Badhasaabka Gobalka Berbera Waxaan ugu Baaqay in uu Faraha kala baxo Jamacada University
 

 


 

Waxaynu ka warqabnaa in jaamacada badani ka hana qaadeen, guud ahaan, intabadan ee gobolada jam huuriyada Somaliland intii dalka lagu jiray, kuwaasi oo hirgalintooda ay si wada jir ah ay iskaga kaashade en Dawlada Jamhuriyada Somaliland iyo Jaaliyadaha ka soo jeeda deegaamada ay ka hawl galaan jaama cadahani .Tusaale ahaan, jaamacada Camuud oo ahayd jaamacadii ugu horaysay ee laga hirgaliyey dalka sanadii 1997,waxaa aas aaskeeda si wada jir ah iskaga kaashaday aqoonyahayka iyo jaaliyada dibada e e gobolka awdal kuwiiyoo kaashanaya, gacan weyna ka helay( Allah ha u naxariistee) Dawladii Marxuun Maxamed Xaaji Ibrahin Egal.

Sidoo kale, Aqoonyahayka, iyo Jaaliyada Dibada ee Gobalada Maroodi Jeex, Togdheer iyo Erigavo kuwii yoo kaashanaya Dawlada Jamhuuriyada Somaliland ayaa iyana ku guulaysteen inay ka hir galiyaan Jaa macado wax weyn ka taray Baahiyaha waxbarasho ee deegaamadaas kor ku xusan . Waxaa si gaar ah, xusid u mudan in dawladihii kala dambeeyay ee jamhuuriyadani Somaliland ay si hagar la’aan ah muruq, maal iyo maskaxba ugu hureen jaamacadahani kor ku xusan, kab miisaaniyad rasmi ahna ay ku leeyihiin dawlada dhexe .

Si kastaba ha ahaatee, hadii aan u dhaadhaco ujeedada maqaalkaygan; inaga oo ka warqabna in horum arka gobal kastaa ama wadan kastaa uu ku xidhan yahay heerka aqoonta dhalinta ku dhaqan, hadanna waxaa nasiib daro ah in Gobalka Sahil oo ah isha dhaqaalaha Somaliland, aad uga dhacay waxbararsho ahaan gobolada kale ee dalka, mudo dheerna aanu helin waxbarasho heer jaamacadeed ah oo ay baahi weyn u qabaan guud ahaanba dadka ku dhaqan gobolka, khaasatan da’yarta sanad kasta ka soo qalin jabisa dugsiyada sare ee ka jira gobalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid weyn mudan marwo Faadumo Saciid Ibrahim, oo ah hormoodka shak hsiyaadka tirada yare ee aadka u firfircoon, ee sida hagar la’aanta ah uga hawl gala guud ahaanba arim aha horumarinta dalka, khaasatana Gobalka Saxil, ay si weyn uga hawl gashay hirgalinta jaamacad dabo osha baahiyaha tacliinta sare ee gobalka . Marwo Faadumo waxaa ku dhashay fikirka jaamacadani 2004. Mudo yar ka dib waxay ku gulaysatay inay ka shaqaysiiso fikradani oo ay u badasho ficil. Bilawgii Jaamac ada waxay si ku meel gaadh ah u isticmaalayeen dhismeyaal ay dawladu leedahay oo ay ugu deeqeen qa ar ka tirsan madaxdii Gobalka Saxil ee maamulkii dhacay. Inkasta oo ay jiraan baahiyo badan oo ku gada aman jaamacadan dhaqaale ahaan, hadana mamulka jamacadu oo ay hor kacayso marwo Fadumo Siciid waxa ay ku guulaysteen in ay dhisme gaar ah u dhisaan jaamacada, 2008.Wakhtigaas oo Marwo Faadum o Siciid ugu kicitintay wadamo ka tirsan Euro iyo America ,soo ururinta Qaadhaan lagu maal galiyo dhism aha ay jaamacadu ku jirto hada , dawladuna siisa dhulka. Waxa xusid mudan in Maamulka Jaamacadu ku guulaysatay in ay macalimiin ajaanib ah keenan jaamacada, bixayaana guud ahaanba kharshka ku baxay keenistooda iyo mushaharaadka ay hada ku shaqaynayeen macalimiintaasi si ay ardaydu u helaan aqoo n tayo leh. Dhanka kale, waxaa jirtay gunno kooban oo ay wasaarada waxbashada iyo mamulka gobalka Saxil wakhtigii (Allah ha u naxariiste ) marxuun Maxamed Daud, maayarkii hore ee Berbera ay siin jireen jaamacada, balse nasiib daro hada dawlada cusubigoosatay.

Hadaba waxaa wax aad looga yax yaxo ah, sharcigana baal marsan in Badhasaabka Gobalka Saxil Maxam uud Ali Saleeban (Ramaax) , uu kulo kaco fara galin qawan Jaamacadan duruufaha intaa leeg ku gadaam an yihiin. Waxaa uu maalintii Adaxii ee 17/04/2011 , dul keenay kuliyada ciddan tiro badan oo arga gax galiyey ardaydii iyo macalimiintii , oo ku guda jira haw lahoodi waxbarasho, islamarkana shir jaraa’id ku sheegay in uu maamulkii jamacada ee marwo Fadumo Hormoodka u ahayd kala diray.

Hadaba,  waxaa arin mucjisa ku noqotay guud ahaanba dadka degan gobalka saxil, su’aalo badana mask axdooda kaga tagtay halka uu ka keenay awooda intaa leeg ee uu ku sheegtay in uu kala diray Boardkii Jaamacada geed iyo geed dheerba u koray hirgalinteeda, maadama oo aanu isaga iyo badhasaab ka hor eeyaytoona magacaabin. Dadka qarkood waxay is waydiinaya Tolow ma waxa uu hunguri ka galay dhaq aale la sheegay in hayado reer galbeed ahi ku kaabayaan jaamacada dhawaan?

Hadaba , su’aalahan iyo qaar kale oo badanba waxaa dadku jawaabtooda ka sugayaan Badhasaabka Go balka Mudane Mahamed Ali Saleebaan (Ramaax). Guntii iyo Gababadiina waxaan u soo jeedinaya Badhas aabka gobolka in u faraha kala baxo hawlaha Jaamacaddan. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaya wax garad ka, dhalinyada iyo Aqoon yahanka gobalkaba inay ka hadlaan arintan. Ugu dambayntii waxaan ugu baaq ayaa madaxweynaha iyo madaxda gobalkuba in aanay faraha ka laban arintan ee ay sida ugu dhakhsah a badan uguna suurta galsan uga bad baadiyaan jaamacada burburka horta leh ee uu horseedka ka yah ay Badhasaabka Gobalku.


 

 

 

 

Pro: Cali Diiriye Ahmed
Maalintacab@hotmail.com
Hargeisa