Badhasaabkii Cusbaa ee Gobolka Gabiley oo Maanta Xilkii Si Rasmi ah Ula Wareegay.

 



"Haddii aan kaftan raaciyo, Seemaal uunbaa isaamaysay,bedelkayguna waa bedel farsamo..." Badhasaabkii hore ..................Daawo Sawiradda

 


Gabiley (TNN):- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Xuseen Cigeh iyo Agaasimaha Waaxda Gobolada iyo Degmooyinka ayaa maanta kasoo qayb galay xafl ad ay xilka kula kala wareegayeen Badhasaabkii hore ee gobolka Gabiley ee xilka laga qaaday Cali Aw Aadan Meecaad iyo badhasaabka cusub ee loo soo magacaabay Xuseen Cumar Magan oo lagu qabtay hoolka shirarka Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley.

Munaasibadaasi xilalka lagula kala wareegayay ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay, Badhas aab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case), maayarada Degmooyinka G obolka Gabiley, Culamaaudiin, Salaadiin, Cuqaal, Xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley, iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badnayd.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Xuseen Cigeh oo munaa sibadaasi hadal kasoo jeediyay ayaa Badhasaabkii hore ee xilka ka dagay ku amaanay inuu oday ka shaqeeyay gobolka oo uu dadka mideeyay mudadii uu joogay, isagoo ka cusubna u sheegay in loosoo magacaabay gobol dadkiisu midaysan yahay nuu horumarka halkaasi kasii wado.

Agaasimuhu wuxuu ka waramay khudbadii madaxwaynuhu ka hor jeediyay golayaasha baar lamaanka isagoo xusay in madaxwaynuhu shalay balan qaaday inuu ka shaqaynayo amniga dalka iyo dufaaciisa, isagoo sheegay in amarkii madaxwaynuhu shalay bixiyay ay ka dhabeey een Ciidanka qaranka Somaliland oo ay maantaba haystaan Buuhoodle iyo meel kale oo faro badan.

Badhasaabka Cusub ee dhawaan loo soo magacaabay gobolka Gabiley ayaa isaguna dadway naha reer Gabiley, reer Somaliland iyo gobolada jaarka ahba u sheegay inay xilkaasi loosoo magacaabay uu wada saaran yahay inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan, wixii nabad gal yada waxyeelayana dhinac ugasoo wada jeestaan.

Badhasaabka Cusub waxaa uu halkaasi uga duceeyay dadkii ku nafwaayay waxyeeladii ka dha cday deegaanka Seemaal isagoo sheegay inuu si fiican uga hawl gali doono, labada beelood ee khilaafka ka dhexeeyaana ay yihiin hooyadii iyo aabihii.


Badhasaabka xilka wareejinayay Cali Aw Aadan Meecaad oo munaasibadaasi hadal dheer ka jeediyay ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay isagoo uga mahad na qay shacabka reer Gabiley sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen intii uu xilka badhasaabn imada gobolka Gabiley hayay.

Cali Aw Aadan Meecaad ayaa waxaa kale oo uu sheegay in bedelka shaqaalaha dawladu uu ka mid yahay sunaha dawladnimada isagoo sheegay in badalkiisa ay saamaysay arinta shaqaaqa da Seemaal sidoo kalena uu ku tilmaamay inuu badalkiisu yahay badal farsamo oo ay xukuum adu xal u aragtay, isagoo ka cusubna Illaahay uga baryay inuu xilka ku asturo dadkana ku boo riyay inay la shaqeeyaan.

Cali Aw Aadan Meecaad oo halkaasi ka sheegay kalmado kaftan ah oo uu ku sheegayo waxya abaha sababay in xilka laga qaado ayaa waxaa uu yidhi “Waxaan leeyahay Bedelka shaqaala ha Dawlada la Badalaa waxay ka mid tahay shaqada Qaranka. Wax badan baan soo shaqayn ayay. Waxbadanbaa la i badalay min Kismaayo ilaa Berbera waan soo maray. Haddii aan kaft an raaciyo, Seemaal uunbaa isaamaysay. Bedelkayguna waa bedel farsamo. Markaa dawladu xalbay u aragtay waanan ku hambalyaynayaa.”

Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen badhasaabka maanta xilka waraajinaya isagoo halkaasi ka balanqaaday inay ka cusubna sidii hore iyo si ka wanaagsan ulasii shaqayn doonaan.

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa hambalyeeyay gudoomiyi hii hore ee gobolka isagoo sheegay inaanay ilaabi doono sidii wanaagsanayd ee uu umada iyo dalkaba uga shaqeeyay, isagoo ka cusubna ugu duceeyay in illaahay ku asturay xilka culus ee loo igmaday.


Badhasaabkan cusub ee loo soo magacaabay gobolka Gabiley ayaa noqonaya Badhasaabkii Afraad ee soo mara tan iyo intii Gabiley loo magacaabay Gobolnimada, kaasi oo ka dhigaya tirada badhasaabyada Gabiley loo soo magacaabo kii sadexaad intii ay xukuumada Kulmiye ka talinaysay gobolka Gabiley.


Timacade News Desk
Gabiley Somaliland