Barnaamijka cusub ee “Kor U Hay” ee la Dagaalanka Mucaaridka
Waxaa dhowaan Ku soo biiray siyaasadda Somaliland magac ku cusub OO
la yidhaa “Kor U Hay” kaasoo ay Xukuumadda Kulmiye dhabar jab kula
beegsanayso xisbiyadda mucaaridka ah. Kulmiye waxay bilaabeen inta
jilicsan iyo inta xil doonka ah ee mucaaridka ka tirsan ayaa lala
xidhiidhayaa OO lagu odhanayaa CVgaagii bal noo keen. Maadaama ay
dalkii baahi iyo shaqo la ,aan baahsani ay jirto waxaa laysu tusayaa
shakhsiyaadkaa CVga la weydiiyey in la siin doono shaqo OO ay
Kulmiye noqon doonaa.
Sida lay sheegay waxa “Kor u hay” loogu bixiyey waa iyadoo marka ay
dadkan jilicsan ama xil doonka ah ee mucaaridka ah marka ay u
waraysi tagaan Xukuumadda ee ay is yidhaahdaan bal warsadda in shaqo
laydiin helay ay madaxda xukuumaddu Ku jawaabto ” Kor baan u haynaa
CVgaagii”. Runtii waa nasiib darro xukuumaddii looga fadhiyey in ay
dalka horumar gaadhsiiso OO xataa xisbigoodan kala fadhiya ee
Kulmiye bal shirweyne uun u qabato iyadoo imika la shee gayo in mar
kale dib loo dhigayo. Xukuumaddu xil baa loo iigmaday, marnaba U CID
baa layska casilay u noqon mayso marmarsiiyo OO filimkaasi xilkay Ku
heshay ileyn Kulmiye waa kii odhan jiray UDUB lama rabbo OO waa
layska casiley,
haddaba isla filimkii shaqeyn maayee ileyn Kulmiyaa xilka hayee ”
khuuro kale keen”. Xisbigga UCID 130,000 OO cod ayuu helay tartan
kii Golaha deegaanka iyadoo 7 xisbi tartamaayo. Haddaba dhowr qof oo
” Kor u hay” xaalkoodda lagu waddo waxba u noqon maayo. Beentuna waa
xaaraane Ilaahay ka baqoo bal Kuwa beenta ah uun TVga ka reeba ileyn
somaliland waa istaqaanaaye. Dawladda wixii loo igmaday ayaa laga
rabaa ileyn Ummadda ayaa idiin dhiibtay, xisbiyadda mucaaridka ah Ku
ilaaliya ayaa iyagana la yidhi. Xukuumaddu ha ogaato canshuurtii
danyarta ayeey mucaaridka kula dagaalamaysaa.
Ilaahay tubta toosan hayna tuso.
Wa bilaahi Tawfiiq
Jamaal Cali Xuseen
|