Baarlamanka
Somaliya oo laga yaabo in dib loogu
raro magaalada Nairobi.
Waxaa la isla dhexmaraya warar ku aadan in laga yaabo Baarlamanka
Somaliya dib in loogu raro magaalada Nairobi oo markii la aasaasay
ay xarun u aheyd,kadib markii arinkaasi ay soo bandhigtay xukuumadda
Kenya.
Sii hayaha xilka madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh
Aadan Madoobe oo socdaal ku maraya magaalada Nairobi ayay
arrimahaasi kala hadleen madaxda dalka Kenya,inkastoo aanan wax meel
la isla dhigin.
Dawladda kenya oo ka cudur daaratay in ay ciidamo usoo dirto dalka
Somaliya ayaa dooneysa in ay ku qanciso dawladda Federaalka oo
iyaduba mashaakilkeeda heysto inay u tababarto ciidamo halka
Baarlamanka hadi looga baqaayo Baydhabo ay Nairobi ku marti
galinayan.
Ma jiraan wali wax warcelin ah oo dhanka Somalida kasoo baxay kuna
aadan in Baarlamanka Somaliya hadii uu ku shaqeyn kari waayo
Baydhabo dib loogu raro magaalada Nairobi,waxaana taasi looga
baqayaa marka ay ka baxaan dalka Ciidamada Itoobiyaanku ee iyagu aan
muuqan in ay baxaayan.
Markacadey.net
|