BAYAAN WADAJIR AH/ Xisbiyada UCID iyo KULMIYE Waqooyiga America



Shir laba geesood ah ay ka soo qeybgaleen guddiyo ka kala soda labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE ee Waqooyiga America iyo taageerayaashoodu oo ka dhacay Magaalada Toronto, Axad August 2, 2009, waxa ka soo baxay baaqan soo socda:

Haddaanu nahay ka qaybgalayaasha shirkan oo matelaya aqlabiyadda Jaaliyadda Reer Somaliland ee Waqooyiga Amerika, waxaanu si weyn u cambaareyneynaa go’aamada lammaanaha ah ee Xukuumadda Somaliland oo adeegsaneysa Komishanka doorashooyinku ay ku laashay Diiwaangelintii Doorashada Madaxtooyada, isla markaana ku caydhisay wakiilkii hayadda Interpeace.


Waxa aanu si buuxda u taageersan nahay mowqifka Xisbiyadda Mucaaridku ka taagan yihiin qaddiyaddan, annaga oo u aragnaa go’aammadaasu in ay si cad u burinayaan shuruucdii Doorashada dalka iyo Heshiiskii Anshaxa Doorasha ee Axsaabtu wada saxeexdeen, isla markaa, ay yihiin qaar si weyn u dhaawacaya masiirkii ummadda. Waxanu qabnaa in Komishanka loo xambaariyey go’aammadan aanu ahayn heyad xeer-dejin, sidaa darteedna aanu u lahayn sharciyad iyo awood midna inuu laalo xeer ay hore u ansixiyeen Golayaasha Xeer-dejinta Qaranku amma heshiis ay wadagaadheen Axsaabtu.


Waxay go’aammadanu meesha ka saarayaan doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda, isla markaa waxay soo afjarayaan hannaankii wada-tashiga iyo isu tanasulka ee Somaliland ku caan-baxday. Sidaa darteed, waxanu qabnaa in ay yihiin shirqool si adag looga soo maleegay, gude iyo debed, kaas ay ulajeedadiisu tahay isku-dhufashada shacbiga iyo niyad-jebinta taageerayaashii caalamiga ahaa, si dalkan jilbaha loogu rido.


Ha yeeshee, sidaynu Alle uga baranay, arrinku sidaa u dhicimaayo, guushuna waxay mar walba ku danbayn shacbigan daacadda ah ee dayaca iyo tacaddigu daashadeen, waase hadday hurdada ka kacaan oy xisaabtamaan, xaqoodana isu taagaan.


Golayaasha Baarlamanka, Wakiilo iyo Guurti, waxanu ugu baaqeynaa in ay xilkooda dastuuriga ah arrinkan ka gutaan si dalkan looga badbaadiyo halista soo food-saartay, taariikhda ayaana qori doonta in xilkaasi ay u guteen siduu waajibku ahaa iyo in ay dalkoodii iyo dadkoodii siisteen dano raqiis iyo dhadhamo quudhsi leh.


Ugu danbayn, waxanu ku guubaabineynaa shacbi weynaha reer Somaliland in iyaga oo isku duuban la saftaan oo isgarab taagaan Xisbiyada Mucaaridka oo haatan dadaal culus ugu jiray siday dalka ugu soo dabaali lahaayeen majarihii toosnaa aynu higsaneynay.



Ha guuleysato Somaliland



Gudoomiye Ku-xigeenka Kulmiye Waqooyi America
Maxamed Ismail Beergeel



Ku-Simaha Guddoomiyaha UCID Waqooyi America
Naasir Maxamuud Xaaji Yuusuf