Badhasaabka gobalka iyo guddoomiyaha golaha deeg aanka ee Gabiley waxay gobalka ka hirg aliyeen horumar weyn muddo kooban gudeheed

 

Gobalka Gabilay waa gobal lafdhabar u ah dalkan Somaliland, maadama Gabilay yahay gobal hodana oo caan ku ah waxsoosaarka beeraha,. Waana gobalka ay ku taalo  xaru nta ganacsi ee ugu weyn geeska Africa, maanta magaalada Wajaale waxay tahay  Suu qa dhaqaale oo kulmiya dhamaan qoomiyadaha geeska oo dhan. sidoo kale Gabilay waa halka ayka soo jeedaan ganacsatada Somaliland intooda badan ee cashuurta ay  bixiy aan uu ku dhisan yahay dhaqaalaha dalku. Hadaba iyadoo Gabilay buuxisay shuruudihii gobalnimo dhaqaale iyo tirada dadweynahaba hadana baadigoobka gobalnimo wuxuu ku qaatay wakhti dheer.

Madaxweynaha ayaa Gabilay u magacaabay gobal hal sano ka hor. Waxa badhasaabka gobalka noqday Mr Maxamed Axmed Aw Cabdi wuxuuna markiiba dardargaliyey  hawli hii gobalka, wuxuu iskugu yeedhay ganacsatada iyo waxgarad kale waxana la  yaglee lay urur horumarineed oo ka shaqeeya adeega bulshada sida waxbarashada iyo  caaf maadka. Wuxuu badhasaabku isla markii uu xilka qabtay safar ku tagay dalal yurub ka tirsan si uu qurbo jooga reer Gabilay ula kulmo oo looga tashado sidii layskaga kaashan lahaa horumarinta gobalka oo ugu horeeyaan dhisida jaamaca Timmacade iyo  dhama ystirka iyo ballaarinta cusbitaalka Gabilay si uu u haqabtiro baahida caafmaad ee  gob alka. Wuxuu kale oo maamulka gabilay dajiyey qorshe fiican oo in dugsigii sarre ee  Tim macade jaamacada halka laga dhigayo, iyadoo ay dhismihiisina dugsiga sare oo  cusu bna ay bilaabeen.Inay Gabilay jamacad yeelato waa guul taariikhiya oo Gabilay u soo hoyatay loona baahan yahay in qofkasta oo reer Gabilayii ka qeyb qaato.

Waxa kale oo ah guul ay ku farxeen reer Gabilay meelkasta oo ay joogaanba soo  afja ridii khilaafkii golaha deegaanka ee Gabilay. Dhamaan xubnihii lama huraanka ahaa ee jecel horumarinta gobalka waxay taageeradooda la dhinac taagan yihiin  guddoomi yaha golaha deegaanka ee Gabilay Mr Aadan Muxumed Badde oo ah nin waxgarada oo doonaya in Gabilay horumar buuxa ku talaabsato.Wuxuu Badde muda yar ee xilka  hay ey qabtay waxqabad la taaanban karo sida laamiga dheer ee isku xidha Gabilay iyo Qalax.


Badhasaabka iyo guddoomiyaha golaha deeganku wuxuu qofkast oo reer Gabilayii u  qi rayaa hawshii geesinimada lahayd ee ay gobalka ka fuliyeen diwaan galintii dadka ee Somaliland, iyadoo badhasaabka iyo duqu dadka si fiican u abaabuleen tiradii dadka ee Gabilayna muujiyeen. Diwaan galintu muhiib bay ahayd waayo gobalkastaa tirada  dad kii sa ayuu wax ku helayaa haday noqoto dhinac horumarka iyo miisaanka  siyaasa da ee gobaladu ku kala yeelanayaan dowlada dhexe.


Hadaba badhasaabka iyo guddoomyaha golaha deegaanku waa hawl qiimo badan  bar maanishkan siyaadadeed ee ay wadaan ee ku salaysan iskaa wax u qabsada si uu  gob alku u gaadho horumarka uu hiigsanayo mustaqbalka dhow. Waxaanu idiin  rajeynay naa inaad dadaalkiina halkaa ka sii wadaan, ma jiro wax ka fiican dadkaaga iyo  dhulk aaga oo aad u qabato wax dhaxalgala, waxaad tusaale fiican u tihiin da yarta dhigata dugsiyada oo raaci doona wadadiinaa wanaagsan , watii maahmaah soomaliyeed ahayd, awrka danbe awrkii hore socodkiisuu leeyahay.


Hadaba ugu danbayntii, waxaan ganacsatada iyo qurbo jooga Gabilay u soo jeedinayaa inay garab iyo taageero siiyaan labadan masuul ee u guntaday horumarinta gobalka.

 

 

 

 

Muktaar Ibraahin Fadan
Gabilay8@yahoo.com