Bangiga Horumarinta Africa (AFDB) Oo Shaaca Ka Qaaaday In Dhaqaalaha Ethiopia Uu Kobci-doono 15% Shanta Sano Ee Soo Socda.
 

Tunisia (TNN)-Ku-xigeenka madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB), Prof. Mthuli  Nc ube ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaalaha dalka Itoobiya kobci-doono 15 % shanta sano ee  s oo socda. Prof. Mthuli wuxuu warbaahinta u sheegay in Itoobiya ay hogaaminayso qaaradda Afrika, maadaama uu dhaqaalaheedu kobcay qiyaas dhan 11 % shantii sano ee tegay.

Mr. Mthuli wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay maareysay iska caabinta mashaakilka dhaqaale ee dunida ku habsaday, isaga oo si gaara farta ugu fiiqay siyaasada uu ku shaqaynaayo Bangiga Dhexe ee Ethiopia. Tixgalinta weyn ee dowladda Ethiopia ay siisay beeraha iyo kaabayaasha dhanka horumarka ayaa gacan ka gaystay kobaca dhaqaale ee dalka.

Xukumadda Ethiopia ayaa todobaadkii tegay soo bandhigtay qorshaheeda shanta sano ee soo socda. Qorshaha dowladda dhexe ee shanta sano ee socda ayaa waxaa ku cad yoolka horumarinneed ee dalka, iyada oo la beegsanaayo ugu yaraan kobac dhan 11 % ugu badnaana 14.9 boqolkiiba.

Qorshahan oo ah mid isku dhaf ah, loona yaqaano Afka Qalaad GTP ayaa ujeeddadiisu tahay in dalka laga sameeyo kobac dhaqaale, mid isbedel bulsho iyo siyaasaddeed shanta sano ee soo socda.

Dowladda Itoobiya waxay xoogga saareysaa xidhiidhka wadamada China, India, Turkey, Koonfu r Afrika iyo Koonfur Korea si loo dardargaliyo xowliga horumarka dalka.

Prof. Mthuli wuxuu carabka ku adkeeyey in uu rumaysan yahay in dhaqaalaha dalku uu kobci doono 15 % shanta sano ee soo socota, maadaama ay dowladda xoogga saarayso beeraha iyo dhanka warshadaha.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ugu horeeyey qaaradda Afrika ee isticmaala quwadda  koront ada laga dhaliyo dabaysha iyo tan biyaha, taas oo afka qalaad lagu yidhaahdo Renewable  ene rgy. Mr. Mthuli wuxuu sheegay in uu Bangiga Horumarinta Afrika ku taageeri doonto arrintan xukumadda.

Bangigu wuxuu dowladda kal hore siiyey gargaar lacag, taas oo qayb ka ahayd lacagtii lagu bill aabay dhismaha biyo xidheenka korontada dhaliya ee Gilgel Gibe II. Mr. Mthuli wuxuu sheegay in uu Bangigu sii wadi-doono in uu dowladda lacag ku siiyo dhismaha biyo xidheenno kale oo dhaliya koronto.



By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com