BBC-du Xaal ha siiso dadka Gobta ah ee reer Somaliland!

 

BBC-da in aanay jirin beryahan danbe, dhawaaqyadii ay dhegtu ku raaxaysan jirtay iyo barnaamijyadii diirin jiray maanka waa laga wada haqab la' yahay, in afkii Somaaliga ahaa ee dhawaaqa iyo dhihidaba dhadhanka wanaagsan lahaa ku amuumoobay kuna foolxumaadayna waa marag ma doon, in ragii raga ahaa ka huleeleyna waa la yaqiinsan yahay, inay had iyo jeer ku dhiiranayd buunbuuninta xumaanta Somaliland waan uga baranay, waxase wax aan la qaadin karin ah inay isku dirto dadka reer Somaliland iyo dadka kale ee af-ka Somaliga ku hadla, ama Soomaalida ah ee hada martida ku ah Dalka Jamhuuriyada Diimuqraadiga ah ee Somaliland.

BBC-du necbaanshaha iyo ceebaynta ay had iyo jeer la daba joogto Somaliland waxa uu gaadhay halkii ugu danbaysay intii ka danbaysay qaraxyadii Hargysa ka dhacay, bal si fiican u dhuux warkan hoosta aan ku soo qoray!. Maanta oo ay bishu tahay 9./11/2008, oo ah maalin Axad ah, warkii duhurnimo ee saacadu markay ahayd '' labadii'' afrikada bari, waxa u qaadan waa ahayd Warkaasoo uu akhriyay nin magaciisa ku sheegay in la yidhaa Axmed.....?. oo War hor dhac ah oo ku saabsan sida dadka ka soo qaxay Koonfur ( somaliya) ee jooga Somaliland loo ugaadhsanayo, ka dib qaraxyadii ka dhacay Hargaysa!!. Waxa uu yidhi ninkaasi ( weriye Axmed) isaga oo cod dhiifaysan ku ladhaya akhriska Warka hadaladan aan sida ay yihiin u soo min-guuriyay,-

U fiirso. Warkii 1400, Afrikada bari.

Wariya Amed...( BBC): Dadka reer Koonfureedka ah ee ku soo qaxay dalka la baxay Somaliland, waxa soo wajahday dhibaato cusub oo xaga amaankooda la xiriirta, intii ka danbaysay qaraxyadii ka dhacaay Hargaysa waxa si is daba jooga xabsiyada loogu gurayaa dadka reer koonfureedka ah, iyaga oon loo Aaboyeelin! rag iyo dumar! caruur iyo ciroole! caame iyo culimo. Way dhacdaa in dadka qaar la sii daayo ka dib marka laga shaki baxao, ama waji gabax loo arko in marka horeba la soo qabtay, Laakiin hadiiba aad reer Koonfureed tahay Somaliland aad maanta ku nooshahay, waxad bar tilmaameed u tahay in lagu xidho!! waxana muuqata in dadka reer Somaliland qaarkood ay si kale u qaateen, hadaladii ay madaxdoodu u sheegeen ee ahaa, soo sheega waxii aad ka shakidaan! waxa maanta u danbaysay la xidhay, gabadh magaceeda la yidhaa Ayaan.....

Akhriste hadaba waa Cajiibe, warkaasi ma yahay mid jira? jawaabta cid kastaa garanaysa ah, inaan reer Koonfureed la ugaadhsanayaa jirin oo si gooni ah loo rabaa, ama jeel ku yaal Somaliland laga buxiyay, ee ma yahay ninka warkaa akhriayaa ama qoray nin u qalma inuu noqdo wariye Idaacad laga filayay ama lagu yaqaan dhexdhexaadnimo ka shaqayn kara? Ta kale,-

Akhristooy, hadaladaasi ma yihiin hadalo qabta, dadka reer Somaliland ee sida walaaltinimada iyo maxabada hagar la' aanta ah u soo dhaweeyay dadkii ka soo qaxay Somaliya (ex-koonfur), ee abaalkoodiina loogu guday in la qarxiyo madaxtooyadii Somaliland, iyo Hyadihii kale ee martida dalka Somaliland ku ahaa si dalka looga eryo, iyada oo weliba si badheedh ah loo dilay, dad aan waxba galabsan oo tiradoodu ka badan tahay 23 qof , la dhaawacayna intaa in ka badan, inaga oo weliba og waxii ina soo maray shalay!!

Waxa la yaab leh, ma ku daray ninkan wariye isku sheega ahi sida dadka dadkoodii nolosha ku gubteen ee ay ku dhinteen qaraxyadaasi dareenkoodu yahay, marka uu weliba been aan jirin afuufayo!! ma ku darsaday ninkan makarafoonka aan dabarka lahayn afka ku camcaminayaa, in waxan u sheegayaa yahay xadhig iyo tuhun dadka laga shakiyo ah cida ay doonaanba ha ahaadaane lana wada ogyahay oon wax qarsooni jirin hada?

BBC-du inay siinad baxday waa la iska wada ogaa, inse ay heerkan gaadhayso oo ay ka hoos marayso idaacadihii Beelaha ee ay nimankan hada u badan Makarafoonka BBC-du xidhiidhka la lahaayeen, maan moodayn! Wariyuhu Made ama xad iyo xeer ayaa joojinaya marka madashu leedahay Dhaqan haboon oo gar qaate ah, waxase hubaal ah inaanay Qaybtan BBC-somali service hada waxbaba ku hakanayn oo ay dabar iyo seetaba goosatay!

Ninkoow ( weriye Axmed) waa inad Xaal adiga iyo Idaacada BBC-duba Siisaan, dadka reer Somaliland ee Gobta ah, ee aad xumaan aan qaban marmainayso.



Somaliland
Ha Jirto oo ha Joogto
 

 


Cali Cumar Xasan