Bandhig Suugaaneed Loogu Magac daray Habeen kii Hargeysa iyo Walaalaha Hurre iyo Hadraawi oo Xalay lagu Qabtay Hotel Emperial

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News) Xaflad Balaadhan oo Si heersare ah loo Soo Agaasimay oo loogu Magac daray Habeenka Hargeysa ee Hadraawi iyo Hurre, ayaa Xalay lagu qabtay Huteel Imperial ee Caasimada Hargeysa. Xafladan oo ahayd mid ay si wayn u soo agaasimeen Ururka Hidaha iyo Dhaqanka ah ee Gudgude Form waxaanay ahayd habeen si gaar ah loogu dabaal dagayay Suugaanta iyo Taariikhda labada Abwaan ee Cismaan Ibraahim Warsame(Hurre) iyo Maxamed Ibrahim Warasame(Hadraawi)

Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen masuulyiin ay ka mid yihiin Madaxa Shirkada Dahabshiil C/rashiid Dahabshiil, Madaxa xidhiidhka Dadwaynaha Shirkada Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac( Xasan Xiis) Xildhibaano ka socday Golaha Wakiilada Somaliland, Marwo Faadumo Saciid Ibrahim, Abwaan Axmed Aw Geedi, Boobe Yuusuf Ducaale iyo Dhallinyar aad u tiro badan oo Isugu jiray Wiilal Iyo Gabdho.

Xafladan oo ahayd mid aad iyo aad ay ula dhaceen dhammaanba ka soo qayb galayaashii ayaa waxa lagu soo bandhigay oo labadaasi Abwaan ay ka sheekeeyeen qaar ka mid ah Maansooyinkoodii waqtiga ay sameeyeen iyo Sababta ay u sameeyeen.

Gudoomiyaha Ururka Gudgude Farduus Siciid Dirir oo Hadal kooban halkaasi ka jeedisay ayaa ka warantahay Ujeedooyinka Ururka Gudgude oo Isagu Soo Qabanqaabiyay Xaflada, Waxaana ay Tilmaantahay in ururkani uu ka mid yahay Ururada Hidaha iyo Dhaqanka, Suugaanta Somaliland, waxaanay Mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Shirka Dahabshiil oo ka caawisay Kharashkii ku baxay Xaflada,



Farduus Dirir waxa ay Sheegtay in ay Bandhigyo Noocan oo kale ah ku soo bandhigi Doonaan Hargeisa, Tartano Dhinaca Suugaanta ahna ku Qaban Doonaan, iyada oo Xustay in Canbaro ay ka maqnayd Cawayskaasi oo Dadku aad u Xiisaynayeen Ciyaarihii iyo Maansooyinkii ay iswaydaarsadeen Hurre walanwal, balse ay sheegay in Hurre iyo walalkii ay Caawa Madashan ka muuqdaan.



Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Ucid Dr.Maxamed Rashiid Sh.Xasan oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa Mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Ururka Dhalinyarada ah ee Soo Qabanqaabiyay Xafladaasi qiimaha badnayd, Mr.Maxamed Rashiid waxa uu ku soo dhaweeyay Cawayskan Walaalaha ilma walanwal, Isaga oo xusay inuu Maanta Sito mid ka mid ah Shaadhadhkiisa badan oo uu ku hadlayo kii Dhaqanka iyo Dhalinyaradda, Siyaasaduna ka reebantahay.


Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin(Dheeraad) oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay Taariikh Nololeedka Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame oo loo yaqaan Hurre Walanwal. Waxaanu sheegay in uu Abwaanku ku dhashay Magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar. Waxa kale oo uu tilmaamay in Abwaanka imika ay da’diisu tahay 63 jir oo uu dhashay Dayrtii Hayaan dheer. Abwaan Axmed Aw Geedi waxa uu sheegay in abwaanku tiriyay Suugaan aad iyo aad u tiro badan isla markaana uu ka soo ciyaaray goobo aad u kala duwan.

Abwaan Cismaan Ibrahim Warsame(Hurre) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa aad iyo aad ugu mahadnaqay Shirkada Wadaniga ah ee Dahabshiil oo uu sheegay in ay Ummada u qabato adeegyo aad u wanaagsan. Waxa uu Abwaan Hurre sheegay in uu inta badan isagu ku Noolaa Dhulka baadiyaha ah taasina ay keentay in aan Magaciisa la baran muuqiisana la arag. Waxa kale oo uu tilmaamay in uu Reer Baadiye-nimada uu ku faano oo uu ku xaragoodo. Waxa uu Abwaanku aad uga sheekeeyay qisadii dhex martay isaga iyo Canbaro. Waxaanu xusay in ay jireen Dad kale oo tiro badan oo ciyaartaasi ka qayb qaatay hasa ahaatee, ay inta badan Dadku ay xasuustaan Labadooda. mar hadii aanay Dadku waqtigaasi waxba qori jirin aanay taasi suurto galin-buu yidhi, in la wada xasuusto Suugaantii halkaasi laga tiriyay.

Cismaan Ibraahim Warsame(Hurre) waxa uu Ka soo qayb galayaashii uu halkaasi ugu akhriyay laba Maanso oo uu leeyahay oo kala ah: Falaadh Bidix iyo Gaboobe, kuwaasi oo aad usoo jiitay Dadwaynihii ka qaybgalay, qiiro galiyay mar uu ka hadlayay Maansada Falaadh bidix iyo Dagaaladii sokeeye.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) oo sheegay in uu caawa rabo in uu Bulshada u gudbiyo hadal dhaxal gal oo wax tara halkii uu ka qoslin lahaa. Waxa uuna tilmaamay in arintaasi ay tahay lagama maarmaan oo ay Bulshadu mar walba u baahan tahay cid wax ku soo kordhisaa. Waxa uu halkaasi ka akhriyay Maansada caanka ah ee Sirta Noloshavoo ka mid ah Maansoooyinkiisa taasi oo uu sheegay In ay barigii ay soo baxday ay ahayd mid xasaasi ah isla markaana ay taalay muddo labaatan sanno ah. Waxa uu tilmaamay in uu maansadaasi curiyay 1986-kii. Waxaanu si wayn u sharaxay sababaha uu u curiyay Maansadaasi, jawiga waqtigaasi oo ahaa mid colaadeed iyo in uu ugu Magac daray Gabadh uu dhalay Rashiid Cabdillaahi(Gadh-wayne) oo ay saaxiib ahaayeen laguna magacaabo Sahra.

Qaybtii danbe ee Xaflada ayaa qaar ka mid ah ka soo qayb galayaashu Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame oo ku Magac dheer Hurre ay Su’aalo la xidhiidha Suugaatiisa ku waydiiyeen.
Su’aalahaasi oo aad u tiro badnaa waxa ka mid ahaa in uu sharax ka bixiyo baydad ka mid ah gabayadii ay is waydaarsadeen Canbaro Axmed waxaanu dhamaanaba su’aalahaasi uga jawaabay si ay ku diirsadeen oo ay ku qanceen.


Dhammaanba ka soo qaybgalayaashii Xaflada ayaa si wayn uga mabsuuday qaabka uu Hurre Walanwal ugu soo gudbinayay Sheekada iyo Maansooyinkiisaba.

Waxa si gaar ah ay Dadku u xiisaynayeen Labada Abwaan ee Walaalaha ah ee isa soo garab fadhiistay oo uu Eebe labadoodaba hibada u siiyay Curinta Suugaanta. Waana xafladii ugu horaysay nooceeda oo guud ahaanba Dalka laga sameeyo.

Baryahan danbe waxa soo badanaya Barnaamijyada noocan oo kale ah ee lagaga hadlayo suugaanta isla markaana lagaga nasanayo dhinaca Siyaasada taasi oo aad moodo in ay imika Dadku ay aad uga daaleen oo ay ka soo jeedsadeen.

Waxa Xafladan ka horaysay mid lagaga hadlayay Dareenka Jacayl ee soo Maray Siyaasiyiinta Somaliland. Waxana Barnaamijkaasi oo aad iyo aad u xiiso badnaa ka soo qayb galay Hogaamiyayaasha Axsaabta Mucaaridka ah oo uu midkastaaba uu ka sheekeeyay waqtigii ugu horeeyay ee uu Jacayl haleelo iyo cida uu jeclaaday.

 



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Office/Somaliland
mccfuture@hotmail.com