Beelaha Walaalahayo Somaliland iyo Deriskayagaba Waxannu Ugu Baaqaynaa Nabadgelyo. Xukuumaddana Wixii Tabasho ah Cidina Noo Dhexayn Mayso Waannuna La Shaqaynaynaa (Suldaanka Guud H/Yoonis-Bari)

 



Ceerigaabo (TNN) Shir-dhaqameed muddo laba toddobaad qaatay oo Beelaha H/Yoonis-Bari uga socdey  magaal ada madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo kuna saabsanaa sida ay halkaas ka sheegeen nabadgelyada  beela ha walaalaha Somaliland iyo weliba arrimaha dhinaca xukuumadda Somaliland iyo beeshan ayaa waxa  Salaadiin ta, Boqorrada Cuqaasha iyo waxgaradka kale ee beelahan oo uu hoggaaminayey Suldaanka guud ee beelaha  HYB. Suldaan-Rashiid Suldaan Cali Ducaale iyo Guddoomiyaha HYB C/naasir Cali Jaamc waxa halkaas lagaga  dha waaqay go’aannadii shirkaas kasoo baxay.

N/doon-Maxamuud Dirir Xasan oo isagu fagaarahan ugu horrayn kaga dhawaaqayey go’aannadaas ayaa yidhi “Beelahan H/Yoonis-bari oo maanta waayeelkoodii aannu maanta halkan ku fadhino waxannu cid walba shacab iyo xukuumad u caddaynaynaa in beeshani go’aansatay marka hore cid kastaba in ay kula noolato nabadgelyo iyo walaalnimo”. Isagoo intaas kusii daray “Dhinaca xukuumadda Somaliland waxannu caddaynaynaa in aannaan mucaarad ku ahayn ee aannu la shaqaynayno haseyeeshee iyadoo ay jirto wixii tabasho dhinaca xukuumadda waxannu leenahay cidina noo dhexayn maysee beesha iyo xukuumadda ayaa ka wada hadli doona weftina  dho waan Hargeysa ayaannu u diranaynaa waxannuna ku rajo weyn nahay in aannu si wanaagsan u dhammaysan doonno”.

Suldaan-Rashiid Suld-Cali Ducaale oo isaguna ugu danbayn munaasibaddan hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Go’aankan waayeelka beeshan kasoo yeedhay sida aad arkaysaan wa mid geedka  hoo stiisa lagu gaadhey oo kaddib dhawr toddobaad markii guddi loo saaray taladana waayeelku rog rogayeen  iya ga kasoo yeedhay ee aan cid kale u yeedhinayn”. Wuxuna suldaanku intaas kusii daray “Go’aankani waa mid ku salaysan mawqifka nabadgelyada beeshani cid kastaba in lagu wada noolaado ugu baaqayso looguna soo  haga agi doono iyo in beeshu aanay xukuumadda mucaarad ku ahayne la shaqaynayso wixii arrimaheeda ahna  dhina ca xukuumadda iyo beesha aan cidina u dhexayn doonine iyagu ka wada hadli doonaan”.

Waxa iyaguna fagaarahaas ka hadlay Guddoomiyaha Beelaha HYB C/naasir Cali Jaamac Boqor-Maxamuud  Cisma an(Boqor-Magaadle) Madax-dhaqameedyo iyo guurti kale oo dhammaantood halkaas ka sheegay in go’aankani yahay mid beeshaasi isla garatay iskuna raacsan tahay”.

Sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa u muuqata markii ugu horraysey muddadii xukuumadda Madax-weyne  Siila anyo talada dalka qabatay ee beeshani ku xaqiijinayaan mawfiqkooda wada noolaanshaha iyaga iyo beelaha kale ee Somaliland iyo weliba wada shaqaynta iyaga iyo dhinaca xukuumadda Somaliland.

 

Source:Waaheen