Badhasaabka Cusub ee Gobolka Maroodijeex oo maanta Xilkii kala wareegay Guddoomiyihii hore


 

 


Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha guddaha Somaliland Md Cismaan Garaad Soofe ..........


Hargeysa (TNN)-Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha guddaha Somaliland Md Cismaan Ga raad Soofe ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyay guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-je ex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Xaaji jeenya yare}.

Xaflada ay labada guddoomiye xilalka kula kala wareegayeen oo lagu qabtay xarunta wasaa radda arrimaha guddaha ee magaalada Hargaysa, wax aka soo qayb galay Wasiir ku xigeen ka wasaarada Arrimaha guddaha, labada masuul ee xilalka la kala wareegayay, xoghaya gob olka maroodijeex, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha guddaha, saraakiil ka tirsan ci idamada booliska, salaadiin, cuqaal iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha guddaha Somaliland Md Cismaan Garaad Soofe, oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in munaasibada ay labadan masuul xilalka kula ka la wareegayaan in ay tahay mid ku cusub Somaliland isaga oo tilmaamay in aanay hore mun aasibad noocan oo kale ah soo marin Somaliland isla markaana ay noqonayso markii u horay say oo badhasaab hore u shaqaynayay uu badhasaab kale oo isna hore u shaqaynayay xilka kala wareego.

“waa markii u horaysay ee aanau munaasibad noocan oo kale ah ka soo qayb galno, waayo xil wareejimihii hore u dhici jiray waxay ahaayeen iyada oo masuul cusub oo la soo magacaa bay uu xilka kala wareegayo masuul hore oo xilkii laga qaaday ama la eryay, laakiin tani waa mid inagu cusub oo ay xilalka kula kala wareegayaan badhasaab hore oo gobol laga soo bed elay oo wasaaradda arrimaha hore ula soo shaqaynayay iyo masuul kale oo isna sidaas oo kale ula soo shaqeeyay wasaaradda’ ayuu yidhi Md Garaad.

Md Cismaan Garaad Soofe, ayaa sidoo kale madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo} ku amaanay isku shaandhayntii uu ku sameeyay badhasaabada dalka, taasi oo uu ku tilmaamay talaabo dawladnimo ooh ore loo qaaday isla markaana ay arrintani meesha ka saarayso qabyaaladii meeshana ay ka saartay nin jeclaysigii.

guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (xamarje} oo had al ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilka ku wareeji yo masuul hore badhasaab uga soo ahaa gobol kale isla markaana aqoon iyo waaya aragni mo u leh xilka uu la wareegayo.

Waxa kale oo uu Md Xamarje ugu duceeyay masuulka cusub in uu Alle xilkaasi iyo masuuliya da uu qaadya u fudueeyo isaga oo shacbka ku nool gobolka Maroodijeexna ugu baaqay in ay sidii ay isaga ula shaqayn jireen iyo si ka sii fiican ula shaqeeyaan masuulka cusub ee loo soo magacaabay.

guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Xaaji jeenya yare} oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa u soo jeediyay shacabka ku dhaqan gobolka Maro odijeex iyo caasimada Haragysa in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan, waxaanu tilmaamay in uu si wanaasgan oo la mid ah sidii uu badhasaabkii hore ula shaqayn jiray iyo si ka sii wana gsan ula shaqayn doono dhamaanba masuuliyiinta ay wada shaqayntu ka dhaxayso.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland