Baliga Diiriye Guuleed

 


BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
WASALI WASALIM WA BAARIK CALAA MUXAMADIL AMIIN, WA AALIHII WA SAXBIHII .


Islaamka waxa astaamahooda ka mid ah in uu xor yahey xoriyadaas oo ku xadaysa n tilmaamaha RABBI & Sunaha Rasuulka SCW, ma jirto RABBI mooyee cid Adoon loo noqdaa, xigmada balaadhan & Mucjisooyinka ALLEH SWTC ku cadeeyay Qur’aanka maaha kuwo dheel dheel ah, waana kuwo ay ku dhantahey nolosha kownkan & ta aakhiroba, Raxmada EEBE ayuun baana lagaga baxsan karaaa imtixaanka dunidan aynu manta ku noolahey, EEBE SWTC waxaan ka baryayaa inuu Ina Waafajiyo Rabit aankiisa & Raali ahaanshihiisa.

RABBI SWTC wuxuu ku yidhi Qur’aankiisa Kariimka ah, ( hadii ay is dilaan laba koox ood oo Muuminiinta ka mid ahi, Samo & Islaax ku Dhex gala walaaladiin, hadey midi ka gacan taagato samaha, isugu taga. Intey uga hogaansameyso amarka EEBE SW TC, hadey ka soo noqoto, samo ku dhex gala walaaladiin, Garnaqa ILAAHEY wuu Jec elyahey kuwa Garnaqa’e) Rasuulkuna SCW wuxuu Yidhi Walaalkaa u Hiili Haduu Gar leeyahey & Haduu gar daran yaheyba. Waxey saxaabadii Su’aaleen Haduu gar leey ahey garanaye, markuu gardaran yahey sidaanu ugu hiilineynaa, wuxuu ugu jawaa bey SCW ka qabo gardarada taas ayaa hiil ahe. RABBI SWTC waxa uu Qur’aankiisa Kariimka ah ku Tilmaamey In (Ummatul Maxamed ay tahey Ummad laga soo dhex sa aro dadka Tii ugu kheyrka badneyd, waxaana ay ku noqotey, Wanaaga oo ay is far to & xumaanta oo ay iska qabato & ILLAAHEY oo ay Rumeeyaan,) ma jirto nimco ka weyn oo Aaadmigu hantiyi karo xigmada ku jirta mimcadan waxey mudan tahey ineynu ku xamdi naqno. RABBI SWTC waxa uu sidoo kale ina faray oo ah qaaciido islaami ah Sida uu qawlkiisa Sharaf ka leh ku sheegay ( Isu Kaashada wanaaga & Cabsida EEBE, Hana isu kaashanina Danbi & Cadaawad). Rasuulkuna SCW wuxuu yidhi Fidmadu wey hurudaa Nacdali korkiisa ha ahaato cida toosisa.


Shaqaaqada ka dhacdey Deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ee Duleeedka Magaalada Burco, waxaan arkaayey maalmahanba in badan oo hadalo xajiin leh oo is laanqere ynaya, isku marinayey warbaahinta maxaliga ah & ta caalamiga ahba, hadaladaas oo halaag & khaatumo seeg waxaan aheyn laga dheefayn, nin abwaan ah ayaa ga bey ku yidhi “ Tan oo kale cayaar lagama deyo calama saarkeed, waa caloolo wada daadsan & Caanahoo geba, Cirsan yeedh nimuu taabtey & Caalim ma hakado, Caw kuma hurdeen Ruux metela Caydan Reeraha, Cawa dhaladna maantuu lahaa kama Carceereen, Cimri kugu sin bey noqotey & aayadaa Culus,” waa ayaan darro rag salaadiin ah, siyaasiyiin ah, qoorweyntii Ummada ah in ay hadalo duur xul u ah kala irdhoow & tafaraaruq shaqaaqadan ku sii biiriyaan, Burcona waxey maanta tabey saa ALLEH ha u naxariistee Suldaan Diiriye, Ina Sanweyne, Xaaji Faarax Suusle, Xa aji Xassan Geele & Sheekh Cismaan Nuur, ragaas oo dhamaantood ahaa rag horse d u ahaa Diinta, Nabada, Darisnimada, wada noolaansha, & Islaaxa Reer Togdheer, waxa maanta wax laga tiraanyoodo ah Dhiilada taala, & dheg xumada Dhaantada laga dhex tumanayo, waxaan Nafteyda & tiinaba ka waaninayaa, in aaney dhaxal xumeysan tacabkii & dhaxalkii ay ka tageen ragaa hore & kuwii u dhul galey halgan kii dhamacda ahaa, cadho ALLEH & Cadaabkiisana aan gacmaha loo hoorsan, waxa haboon in looga beydho wanaag, & Samo loo wada jiro.

Soomaaliland manta cadaw badan ayey leedahey, Soomaaliduna waxey ku Maahma ahdaa Canqowga Isku Dhufte Isagaa U Dhutiya, waxa la Yidhi Shisheeye Waa ayo & waa ninka Noloshaada Neceb, ha ka dayin nin kaa hayb ahi uun inuu Cadawgaaga yahey nin kasta mindida dileysaa gurigiisa ayuun bey taalaa ee dib ha la isugu noq do, Waxaan ILLAAHEY SWTC ka rajeynayaa inuu dhibtaa innaga soo af jaro xalkeee dana inna waafajiyo, RABBI u noqda, Xaabadana yaan la sii saarin, dhibaatada taa la, Iyadoo RABBI SWTC loo talo Saaranayo ha laga shaqeeyo xalka arrintani ku sa maaneyso oo kaliya, wixii qalin daaraya samaheedana ha laga ilaaliyo, Abaar Xoola ad waa laga ladnaadaa Abaar Dadse Illahey ha innaga hayo.

Waxaan ereyo kooban u jeedinayaa labada beelood ee walaalaha ah waxaan leey ahey la isuma kiin dhaamo, nimaan idiin fureynin yuu idiin rarin.
Xukuumadana waxaan leeyahey, Nina Kali ahaantii Daleel Guusha kama helo, Dadk aa Geesi lagu yahey, Karaamada & masuuliyada aynu sidno dadkaas ayaa iska leh RABBI SWTC ha Inna garansiiyo Xilka & Waajibaadka Innaga saran Ummadan, wax aana jira RABBI daalacanaya oo aan waxba ka gedman oo la socda sida aynu u gud aneyno waajibka & Masuuliyada ina saran , taariikhduna wey sunti doontaa maal maha go’an ninba wuxuu ka geysto, waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa tixihii Abwaankii yidhi:

Dhimo oo ha noolaan
Ka wax noo dhimaayoow
Dhereg oo ha liicin
Ninka dhaqanka fuliyoow


WA BILLAAHI TAWFIIQ


Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Golaha Wakiilada J Soomaaliland
Hargeysa.