Bandhigii buugii koowaad ee Naadiga akhriska Timacadde
iyo Xiisihii madasha



Bandhiga buugan oo ahaa kii ugu horeeyay ee naadiga Timacadde ku qabtaan Gabiley, buuga asi oo waliba uu soo bandhigay markii ugu horeysay Nin Suxufi ah.

Naadiga Akhristayaasha ee Timacadde Readers Club, ayaa Buugoodii ugu horeeyay  Habee nki Xalay ahaa ku soo bandhigay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley. Buugan oo uu soo diyaariyay Saciid Khaddar Cabdillahi ayaa ahaa Buuga Magaciisu yahay Diiwaanka  M aansada Timacadde kaasi oo uu qoray C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

Xaflada soo Bandhiga Buugan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb  galay  Guddoomiya ha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xaliib), Guddoomiye ku  xige enka Gobolka C/rasaaq Sheekh  A den Cali, Maayarka Caasimada Gobolka Aaden Muxumed  Ba de, Xildhibaano ka socday Golaha Deegaanka  Gab iley,Marwo Maryan C/laahi Suldaan  Timac adde, Guddoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Maxamuud  Yuu suf Xaaji Cabdi, Masuuliyiin ta Naadiga, Culimo iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Isku duwaha Naadiga Timacadde Mustafe Cabdikariin Cali (Mustafe Future) oo halkaasi ka  ha dlay ayaa ka  w aramay ujeedadii loo aas aasay Naadiga oo uu ku sheegay in ay ahayd markii ay arkeen Baahida loo qabo in Gobolka laga sameeyo Naadi ay Dhallinyaradu wax ku  akhrist aan kana bartaan, kuna soo bandhigaan  buuga agta. Waxa kale oo uu ka sheekeeyay  waxya abaha u qorshaysan mustaqbalka in ay qabtaan, waxaanu  xus ay inay tartan aqooneed lagu dhiiri galinay dhalinyaradda gobolka, iyo inay Naadiga usamayn doonaan  Makt ab wax lagu  a khirso oo ka qayb qaadata howlaha horumarinta Gobolka.


Soo Bandhigaha Buuga Saciid khaddar Cabdillahi ayaa isagu u soo bandhigay Buuga si aad u balaadhan uga  s heekeeyay Taariikhda iyo Murtidii Abwaan Cabdillahi Suldaan Timacadde.Sa ciid, waxa uu si qoto dheer uga  h adlay Taariikh Nololeedkii Qoraaga Buuga Boobe Yuusuf  Du caale. Waxa kale oo halkaasi ka akhriyay qaybo ka mid ah Maansooyinkii uu ku caana baxay C/laahi Suldaan, sida, Gabayadii ay ka mid ahaayeen Dugsi Ma leh Qabyaaladi wax ay dumiso mooyaane, Kaana Siib Kanna Saar iyo Gabayo kale. Sidoo kale, waxa uu iftiimin  ba laadhan ku sameeyay Shaqsiyada Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde, isaga oo xusay in uu ahaa, Abw aanku qof aad u Maskax badan oo aad iyo aad u fikir dheeraa Dadkana aad uga horeeyay isla markaana waxyaabihii uu ka hadlayay 1960-kii maanta la arkay. Saciid Khadar waxa kale oo uu intaasi ku daray In C/laahi Suldaan uu ka baxay guud ahaanba Dadka Somalida ah  me el kasta oo ay joogaan ee aanu ahayn shaqsi taagnaa  he er Gobol. Waxaanu kula  dardaar may Dhallinyaradii ka soo qayb gashay in ay wax akhriyaan si ay wax u qori karaan.

Waxana ugu danbayntii halkaasi lagu waydiiyay Soo Bandhigihii Buuga oo ahaa Saciid  khad dar Su’aalo aad u tiro xiiso badan oo soo jiitay dhamaan dadkii ka soo qayb galay, waxaana uu ka jawaabay dhamaan su,aalihii laga waydiiyay buuga uu soo akhriyay.

Ka hor intii aan la bilaabmin soo soo bandhigida Buuga waxa halkaasi hadal ka jeediyay  Gud doomiyaha  Gobo lka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi ( Xaliib), Maayarka Caasimada  Gob olka Gabiley Aaden Muxumed Bade, Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi waxaanay dhammaantood  muuj iyeen sida ay ugu faraxsan yihiin soo  ban dhiga Buuga iyo qaabka wanaasan ee ay Dhallinyaradaasi u soo agaasimeen Barnaamijkaasi.


Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Aw Cabdi( Xaliib) ayaa sheegay in ay Maamul  aha an soo  dhawayn ayaan Naadiga isla markaana diyaar ula yihiin wax kasta oo karaan kooda ah oo ay u baahdaan. Diyaarna ay u yihiin in ay Markooda ka qayb qaataan Soo bandhiga Buuga.

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Marwo Maryan Cabdillahi Suldaan Timacadde oo ah  Cur adii uu dhallay  A lle ha u Naxariistee C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) waxaanay ka  wa rantay Taariikhdii Aabaheed iyo in uu ahaa Nin ka baxay guud ahaanba Ummada  Soomaaliye ed. Waxa ay sheegtay in Aabaheed aanu  qoyskii sa uga tagin wax Maal ah hasa ahaatee, uu uga tagay Magac taasi oo ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay. Waxaanay u soo jeedisay dhammaan ka soo qayb galayaashii gaar ahaan Masuuliyiinta Gobolka iyo ta  Xuku umaduba in ay ku dadaalaan sidii loo waynayn lahaa Shaqsiyaadka Ummada Taariikhda ku leh. Waxa kale, oo ay u soo jeedisay in Dadkii ay ka tageena wax loo qabto.

Munaasabada bandhiga buuga oo aan hore Nooceeda Gobolka loogu qaban ayaa soo jiidatay dhamaan  dadw eynihii ka qayb galay iyo maamulka Gobolka oo si diiran usoo dhaweeyay  Naa digan Cusub iyo barnaamijyada Aqooneed ee uu ku soo kordhiyay Gobolka.

Bandhiga buugan oo ahaa kii ugu horeeyay ee naadiga Timacadde ku qabtaan Gabiley, buug aasi oo waliba uu soo bandhigay markii ugu horeysay Nin Suxufi ah ayaa Si aad u  heersaray sa looga soo dhaweeyay guud  ah aan magaalada Gabiley.

Ugu danbayntii waxaa Madasha Shahaado Sharaf lagu Gudoonsiiyay Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf  Du caale oo isagu Qoray Buugan Diiwaanka Maansada Timacadde, inkasta oo Boobe Safar ku maqnaa balse  wax aa ugudoomay Gudoomiyaha Naadiga mahdi Sh.Cabdi oo qoraagu u wakiishay inuu u gudoomo.




 

 



Mustafe Abdikariin Ali
(Musatafe Future)
TRC Coordinator
timacaddereaders@hotmail.com