Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Gabiley Oo Kullan La Qaatey Dhamaan Maayarada Degmooyinka Gobolka Oo Ay Weheliyaan Dhamaan Shaqaalaha Laamaha Kala Duwan Ee Wasaaradaha Gobolka.



Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley badhasaabku xigeenka gobolka gabiley cali cabdi c/laahi(cali-case).......... Daawo Sawiradda


Gabiley (TNN):- Badhasaabka cusub ee gobolka gabiley yuusuf ibaarim Geedi iyo badhasaab ku xigeenkiis cali cabdi c/laahi (cali-case, ayaa Maanta kulan la qaatey dhamaan shaqaala weynaha laamaha kala Duwan ee dawlada, oo ay weheliyaan maayerada degmooyinka, ayaa lagu qabtey xafiiska badhasaabka gobolka Gabiley,

Kulnkaasi oo ay qabgaleen Maayerka Magaalada Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, Maayerka Degmada Wajaale xaashi Maxamuud cabdi , maayerkuxigeenka Degmada Arabsiyo ,maayerka Degmada Geed balaadh cabdi dhiif, maayerka Degmada Alley badey Axmed awciise maxamuud, ujeedada kulankaaasi oo ahaa isbarasho iyo dardar galinta hawlaha shaqo ee gobolka,dhiiirigalinta shaqaalaha dawlada,Markiikulankaasi la furey waxa saxaafada la Hadley masuuliyiinta heer degmo iyo heer gobol.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley badhasaabku xigeenka gobolka gabiley cali cabdi c/laahi(cali-case), waxaanu ka warbixyey ujeedad kulankani, waxaanu ka dhawaajiyey inay kormeer ay ku samayney doonaan dhamaan laamaha dawlada, waxaanka codsadey inay kasheqeeyaan maamulka gobolka si ay shaqada qaranku u fududaato
Waxa kale oo halkaasi ka Hadley duq degmada gabiley shucayb maxamed muuse, oo ku hadlayey afka maayarada
degmooyinka,waxaanu faahfaahinka bixiyey waxqabadkii ay golaha deegaanka cusubi ,qabteen mudadii ay hayeen xilka hayeen, waxaanu maayerka kadhawaajiyey inay jiraan masuuliyiin ama haayado amar la,aan gobolka soo gala waxaanu yidhi “ runtii maanta kulankeenai waa kulan muhiim ah, waa madaxweyneheenii gobolka, waan isbarsho iyo isla jaan qaadida hawlaha shaqo ah ,gudoomiyaha gobolkana waanu soo dhaweyneynaa hadii aanu nahay maayeradii degmooyinka ,waxaanu kabsiinaa ciidanka booliska gobolka gabiley, jaamacada gabiley, gudoomiye labadaadii gacmood ayaanu nahay marwalba diyaar baanu kuu nahay “ ayuu yidhi maayerka magaalada gabiley

Taliyaha qaybta gobolka gailey saleebaan ubaxleh(dhago-cade), waxaanu cod dheer ku sheegay inay gacan buuxda ku hayaan amaanka gobolka gabiley,waxaanu Taliyuhu amaan u jeedidiyey maayerada degmooyinka oo uu sheegay inay wada shaqyna wanaagsani ka dhaxayso,ciidanka booliska ay gacan buuxda siiyaan wixii baahiya ee ay u baahan yihiin.
I
Gabogabadii waxaa halkaasi ka Hadley badhasaabka cusub ee gobolka gabiley yuusuf ibraahin Geedi , waxaanu ka dhawaajiyey inay sameyndoonaa kalfadhiyo joogta ah oo bishiiba halmar ah, waxaanu badhasaabku kula dardaarmey maasuuliyiintii ka soo qayb galey inay dhaqaalaha gabiley ay leedahay uu ka muuqdo waxqbad wanaagsan waxaan hadaladiisii ka mid ahaa “ kulankeen manta waxa uu yahay isbarasho iyo dardar galin hawlaha qaranka, waxaynu xoog saari doonaa dhinacyada beeraha , waxbarashada iyo caafimaadka, waxaynu yeelandoonaa bishii halkal fadhi o aynu ku falaqayn doona waxqabkii la qabtey, dhinac degmooyinka sadexdii biloodba xisaab xidhkii ayaa laga doonayaa , waxaan baaq u dirayaa saraakiil iyo masuuliyiinta dawlada ee iska soo galaya gobolka inay soo ogaysiiyaan, oo ayna amar la,aan soo galin waayo amaankooda anaga ayaa ka masuul” ayuu yidhi badhasaabka gobolka gabiley

Kulankani maanta ayaa ahaa kulanki u horeeyey ee badhasabka gobolka gabiley layeesho masuuliy iinta dawlada iyo maayerada degmooyinka, sikastaba ha ahaatee kulankii amaanta ayaa lagu falaqe eyey horumarka gobolka gabiley iyo kor u qaadida bilicda magaalada gabiley
 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland