Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Laalay Mooshinkii Hinaasaha ahaa ee Galaydh olalaha u galay


 



Muuqdisho (TNN)-Shir Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay mo oshin uu hindisay siyaasiga kooxda Khaatumo-seeg ee Cali Khaliif Galaydh, kaasi oo uu kaga s oo horjeeday heshiiskii 7 qodob ka koobnaa ee ay 13-kii bishan Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay ku kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad, ayaa maanta sidaasi ka sheegay hadal uu u jeediyay fadhi ay Muqdisho ku yeesheen baarlamaan ku, waxaanu tilmaamay in mooshinkii uu horseedka ka ahaa Cali Khaliif Galaydh uu yahay mid aan waafaqsanayn sharciyada golahoodu ku shaqeeyo iyo xeer hoosaadka baarlamaanka midna.
Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu ku dooday in dawlada Soomaaliya ay xaga dublamaasiyada iyo heshiisyada ku meteli karto dalkooda Soomaaliya.

“Xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay waxaan ku leeyahay mooshinkan ma aha mid sharci ga waafaqsan,”ayuu yidhi Mahad Cabdalle Cawad, siday faafisay shabakada Hiiraan oo aanu warkan ka soo xiganay.

waxaanu intaasi ku daray “Sidaa daraadeed loogama hadlayo shirka baarlamaanka arrintaas, balse waxaad xaq u leedihiin inaad u yeedhataan qaar ka mid ah xubnihii ka qayb galay si aad su’aalo u weydiisaan.”


Mooshinkan baarlamaanka Soomaaliya laalay waa waji-gabax kale oo soo waajahay Cali Khaliif Galaydh oo ka hinaasay in Somaliland iyo Soomaaliya u wada hadlaan sidii laba dawladood oo jaar ah.
 

 


Cumar Maxamed Faarax