Beesha Aadan siciid ee Bariga Sanaag oo ku dhawaaqday inay Masiirkeedii Siyaasadeed Somaliland ku Midaysay iyo Xukuumadda oo soo dhaweysay
 

 

 

Badhan (TNN)-Shirwayne Beelaha Aadan Siciid ee Warsan-geli uga Socday Maalmahan Deega anka Caraweyn oo ka Tirsan Degmada Badhan ee Bariga SANAAG ayaa maanta gelinkii dam be la soo gabagabeeyay, waxaana laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ku saabsan Masiir ka siyaasadeed ee Beeshaasi iyo horumarinta deegaamada ay degto.


Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay Shirka ayaa Waaheen u sheegay in qodobada laga soo saaray ay ka mid yihiin in beesha aadan Siciid si buuxda u taageertay, kuna dhawaaqday inay masiirkoodii siyaasadeed isugu soo dudeen dhinaca Somaliland.


Shirkan oo socday mudo sagaal cisho ah, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen dhamaan Cuqaasha iyo Indheer-gadaka bulshada deegaankaasi, waxa shir Guddoominayay Caaqilka Guud ee Beesha Aadan Siciid Chief Caaqil Cabdilaahi Dab-shide, iyadoo ay dhinaca ku weheli nayeen ilaa afar Caaqil oo ka soo kala jeeda jifooyinka beeshaasi ka koobantahay, kuwaasoo kala ah Caaqil Xasan Faarax Maxamed, Caaqil cabdilaahi Ciise Maxamuud, Caaqil Maxmuud Faarax Ducaale iyo Jaamac Maxamuud Maxamed.

Qodobadda ka soo baxay shirkaasi oo aanay warbaahinta shirka ka qayb gashay wali si ras miya u baahin, ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin in Beesha Aadan Ciise Kalsoonidii siyaasadeed ee Ehliga ku dhisnayd kala noqotay Maamulka Puntland, isla markaana taagee rtay dawlada Somaliland oo ay dhul ahaan uga tirsanayd, taasoo meesha ka saaraysa kala aragti duwanaanshihii dhinaca siyaasadda ee Beeshaasi.

Qodobada kale eek u jira Baaqa shirka laga soo saaray waxa ka mid ah inay dhawaan Magaa lada hargeysa Iman doonaan wefti ka socda Odayaasha beeshaasi oo xukuumadda Somalila nd kala hadli doona, waxyaabaha ay ugu talo-gashay bulsho ahaan iyo saamigii ay ku lahaay een siyaasadda wadanka.

Shirkan oo sida lagu soo waramayo ay u dhamaayeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Bee sha aadan Siciid, sida qurbo jooga dibada ka timi, siyaasiyiin Puntland iyo Somaliya ka soo ajiibay iyo odayaasha dhaqanku, waxa la sheegay inay Xukuumadda Somaliland si joogto ah ula socotay intii uu socday, isla markaana qaban-qaabadiisa ay door weyn ku lahayd.

Wasiir –u dawlaha arimaha Bariga ee Xukuumadda Somaliland Kayse Cabdi yuusuf oo galabta markli shirka la soo gabagabeeyay aanu Khadka Taleefoonka kula xidhiidhnay si aanu u way diino waxay Xukuumad ahaan kala socdaan shirkaasi iyo doorkii ay ku lahaayeen ayaa sheeg ay inay si weyn u soo dhaweynayaan go’aamada ka soo baxay shirkaasi, isla markaana ay la socdeen intii uu socday, laakiinse aanay wax saameyn ah ku lahayn ee beeshu masiirkeeda ka tashanaysay “waanu soo dhaweynaynaa shirkaasi iyo Go;aamada ka soo baxayba, waan an la soconay intii uu socday, wax wanaagsan oo aanu soo dhaweynayno ayaana ka soo baxay”.

Beesha Aadan Siciid ee shirku u soo gabagaboobay ayaa ka mid ah Beelaha ugu balaadhan Bariga Sanaag, waxay deegaan ahaan ku teedsantahay Laasqoray ilaa iyo Badhan iyo deeg aamo kale oo badan, iyadoo talaabada ay qaaday wax weyn ka bedeli doonto khilaafkii siyaa sadeed iyo dib u dhaca maamul ee Jiidaasi ka jira.

Dhinaca kale, Deegaamada Bariga Sanaag waxa ka socda oo kale Shir-beeldeedyo sida tusba x la furay isdaba jooga oo ay leeyihiin beelaha dhulkaasi degen, kuwaasoo Ujeedada ugu we yn ee ay daaranyihiin tahay arimo siyaasadeed.

Xukuumadda Somaliland oo mudo laba sanadood ah lagu dhaliilayay inay ka gaabisay deegaa mada Bariga SANAAG, ayaa go’aanka beeshani wax badan u fududaynayaa, isla markaana si balaadhan hada uga hawl-gelin karta maamulka deegaamada Gobolka oo dhan, taasoo suur to gelin karta inay meesha ka baxdo kala qoqobnaantii siyaasadeed ee wadanka taalay.
 

Source:Waaheen