaba waxaaana kulankaa lagu lafo guray caqabadaha hortaagan xeerka saxaafada iyo sid oo kale dhibaatada suxufiyiiinta ka haysata xadhiga sharci darada ah ee kusii badana ya saxaafada Somaliland iyo sababta uu u shaqayn layahay xeerka saxaafada Somalil and iyo heshiiskii ururka SOLJA iyo xukuumada Somaliland oo ilaa heer madaxweyne gaadhsiisnayd ay ku galeen January 2012 in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada ee 27/2004 iyo arimo kale oo farabadan oo lagu falanqeeyay kulankaas kadib Waxaa kasoo baxay shan qodab oo kala ah.



1. In la sii xoojiyo xidhiidhka wada-shaqaynbeed ee Golaha Wakiilada iyo Saxaafada xorta ah

2. In la sameyo Guddi wada jir ah (joint-commitee) oo ka kooban saxaafada iyo golaha oo dabagasha ixtiraamida xoriyatal qowlka iyo dhaqan gelinta xeerka saxaafada

3. In la dhiiri galiyo dhaqangelinta xeerka saxaafada ee 27/2004 isla markaana aan lo o bahnayn in la samayo xeer saxaafadeed hor leh iyadoo aan kii hore lagu shaqayn .

4. in Golaha Wakiiladu sameeyo xafiis u gaar ah saxaafada oo ka hawl-gala isku soo dh aweynta labada dhinac

5. in ay saxaaafadu ixtiraanto kuna dhaqanto xeerka saxaafada ee 27/2004 iyo xeera sha kale ee caalamiga ah ee mihnadooda wanaajinaya
 
 



Somaliland Journalist Association (SOLJA)
Hargeisa Main Office
www.ururkasolja.org Email: soljajour@gmail.com